“Dadka
Rayidka Ah Ee Ciidamadu Sida Kibirka Ah Xabada Ula Dhacayaan Waxa Ka
Masu’uul Ah Rayaale ,Geeridooduna Ugama Duwana Dameer Bakhtiyay”
Dixood
Dr Cumar Cilmi Dixood oo ka mid
ahaa aasaasayaashii dhibada u taagay Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga
Somaaliyeed ee SNM, kana mid ah golaha dhexe xisbiga mucaaridka ah
ee kulmiye ayaa wax aan la aqbali Karin oo damiir xumo ah ku
tilmaamay dalkii bilaa sababta ahaa ee habeen hore uu sida
badheedhka ah u toogtay askari ka tirsan ciidamada dawlada ardaygii
dhalinyarada, isagoo masuuliyada gumaadka shacabka u xanbaariyay
inuu masuul ka yahay Madaxwayne Rayaale, oo aan wali ka hadal falkan
foosha xun.
Dr Cumar Cilmi Dixood oo xalay nagu soo booqday xarunta wargayska
Saxansaxo ee hargaysa ayaa xusay in aan la arag dawlad ciidamadeedu
ay sidan oo kale ula dhaqmaan oo rasaas ula kac ah la beegsata
dadkeeda rayidka ah, oo aanay dhamashadoodu uga duwanayn dameer
bakhtiyay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay.
“Dilkii waxashnimada ahaa ee xalay askari ka tirsan madaxtooyadu uu
sida badheedhka ah, kibirka iyo sabab la’aanta ah uu ugu toogtay
ardaygii dhalinyarada ahaa ee aan waxba galabsan Alla ha naxariistee
marxuum Cabdikariin Cabdilaahi Cumar waxay ahayd mid nasiib daro ah,
mana wanaagsana inay soo noq-noqoto dilka ay ciidamada bilaysku ama
milatarigu u gaysanayaan dadka shicibka ah ee aan waxba galabsan, oo
aan madaxtooyadiisa lagu soo doonan intuu dhalinyarada iska
jahawareersan ee shaqo la’aantu daashatay uu rasaas iskaga furo oo
waliabana dhawr xabadood ku dhuftay inankaa yar ee aan waxba u
gaysan kuna jirin buuq halkaas ka taagnaa.”ayuu yidhi Cumar Dixood.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Maalin walba way soo
noqotaa nin askariya oo qof shiciba xabad iskaga dhufanaaya, walina
may dhicin askari kaliya oo lagu ciqaabay ama xukun maxkamadeed la
soo taagay, anigu waan soo maray askari waligay maan arag nin
ciidana oo iska tooganaaya qof shiciba, markaa waxani waxay u
dhacayaan kuwii inanta dilay maxkamad lama gayn, kuwii dhalinyaradii
mudaharaaday madafiicda la dhacay maxkamad lama gayn, kuwii biyaha u
mudaharaaday ee rasaasta lagu furay maxkamad lama keenin, kuwii
riiga ee iyana madafiicda lala dhacay maxkamad lama soo taagin,
markaa tana kuwaas ayay daba socotaa oo waxa la doonayaa in hadhaw
la yidhaahdo xabaalo qodka qaata oo iska soo aasa, xagee ayaynu ku
aragnay in arday yar oo kibir xabad loogu dhuftay qaata $500, oo
xabaalo qodka ah. Sharcigu maaha inuu ka hooseeyo ninka qoriga sita,
arinta waxaad moodaa in ciidamada akhlaaqdii iyo hab dhaqankoodii
xumaaday, sababtu maaha ciidamada ee waa nidaamka dawladnimo ee
meesha ka jira, waayo ciidamada waxa ka sareeya nidaamka dawladnimo
ee dalka xukuma. Maamulka sare ayay ahayd inay jideeyaan inuu ninku
qoriga haysan karo, in aanu haysan Karin iyo in aanu cid ku furi
Karin, arinta noocaas ah hadaan si dag dag ah wax looga qaban waxay
inagu celinaysaa waxay shalay umadani ka dagaalantay.
