Dhalinyarada Beesha Ciise Muuse Oo Cambaareysay Hab dhaqanka Suldaan Xasan, Sheegayna In Aanu Ahayn Suldaan Subeer Awal
 

 
Berbera (TNN):-Dhalinyarada Beesha Ciise Muuse ayaa Cambaareyey Hab-dhaqanka qaby aaladeysan ee Suldaan Xasan Suldaan Cabdilahi oo ay ku eedeyeen inuu u kala eexday Mus harraxiinta Beesha Subeer Awal.

Dhalinyarada Beesha Ciise Muuse , ayaa sidoo kale tilmaamay inuu laba jeer oo isku xiga Su ldaan Xasan Indhaha ka Laaliyey Musharraxa Beesha Ciise Muuse uga Sharraxan Xis biga UCID,Jamaal Cali Xuseen, isagoo kala raaca Musharraxiinta Beesha Sacad Muuse oo keliya, isla markana aan wax Masuuliyad ah iska saarin arrin kasta oo la soo gudboonaata Beesha Ciise Muuse, taasina waxay cadeyn u tahay in Suldaan Xasan uu la ambaday Sandalaadii Be esha Subeer Awal.

Haddaba, haddanu nahay Dhalinyarada Beesha Ciise Muuse, gudo iyo Dibed-ba maanta la ga Bilaabo 12/10/2015, waxanu Umadda reer Somaliland u sheegeynaa in aanu jirin Sulda an Metela Beesha lagu Magacaabo Subeer Awal.

Sidaasi daraadeed waxay Beesha Ciise Muuse dhowaan iskugu Imaan-doonto shir ay ka ga tashan doonto Sandalaada Beesha Sacad Muuse ay sheegato. Waxananu soo jeedin aynaa in Beesha Cise Muuse loo sammeeyo Suldaan u gaar ah.

Dhalinyarada Baaqa Saxeexday

1: Caaqil Mustafe Ismaacil Xuseen.

2: Farxaan Ismaacil Guuleed.

3: Daa’uud Saleeban Cise.

4: Warsame Ismaacil Raage.

5: Yuusuf Maxamed Cilmi.

6: Cabdicasiis Saleebaan Tayasiir

7: Nuur Guuleed Jaamac

8: Xasan Hurre Ibraahin

9: Maxamed Kaahin Suguule

10: Saleeban Siciid Khayre

11: Nuura Xasan Macalin

12: Ilhaan Faarax Haayir

13: Amaal Farxaan

14: Nimco Iid Ramaax

15: Rooda Axmed Jamaac

Alla Mahad-leh

 


Xigasho: Xogreeb News