DHAMBAAL.Haatuf Maxaa lagu Xayiray?

 



Maqaalkeenii DHAMBAAL oo markale dhinbiilaha tuuray ,waxa uu daaran yahay siyaasadii guraca Iyo Guray oo goor dambe baraarugay kun toostay Xisbigii Waddani oo caalamkii wada gaadhsiisay qadiyada Somaliland ee fadhiidka noqotay , Iyo Madaxdii Xisbiga Waddani oo dhawaan ku soo Guray noqonaya dalka kana war bixin doona Waxa shacabka jamhuuriyada Somaliland ka yaabin doona. Maxaa dib indiin dhigay ma Raadkiinii ayaad dib u raacdeen ? Ayuu caalamku Ina leeyahay.
Sidaas darteed ayaa Gurac Iyo Guray waxay is yidhaahdeen (Isna yidhi ka gaadhsii Guusha maanta kuu gadan )
Shirka jaraaid ee ay Wasaarada Arimaha dibadu u qabatay weriyeyaasha Somaliland waxay ka tarjumayasa tamar la'aanta Wasiirada (Gurac Iyo Guray) waxay isku markhaati fureen sidaanay uga jawaabi karin su'aalaha weriyeyaashu ay weydiinayaan,iyagoo ka codsaday in aan la duubin jawaabaha ay bixinayaan ileyn Waa malo awaal Iyo Waxa shacabka lagu seexinayo waxay ku jawaabayaane.

Waxaa kaloo dhambaalkani uu xambaarsan yahay Cabudhinta saxaafada madax banaan Coldoon oo Waxa lagu xukumo markii la waayay Laba sannadood oo xukun qarqoor ah gadhka loo geliyay
Warkeygka Haatuf oo saddex sanadood Albaabadu u xidhnaayeen sababtuna Waa maxaad Waxa nooga qortay oo aad xaqiiqda jirta shacabka ugu ban dhigteen car juuqdhe .

Ugu dambeyntii Ciidanka Boliska oo ka mid noqday taageerayaasha Xisbiga kulmiye oo Weliba xag jir ah ka dib markay saaka (Axadii) dhamaan Gobolka Gabiley ka Raafeen Calanka XISBIGA Waddani . Cunsuriyadaas ay ku dhaqmayaan ciidan Boliska Waxaa ugu madax ah Dress qaad Xume Taliye Fadal . Waayo Waxa talaabo ah oo uu qaaday ma jirto haddii calanka Kulmiye ama Xisbiga kulmiye Iyo xukumada dhaliishooda la Sheegan Waa ciidanka RRU da Iyo saqdadhex u daadashadii caruurta Iyo Haweenka laga sasin jiray.waxaa hore magaalada Gabiley ka dhacay in Calanka Xisbiga Waddani eyda loo xidh cid Xukuumada ka tirsan oo astaantaas Qaran ee eyda la saaray ka hadashay ama Waxa qabada ma jirto.

Hadaanu hadalan Waa noo afku saxal ku dhegaygii hadaanu Aamusnana adhiga sidaa laga deny maayo.
Ina Xagaa Dheere.
 


Mataan M Omar
Xoghayaha warbaahinta Waddani UK
Sheffield.