Dhacdooyin Muujinaya Hanti-Boob Iyo Musuq-Maasuqii Ugu Cuslaa Abid Uu Saddexdii Sanno Ee U Dambeeyay Dalka Ka Dhacay Iyo Shirkado Ganacsi Oo La Ogaaday ….

 


 
 


Hargeysa (TNN) :- Iyadoo guud ahaan shacabka Reer Somaliland ay qabaan tuhuno musuq maa suq oo ay Ku Kacday Xukuumadda Xilka ka degaysa ee Madaxweyne Siilaanyo wakhtigii ay Xukun ka haysa,ayaa haddana Waxa soo baxaya Cadaymo Muujinaya oo marag unoqon kara Arimahaa si,waxaana jira Dhacdooyin hadda isasoo taraya oo muujinaya ama daaha ka rogaya Musuq Maa suq Baahsan,wax isdaba marin iyo hanti boob cad oo dalka ka dhacay Sannadadii u dambeeyay.

Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa tibaaxaya inay jiraan Wasaar addo Xukuumadda ka tirsan oo huursanaya Daymo xad dhaaf ah kuwaasi oo maagan inay xil wa reejinta Labada Madaxweyne ku soo daraan,iyadoo arintaasi baal marsan tahay Amarkii Madax weyne Siilanayo dhawaan uu faray Golihiisa Xukuumadda ee uu shirka aan caadiga ahayn ee To dobaadkii hore ugu sheegay inaanu jeclayn inuu dayn wareejiyo,isagoo sidoo kalena u sheegay in Masuulkii Xukuumaddiisa ka tirsan ee Wax dayn ah ah wareejiyaa uu isagu Tunka u ridan doono, arintaasi oo cabsi badan galisay Golaha wasiiradda iyo dhamaan Hay’addaha Dawlada,waxa uu si doo kale go’aankaasi madaxweynuhu farxad galiyay Madaxweynaha ama Xukuumadda Xilka la w areegaysa oo ka cabsi qabtay dayn culus oo lagaga cararo.

Haddaba waxa hadda soo shaac baxaya arimo wal wal iyo Walaac leh,kuwaasi oo daaha ka rogay in Musuq maasuqii ugu badnaa uu dalka ka dhacay Saddexdii sanno ee u dambeeyay Xukunka X ukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Waxa ay wararku sheegayaan inay jiraan Shirkado ganacsi oo dayn xad dhaaf ah sheeganaya kuwaasi si toos ah ugu lug leh ama uga qayb qaatay musuq maasuqaasi dalka ka dhacay sannadadii u dambeeyay oo la sheego in gacmo kale Faro galiyeen Xukunka Dalka,Shirkadahaasina waa kuwo caan ah oo si gaar ah loo garanayo isla markaana si weyn uga dhex muuqday Mudooyinkii u dambeeyay Muraayada Dawlada.waxa sidoo kale jira in dhulkii danta guud ee Bannaanaan ama dad ay ku jireen in dhamaan gacanta la sii mariyay bilihii u dambeeyay.waxaanay Xogohani iftiiminayaan in Lacag kor u dhaafaysa 90 Milyan oo dollar ay wareejinayso Xukuumadda Siilaanyo,arintaasi oo la doonayo inay Xukuumadda Cusubi ku jaha wa reerto Mudda xileedka Labada Sanno ee hore.

Arimaha ugu layaabka badan ee dhawaan bulshada hor iman doona ee Wargeyska Foore soo gaa dhay ayaa waxa ka mid ah Macrad qudha oo Gaadiidka lagu iibiyo oo ku yaala Magaalada Hargey sa oo sheeganaya Lacag Dayn ah oo cadadkeedu dhan yahay Lix Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ah,arintaasi oo si weyn looga hadal hayo Madaxtooyadda iyo Xisbiga Kulmiye islamarkaana fajici so ku riday dadkii maqlay ama soo arkay warqada Daynta ay ku sheegannayaan.

Waxa sidoo kale jira Wasiiro Xukuumadda ka tirsan oo tiradooda lagu sheegay Laba illaa saddex Wasiir,kuwaasi oo iyaguna dayn shaqsi ah oo malaayiin Doolar gaadhaysa, sheeganaya, Waxaa nay wararkani sheegayaan inay Wasiiraddani ku doodayaan inay jeebkooda lacagtaasi uga saa reen qaranka oo ay ku bixiyeen hawl qaranka loo qabtay, waxaanay arintaasi taagan tahay oo la ogaan doonaa dayntan iyo kuwa kaleba Maalinta Xil Wareejinta ee ay Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynihii hore Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo xilka lakala ware egayaan oo ku beegan Bishan aan kujirno 13-keeda.

