\

 

 

WARQADII UU DHAGAR QABE MORGAN U QORAY SIYAAD BARRE 1987 KII

 


Jumhuriyadda Dim Somaliya Wasaaradda Gaashaandhiga Xarunta Taliyaha Qaybta 26aad

TQB26/XKT/28-5/6/87 Taariikh: 28/01/87 S I R  C U L U S

WARBIXIN:



Ku: Madaxweynaha J.D. Soomaliya Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JDS. Ku: Wasiirka Wasaaraddd Arrimaha Gudaha JDS.



Tixraac warbixintii aan soo gudbiney ee ku taariikheysneyd 17.01.87 ee ku saabsaneyd xaaladda Difaaca iyo Nabadgelyada ea Aagga Masuuliyadda Qaybta 26'aad.


Xaaladda Gobollada Waqooyi Galbeed iyo Togdheer Nabadgelyadoodu waa soo xumaatay, xabashidiina waxay ku tallaabsatay in Ciidamo ku soo kordhiso Aagga, iyada oo ujeedadu tahay in dagaal soo qaadaan qabsadaana dhul muhiim ah, sidii BALAN-BALLE iyo GALDOGOB, sidii horay aad uga dhadhamisay warbixintii hore Dagaalladii ay soo wada qaadeen waa ay ku guulaysan waayeen, waxaan ka dambaysay in aad sameynay falal Aargoosi ah oo saldhigyada Qurmista iyo xabashidu wada degan yihiin ah, looguna geeystay khasaare wadajir ah iyo baabi' in Tuulooyin , waxaana ka mid ah


Saldhigyada Qurmista oo kala ah: DIBIILE, RABSASO, RAMAALE,- iyo GARANUUGLE, falalkaaso oo dhamaantood fuIay habeenimo , Ciidunkuna Nabadqab ku soo laabtay, marka laga reebo dhaawacyo fudud. Dagaalladii ay Qur mistu soo qaadeen iyo khasaarihii loo geystay ayay hadda waxay bilaabeen "YAA REER ISAAQ AHEY”, iyaga oo doonaya inay Baandooga u tusaan Ciriirin iyo baabiin dadkooda, sidoo kale waxay dacaayad ku soo afuufeen dad weynaha ayagoo ka dhaadhicinaya dhawaan ayaan qabsanaynaa W/Galbeed iyo Togdheer, arrintaas waxaa sab ab u ah oo Iaga qaran karaa hadallada lagu qoray darbiyada iyo Waraaqo lagu daadiyay Degmada Gabileey, Deg mada Lughaya, Beesha Allaybaday, arrimahaasoo dhammi waxay astaan u yihiin laab la soo kac, xiisad salka ku haysa, Qabyaalad iyo Qurmisnimo. Waxay Reer-Reer isugu baaqeen in la soo ururiyo 2000/qof oo Qurmista ka q ayb gasha laguna Tababaro AWAARE, ilaa hadda waxaa ku biiray 400/qof, sidoo kale Jabhadii FARA WEYNE oo a h SACAD-MUUSE, ka dib markii la qabtay Qarandumisyadii, waxay isu dhiibeen Xabashida iyo Qurmista, tirada isu dhiibtay waxay noqdeen 60/qof iyo Xiddiglahii Taliyaha ka ahaa, intii kalena waxay baqdin u galeen duurka; wax ay na soo bilaabeen in ay dib ugu soo noqdaan Tuuladii.

Jaalle Madaxweyne, Jaallayaal, Waxaa noo muuqata haddii aan maanta xamlad lagu qaadin Jiritaanka Qurmis iyo Taageerayaashooda in ay waqti kale madaxa la soo kacayaan, maanta waxaan u haynaa daawadii ku habooneyd JERMIGA Qaranka Soomaliyeed ku jira , waxayna tahay: lyada oo laysu dheelitiro dadka maalqabeenka ah oo aan hadda, lsudheelitireyn. Guddiga Deegaanka oo noqday dad soocan oo laysu dheeli tiro. Ardeyda Dugsiyada oo lo o oggolaado in lagu barxo Ardeyda Qaxootiga ee degan Agagaarka Hargeysa. In lama degaan laga dhigo jiidda u dhaxeysa Ciidanka iyo Cad owga, taasoo ku imaanaysa baabin Baraagaha iyo Tuulooyinka ku teedsan jiidaas oo ay ku soo dhuuntaan.

