DHAMBAAL Qormadii 12 aad

 



 


Caqliga kulmiye bal eega .Ninka dibiga qalayee Ka dibiray casuumee dib jirkiina qadiyow du co kuuma soo hoyan. Abwaan AHN Cabdi iidaan.Aqbwaan Qaasina AHN .Wuxuu yidhi sidii baa biyaha loo dawariyaaye .... Dembi ku hadali maayee maan arag dawladaan rabay . Waxaynu aragnaa Haraadka , gaajada ,daryeel la,aanta ay qaban shacabkii xoolo dhaqata da ahaa ama reer miyigii . Siday ku dhacday shacabkaagii oo haraad u dhimanay in wadada Madaxweynuhu maray in booyadihii biyaha u siday dadkaas surmiga u dhimanay in Dhulka lagu Rusheeyo.Waa caqli garashadii dadnimadii iyo damiirkiiba ay Ka dhinteen . Qofka masu uliyadiisu ay sidaa tahay Iyo kan Ka aqbalay in maanta Madaxweyne Dhulka uu marayo boodhka laga rusheeyo Waa laba aan is dhaamin,waynu ladanahay hadaan Ilaahay Dhulka inal goyn kolay Waa mid ku maqan madaxdaas . Waxaa is weydiin leh wasiirkii xanaanada xoolaha Cukuse . Shaqadii miyuu Ka tegay ? dadka abaartu ku habsatay miyaanu wasiirko odii ahayn mise Seeraha Banka Qoolcaday ayay shaqadiisu ahayd?Waxaan uga digayaa shacabka jamhuuriyada Somaliland inay iska ilaaliyaan dulmiga Iyo dulinimada sharaf dhaca karaamo la,aanta u keenaya. Boodhka habaaska, siigada, gaajada haraadka Iyo geerida Waa in ay madax weyne , wasiir , Agaasime Iyo madaxda kalaba la wadaagaan dadweynah a ay madaxda u yihiin oo ay kibirka Iyo Isla weynida iska dhaafaan waqtigan adag ee dhimashada iyo caydhnimada ay soo foodsaartay dad keeni.Ilaahay Abaarta Iyo kulmiyeba haynaga soo gaadho . Ayuu yidhi Abwaan Siciid ilka Jiir.

 

 

Mataan M Omar Xoghayaha warbaahinta Waddani UK . Sheffield