Iyadoo guud ahaan shacabka Reer Somaliland ay qabaan tuhuno musuq maasuq oo ay Ku Kacday Xukuumadda Xilka ka degaysa ee Madaxweyne Siilaanyo wakhtigii ay Xukunka haysa,ayaa hadda na Waxa soo baxaya Cadaymo Muujinaya oo marag u noqon kara Arimahaasi,waxaana jira Dhacd ooyin hadda isasoo taraya oo muujinaya ama daaha ka rogaya Musuq Maasuq Baahsan,wax isda ba marin iyo hanti boob cad oo dalka ka dhacay Sannadadii u dambeeyay.

Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa tibaaxaya inay jiraan Wasaar addo Xukuumadda ka tirsan oo huursanaya Daymo xad dhaaf ah kuwaasi oo maagan inay xil war eejinta Labada Madaxweyne ku soo daraan,iyadoo arintaasi baal marsan tahay Amarkii Madaxw eyne Siilanayo dhawaan uu faray Golihiisa Xukuumadda ee uu shirka aan caadiga ahayn ee Todo baadkii hore ugu sheegay inaanu jeclayn inuu dayn wareejiyo,isagoo sidoo kalena u sheegay in Masuulkii Xukuumaddiisa ka tirsan ee Wax dayn ah ah wareejiyaa uu isagu Tunka u ridan doono, arintaasi oo cabsi badan galisay Golaha wasiiradda iyo dhamaan Hay’addaha Dawlada,waxa uu sidoo kale go’aankaasi madaxweynuhu farxad galiyay Madaxweynaha ama Xukuumadda Xilka la wareegaysa oo ka cabsi qabtay dayn culus oo lagaga cararo.

Haddaba waxa hadda soo shaac baxaya arimo wal wal iyo Walaac leh,kuwaasi oo daaha ka rogay in Musuq maasuqii ugu badnaa uu dalka ka dhacay Saddexdii sanno ee u dambeeyay Xukunka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Waxa ay wararku sheegayaan inay jiraan Shirkado ganacsi oo dayn xad dhaaf ah sheeganaya kuwaasi si toos ah ugu lugleh ama uga qayb qaatay musuq maasuqaasi dalka ka dhacay sannadadii u dambeeyay oo la sheego in gacmo kale Faro galiyeen Xukunka Dalka,Shirkadahaasina waa kuwo caan ah oo si gaar ah loo garanayo islamarkaana si weyn uga dhex muuqday Mudooyinkii u dambeeyay Muraayada Dawlada.waxa sidoo kale jira in dhulkii danta guud ee Bannaanaan ama dad ay kujireen in dhamaan gacanta la sii mariyay bilihii u dambeeyay.waxaanay Xogohani iftiiminayaan in Lacag kor u dhaafaysa 90 Milyan oo dollar ay wa reejinayso Xukuumadda Siilaanyo,arintaasi oo la doonayo inay Xukuumadda Cusubi ku jaha war eerto Mudda xileedka Labada Sanno ee hore.

Arimaha ugu layaabka badan ee dhawaan bulshada hor iman doona ee Wargeyska Foore soo ga adhay ayaa waxa ka mid ah Macrad qudha oo Gaadiidka lagu iibiyo oo kuyaala Magaalada Harge ysa oo sheeganaya Lacag Dayn ah oo cadadkeedu dhan yahay Lix Milyan oo Dollar-ka Marayka nka ah,arintaasi oo si weyn looga hadal hayo Madaxtooyadda iyo Xisbiga Kulmiye islamarkaana fajiciso ku riday dadkii maqlay ama soo arkay warqada Daynta ay ku sheegannayaan,waxa sidoo kale jira Wasiiro Xukuumadda ka tirsan oo tiradooda lagu sheegay Laba illaa saddex Wasiir, kuw aasi oo iyaguna dayn shaqsi ah oo malaayiin Doolar gaadhaysa sheeganaya,Waxaanay warark ani sheegayaan inay Wasiiraddani ku doodayaan inay jeebkooda lacagtaasi uga saareen qaranka oo ay ku bixiyeen hawl qaranka loo qabtay, waxaanay arintaasi taagan tahay oo la ogaan doon aa dayntan iyo kuwa kaleba Maalinta Xil Wareejinta ee ay Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynihii hore Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo xilka lakala wareegayaan oo ku beegan Bishan aan kujirno 13-keeda.







Xigasho: Wargeyska Foore