In laga xaaqo dadka C.Q. sida iyo Shaqaalaha ku jire ee yeelan kara tuhumo u adeegid Cadow, (arrintaas oo aan ku jirro Baaritaan iyo helid xog dhab ah, siiba kuwa haya meelaha xasaasiga ah.) Waxaan halkan idiinku soo gud bineynaa Tilaabooyinkii qorsheysnaa wixii ka hir galay, si aad ula socotaan: Gaadiidkii Dadweynaha ee nooca Bas aska ah oo Tiradii hore uga socon jirtay oo dhameyd 337 Bus, kuwaas oo 2/3 lahaayeen dadka u dhashay reer qura (Sacad-Muuse) oo dib u habayn lagu sameeyay, markil ay baaritaan ka dib cadaatay in ineyn badankoodu waafaqsaneyn hanaanka nabad galyada, maadaama aaney sugneyn Dokumantiga mulkiyadda iyo kuwa loogu tal a galay dhaq dhaqaaqa, isla markaana xogogaal loo noqday in marar qaarkood loo isticmaalo ku qaadista Muqaa daraadka ama ay rakaab ahaan u raacaan dad tuhmo leh, hase yeeshee la qariyo loona soo tebin Hay'adaha Na badgelyada, iyadoo tirada Basaskaasi ay Si xad-dhaaf ah uga badneyd baahida magaalada waxaa la go’aamiyay laguna dhaqaaqay: In tirada Basaskaa ayna ka badnaan 80. In bas waliba loo sameeyo lambar sumad u ah (NUM ERO SERIE) oo lagu aqoonsado. 1. Basaska si tiro miisaan ah loogu qaybiyo waaxaha magaalada, iyadoo mid wali ba loo xaddadayo tubta socodka iyo barxadaha bilowga iyo dhamaadka socodka. Si cadaalad ah leysugu dheeli tiro mulkiyaasha Basaska, iyadoo mudnaanta la siinayo dadka ehelka u ah Kacaanka, lagana qaadayo fursadda in ta siyaasiyan ka soo horjeedda. 2. Waxaa Dekedda Berbera lagala soo wareegay 6 Baabuur nooca 4-WD (RIDOOTO LEH)


Sidaas oo kale waxaa socota ururinta kuwa Magaalada, kuwaas oo dhawaan wixi wax ku ool noqda la saari doon o hub, kuwa kalana loo isticmaali doono Gaadiidka Sahamada iyo Taliyayaasha Colalka jiidaha hore, waxaa inoo so cda kala sooc soocidda Gaadiidka. 3. Waxaa tuhun taageero Qurmis lagu xiray 45/qof ee dadka Hargeysa degga n iyo 30 dadka Burco degan iyo 7 sarkaal, dadkaaa oo u badan ganacsato lyo maalqabeen iyo qaar ka mid ah nab adoonada waxay ku xiran yihiin Xabsiga Mandheera, waxaase la codsanayaa in deg-deg loogu wareejiyo xabsiya da Laanta Buur ama Xabsiyada Bari IWM, si loo xaqiijiyo xarigooda muddadan lagu Jiro dib u habeynta Xabsiyada oo dhaliilo badan ka jira amnigooda. 4. Waxaa dib loo abaabulay Jabhadda G.S. Galbeed, waxaana lagu xareeyey meel u dhow GEED-DEEBLE 300/qof, kuwaas oo dib u habeyn ka dib lagu talo Jiro in la dejiyo dextaalada Guutooyi nka iyo Ururada oo loo arko iney wax ka qaban karaan la dagaalanka Qurmista, isla markaana ay ka fulin karaya an falal dagaal ah marka loo baahdo. 5. Marba haddii ay sugnaatay in ISAAQU ay si ficil iyo niyadba ay ula jiraan SNM'ta, ayna noo muuqan iney ka tanaasulaan khadkoodii in muddo ahba ku male'awaali jireen si looga hortago waxaa kullamo isdaba joog ah iyo abaabul kicin iyo wacyigelin ku sameynay dadka kale ee kula nool Waqooyi, si loo adkeeyo midnimadooda uguna maro-xeetaan difaaca midnimada Soomaaliyeed, dadkaas waxa ka mid ah Reer Awdal, Soomali Galbeed Wajiyaddooda kala duwan, Reer Laas Qoray  Reer Daami IWM. Waxaa hubaal ah in isku duubnida dadkaasi ay dheeli tiridoonto miisaanka hadda u liicay dadka isaaqa ah, haddii ay si firfircooni lehna u howl galaan waxaa hubaal ah in ay kibir jebin doonto dadka u haysta in ay Waqooyi leeyihiin, iyadoo xaqiiqdu ay si ka duwan tahay. -3- khaladaadkii horay u dhacay oo la xariira kobcinta dhaqaale ee dadkii ka soo horjeeday Qaranka, fursadna loo siiyo kuwa ehelka u ah.


Waxaan soo jeedineynaa in Ciidamada aan dhaliil sanahay ay soo diraan waftiyo ka socda , oo si deg deg ah wax uga qabta, sababto oo ah tallaabooyin aan qaadnay iyo kuwa aan qaadi doono (REACTION) u baahan in laga hor tago mar haddii Hayadihii xogta ururineyey shaki ku Jiro, kuwana lagu hayo danbiyo cad, waxaa haboon in laga tabaa bulsheysto inta ay goori goor tahay, ilaa hadda waxaan ku dul soconnaa Quraarado jajab ah oo dhulka la gu daadiyay, si ay u xannibaan xawliga wax qabadka howsha, kuwaas oo u baahan xaaqid aan waxba kaga tegin dhulka, maahmaah baa oraneysa (WARAABOW SAANJIID IYO SANQAR TIRO KALA REEB). Wixii tilmaan iyo tusaa le ah ayaan kaa dhowreynaa.

SAREEYE GUUTO TALIYAHA QAYBTA 26'AAD EE WG Maxamad Saciid Xirsi (morgan) X/YARE/.