Dr Dixood oo la waydiiyay su’aal ahayd bal sida uu arko xalka,
madaama uu wali maydkii yaalo qaraabadiina ay carabka ku adkaynayaan
in la keeno gacan ku dhiig lihii,Isagoo ka jawaab ka bixinaaya wuxu
yidhi. “ xalku wuxu noqonayaa in la keeno askarigii dilka gaystay,
ta kale waxaan qabaa in la baadho maskaxdiisa, qof aan waxba samayn
ayaan tooganayaa meesha ka qabato.” Dr dixood oo la waydiiyay su’aal
ahayd in aanay arintani ku cusbayn magaalada hargaysa, balse ay
jireen dad sidan oo kale loo dilay, cidii dishayna aan maxkamad la
keenin, bal cida masuuliyadaa iska leh, Waxaanu kaga jawaabay. “
horta masuuliyada waxa iska leh xukuumada, booliska iyo milatariga
arintu kama socoto ee waxay ka socotaa xaga sare, waayo xukuumada
aad masuulka ka tahay hadii ay khaladaad badan gasho oo ay dadka
shicibka ah layso waa in aad is casishaa. Xukuumadu maalin walba
dadka way laysaa, qaarna way xidh xidhaa masuul kaliya oo xukuumada
ka tirsan oo ka hadlaaya arki maysid, waliba doorashadii way soo
dhaw dahay marka sidan oo kale xukuumada aad hogaanka u tahay
shacabka ugu tomato waa in aad iskaga tagaa meesha oo is casishaa,
waana xaraan in aad doorasho isku soo taagtaa. Siyaasadan xun waxa
ka dambeeya madaxwaynaha iyo wasiiradiisa, waana in ay iska dul
qaadaan caruurtayada maalin walba rasaasta lala dhacaayo. Qoryihii
atalariga ee codka loo haystay ayaa dadkii lala dhex marayaa oo
loola soo baxayaa, markaa ma waxa weeye cadowgii dalka laga xoreeyay
ayaa soo noqday.
Dr Cumar Cilmi Dixood oo la waydiiyay bal sid uu arko hadalo manta
suuqa ku jiray oo ahaa in ay dawladu bixisay lacagtii xabaalo qodka
waxa uu yidhi. “arrintasi waa ceeb, horena way u dhacday in inan yar
la iska dilo la yidhaahdo lacagtan hooya oo ku aasa, waxaasina maaha
wax umad loola tago, soomalida ayaa tidhaahd magtaada shalin shalin
ayaa loo bixin, imikana waxa soo baxday 500 qaado oo soo aaso maydka.
Fool xuma intaas leeg in umada lala barto maaha. Qolada xukuumada
isku sheegaysaa waxay doonayaan khiyaamooyin hore loogu jabay,
laaluush iyo xoog xoog aan umadani u baahnayn, waxaan leeyahay
falkii habeen hore dhacay wuxu ahaa mid qayrul sharciga waana in ay
dowladu keentaa askarigii wax dilay.?Dr Dixood oo ka jawaabayaa in
xukuumadu ay sidan nabadgalyada u ilaalinayso, xisbiga kulmiyena
nabadgalyo xumo wado waxa uu yidhi. Dawladu iyadaa wada nabadgalyo
xumada, waayo waxaad arkaysaa niman qoryihii sita oo shacabka la
dhex maraaya. Kulmiye hubkii uu dalka ku xoreeyay wuxu u dhiibay
xukuumada maanta jirta, nabadna cida wax yeelaysa way garanayaan
dadkani. Qolada xukuumada isku sheegaysaa waxay doonayaan
khiyaamooyin hore loogu jabay, laaluush iyo xoog xoog aan umadani u
baahnayn, waxaan leeyahay falkii habeen hore dhacay wuxu ahaa mid
qayrul sharciga waana in ay dowladu keentaa askarigii wax dilay.”
Wargeyska Saxansaxo
|