DHAARTII
WEY OOFIYEEN WELI SE MIISAANKU WAA DHE ELI..CODKAAGA KU CIIL BAX…QORMADII
27 AAD.. (W/Q:AXMED ARWO)
DHAARTII WEY OOFIYEEN WELI SE
MIISAANKU WAA DHEELI
Codkaaga Ku Ciil Bax….Qormadii 27
Ahmed Arwo
Tii hore dhammaatay qaybtii labaadna habsami iyo hanaan wacan ayey
ku socotaa. Waa kaadh-bedelkii doorashada Madaxtooyada, oo
komishanka doorashadu guul ka dhaliyeen. Waa loo bogay, la
hanbaleeyey, lana mahadiyey kolkaad ka reebto xukuumadda oo ay ahayd
inay hanbalyada iyo bogaadinta ugu horeyso. Waxa xukuumadda min
Madaxweyne,ku-xigeen ilaa shaqaalaha dawladda oo si qaldan oo
sharciga baal marsan loo xisbiyeeye uga yimid hiif, aflagaado, been-abuur,
dhooqeen, hanjabaad iyo hatidaad. Waxa la yaab leh in Madaxweyne
Riyaale xubnihii uu magacaabay ee komishanku yihiin kuwa xilalka ugu
weyn haya sida Guddoomiyaha, Afhayeenka, iyo Guddoomiyaha
Diiwaaangelinta iyo Kaadh bedelka. Halkuu kaga faani lahaa wax-qabadka
wacan ee bulshadu isku raacday, caalamkana u muuqda, waxuu shaki
geliyey hawsha ay sida hufan u soo qabteen, isagoo weliba ku fasaxay
in xukuumadda colka khubarada ku aha cayda iyo ceebeentu ay gidaar
walba ku dhooqeeyaan. Waxa u raacda in warbaahinta xukuumadda looga
dhigo shaqo u soo hoysa gunno dheeraad ah.
Waxa xataa loo gudbiyey warbaahinta shisheeyaha jecel xumaanta iyo
qaska Somaliland.Kooxdii Yuhuudda xagjirka ahayd ee horeyna
xisbiyada mucaaradka balaayada ku sheegay, oo ka buka calanka
Soomaliland ee Ashahaadadu ku xardhantay, iyo dastuurka sida cad
loogu sheegay inaanu sharci ahayn wax kasta oo ka hor-imanaaya
diinta Islaamka, ayaa maantana loo adeegsaday komishanka.
Waa dar ku can ah inay dab ka huriyaan meel kasta oo Muslim nabad ku
haysto. Ururka carabka badan ee dhowrka magac ay hoos yimaadaan ayna
ka mid tahay GIS waa kan la yidhaahdo ISSA. Waxaana ka madax ah
niman Yuhuud ah oo uu ugu horeeyo ninka la yidhaahdo Yossef Bodansky
oo ah: Congressional Task Force on Terrorism and Unconventional
Warfare,
Director: Yossef Bodansky
“Yossef Bodansky is the Director of Research of the International
Strategic Studies Association ISSA, and is also the Director of the
Congressional Task Force on Terrorism and Unconventional Warfare of
the US House of Representatives. He is also a Senior Editor for the
Defense and Foreign Affairs group of publications. He is the author
of five books (Target America, Terror, Crisis in Korea, Offensive in
the Balkans, and Some Call it Peace) …”
Waxuuna ka mid yahay raga Zioniska ah ee la dabo socdo falalkooda:
booqo http://www.jewwatch.com/jew-jewishsupremacyassociationsmovements-politics.html
Waxa ah wax laga naxo in xukuumaddII dalka ka badbaadin lahayd
cadowga balaayada iyo burburka la jecel inay noqoto ta amba
adeegsata amba hor-booda. Reer Soomaliland waxa warbixinta halkaas
ka soo baxday ee sharafta iyo maamuuska Guddiga Doorashooyinka lagu
duraayo ay u arkaan in la rabo in dalkan laga dhex abuuro fidno iyo
qalalaase, waxayna u arkaanin xukuumadda taageerada dadkeeda lumisay
mid ay ka dhiganayso gabad ay neeftuurka iyo rafadkeeda la hoos
tagto. Waa nin daad qaaday xunbo cuskay. Waa mas’uuliyad darro iyo
xilkasnimo la’aan. Waxa ay yeeli karaan ma jirto sumcadda komishanka
iyo himilada shacbiga ka dheregsan 13 sano oo Madaxweyne Riyaale
kuududay madaxtooyada. Reer Soomaliland indhahooda ayaa u macalin
ah. Amba Yuhuud yaboohso, amba cay miciinso, ciyaal iyo ciroole
laaluusho, waa inoo balan iyo maalinta dadweynahu awoodda leeyahay,
waa inoo doorasho iyo 26 June 2010. Insha Allah Xaqqa ayaa guulaysan.
Iyana waxa is-weydiin leh, Madaxweynahu wuu joogay oo sartiisa ayey
ahayd halkii kitaabka gacanta loo saaray xubin kasta oo komishanka
ah, wuu maqlayey in loo dhariyey si ay cadaalad, sinaan iyo hagrasho
la,aan u gutaan xilka ay qaadeen, oynu ogeen halka uu xaal marayey.
