DHAMBAAL HAMBALYO 20/2/1982

 

 

DHAMBAAL wuxuu ku leeyahay ,
Hargaysi ma toostay hogaanka ma diiday Harqoodka ma tuurtay.
Hargaysaay Anaa kaa Hurdee laguma haysteene Hablahaaga muu guursadeen Haybtii garan waaye.


Dhamaan Tuducyadaasi waxay dhiiri gelinayeen Halkankii loo soo maray dib u xoreynta Jamhuuriyada Somaliland, halgankaas oo ka soo bilaabmay Maalinta Dhagax tuurka Ard yda ee 20 Feb 1982 oo maanta laga joogo 35 Sanadood. Mudadaas Dheer ee dalku xorni mada ku naaloonayay Waxa badan oo horumar ah oo lagu faani karo ayaa inoo qabsoo may.

Hase yeeshee Waxaa intaasba isku fuuqsaday Qawlaysatadan ku faanaysa in maalinta dhalinyarada ay Xukuumada Siilaanyo samaysay. Waxaay xaqiraada Iyo Aqli Xumo ku dafireen Maamuladii Iyo Madaxweyne yaashii dalka xoreeyay oo uu ugu horeeyo ilaahay Naxariistii jano ha ka waraabiye Mujahid Cabdiraxmaan Axmed Ali. Aabihii Jamahuuri yad a Somaliland . Madaxweynihii labaad ilaahay ha u naxariistee Mohamed X Ibrahim Cigaal Iyo madaxweynihii saddexaad mudane Daahir Rayaale Kaahin oo saddexdooduba ay da lkan u qabtaan horumarkan maanta kulmiye u haysto in dalku xoroobay 2010 Waa mar kay talada qabteen ayay ku ekeeyeen Sooyalka Somaliland. Xisbiga kulmiye oo dalka ku celiyay marxaladihii aynu ka dagaalanay ee naf Iyo maalba loo hurey .

Waxaa kaloo la yaableh in wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdilaahi Cukuse wuu ka qudb adeeyo ama ka hadalo xuska maalinta Dhagaxtuurka isagoo Weliba ku faanaya inuu ka mid ahaa dhalintii ka qayb qaadatay dagaalkii Dhagaxtuurka . Inteedu ku sugay nasiib ayuu u helay inuu dhalinyaro aan ogeyn Taariikhdiisa inuu sidaa ugu waramo. Cukuse wuxuu ahaan jiray Iyo halkuu kaga jiray Halkankii Dhagaxtuurka ma jeceli inaan ka dab tago waase lagaa war hayaa.Tariikhduna iyadaa is qorta ee ka waantow warka aad dhalinyarada ugu sheekhaynayso (Xisbigiisa Hantiwadaaga Kacaanka somaliyeed ka waran) Iyo ururkii dhalinyarada Kacaanka somaliyeed UDHKS

Waxaa Ayaan daro kale ah Dhamaan Haldoorkii UFO oo aan ka hadal Xuska maalintooda marka laga reebo Axmed Muxumed Madar oo isagu Xukuumada ka socday . Waxaan ka filay Ahmed inuu ku soo casuumo xuskan saaxibadii ay nolosha Iyo waayaha adag wada ageen halka xubnaha xukumadu ay ka waramayeen waxayn isir u lahayn

Ugu dambeyntii Waxaan u soo ducaynayaa Mujaahidiintii UFO ee dhimatay oo uu ugu ho reeyo Mujahidkii ugu horeeyay ee ku shahiida halkii Dhagax tuurka Mj Bare Cimi Cali (Badho Cali) oo geeriyooday Isla maalintaas 20/2/1982
 

Guul Iyo Gobanimo
Dhalintii Dhagaxtuurka

 



Mataan M Omar
Xoghayaha warbaahinta Waddani UK
Sheffield