Waxay u muuqataa in laga filayey arrin lid ku aha dhaarta iyo xilka
ay qaadeen. Xaalku waxuu u muuqdaa inuu ahaa dhaarta bulshada
maqashii, xaalkuna ha noqdo eex. Waa caddaaladu “waxay ku jirtaa
anigoo ley eexdo” Xaquna ma aha sinaan ee waa kafadda oo dhankeyga u
janjeedha”..Haddayna taasi jirin, maxaa kii hadla ee Wasiir ah, ee
xisbi ah ee badhasaab ah ka dhigay kuwo cey iyo dhaliil aan jirin u
bidix midigeeya. Maxaa ka yeel mas’uuliintii dalka maamulaayey qaar
u gacan banaanada hawshii cuqaasha iyo ta ka sii daran inay boob iyo
dhac guntiga u gabsadaan ay ku lunsadaan kaadhadhkii bedelka ahaa.
Intaanan dhacdada ugu xumeed iyo waxii laga qoray idinla wadaagin
bal sawirkan ila eeg uu Dhanxiir ka baxshay rag ka mid ah colkaas.
Dhanxiir.. Wasiirada Rayaale iyo Carqaladaynta doorashada
Waaryaadhaheen nimankii wasiirada UDUB ahaa ee Warancadde iyo Aw
Sulub waxa la yidhi midba meel buu sanduuq sida beedka u
dillaacinayaa oo xilo fur iyo dhaar ku maray in aan la qaadayn ilaa
xabada u dambaysa uu jeebada ku rito, duco qabayaashii dhaartooda
kaga dhabeeyey ee Jaamacadaha tallow ma cunahay qabteen, kolhadiiba
wixiiba soo xeroodeen, sanduuq iyo laba wasiiro salka saareen waxba
loo noqon maayee hala kansalgareeyo.
Weger; Adeer beedku waa iska ooraydhe, waxaan ku weydiiyey Hindi
BAABAA-gan UDUB ee fagaarayaasha kaga faanaya saddex kaadhbaan
qaatay maxaa loo qaban waayey, mise tuug baan ahay ayaa faan
noqotay, cajab!! Carqalad iyo muran sanduuq iyo kaadh la
iibsadaatoona socon maayaane sideed sannaad sida Huuryada u
jaqayseenee yaa UDUB ‘GIIB NOOM TAANI’
Jamhuuriya Online
WELI KAFADDU DHNKA XUKUUMADDA AYEY JIRTA
Inkasta ooy dhaartii oofiyeen komishanku, waxa weli jira waxyaabo si
weyn u duraaya cadaaladda iyo sinaanta doorasho. Waana dar u baahan
inay dhekhso wax uga qabtaan iyaga iyo cidii kale ee xilkeed lihiba.
1- Gaadiidka Dawladda ee hawlaha xisbiga lagu qabanaayo, waa in la
joojiya
2- Sidoo kale xafiisyada, qalabka, agabka kale ee dawladdu waa inaan
xisbina si gaar ah u isticmaalin.
3- Hawlwadeenada dawladda waa inay ku eekaadaan hawsha ay qaranka u
hayaan. Nina aanu waqti iyo khrash midna ku lumin hawl ka baxsan
shaqadiisa. Waxa safka hore ka boodaaya Badhasaab, Agaasimayaal,
Safiiro, Xukaam, Xeer-Ilaaliyaal, Shaqaale Baan iyo Wasaarad walba.
4- Warbaahinta Qaranka ha ahaato idaacad,TV, iyo Wargeys waa inay si
siman ay waqtiga iyo ka waranka u siiyaan seddexda xisbi.
5- Ciidanka Qaranka iyo boolisku waa inay ka fogaadaan xisbinimada
Hawlahaasi waxay u baahan yihiin in dhakhso looga hawl-galo, cid
walibana ku dedaasho siday u taabogeli lahayd. Waa hawlo u baahan
wacyigelin, iyo inay bulshadu si wadajir ah uga hawl gasho. Waa sida
aynu ku gaadhi karno cadlaad, codka muwaadinkuna isku miisaan yahay
oynu si dhab ah ugu dooran karno cid aynu u igmano hoggaanka dalka.
Waxa shaqada helaaya cidda codkeena hesha, ma aha cida loo iibiyo,
ma aha cida codkeena boobta. Shaqada bulshoweynta ayaa leh, qofka ay
dooratana shaqada u dhiibanaysa muddo cayiman.
Waxa iyana la yaab leh iyadoo miisaaanku dhankooda u ciirsan yahay,
ayey haddana xukuumadda laga soo daayey calaacal iyo cabasho. Ma u
eegtay habaas-isku qaran iyo kiis iska waal. Ma tahay hoosaasin iyo
xaalad abuur lagu dambabasaayo falalka sharciga ka baxsan ee ay ku
hawlan yihiin.
Kolka Wasiirku iyo saraakiisha xisbigu leeyihiin “Waxaanu ognay in
10 kaadh qof qaatay” yey tahay inay wax ka qabtaan. Inay tahay been
abuur iyo carqaladeen waxa ka dhigaaya iyaga oo meel walba ka
sheegaaya iyo iyadoon qof keliya lagu dacween inuu haysto hal kaadh
wax ka badan.
Wey asiibeen Komishanku kolkay ka dalbadeen in ay tahay waajib saran
boolisku inuu qabto ciddii hal kaadh wax ka badan haysata. Xalkuna
waxa uu ku noqday amba shib dhe amba sheeg oo dacwee..Yey se
dacweeyaan inaynu waxaba iyagaa sameeyey ooy gondohooda fadhidaaye.
Teeda kale haddii Kilinka Shanaad( Somali Region) ee Itoobiya laga
diiwaangaliyey kana codeeyeen 2,700,000 maxaa Milyanka cod dadka
qaar u qaadan la’ yihiin. Waliba ogow Itobiya waxa fooda 18 jirka ee
ma aha sideena 16 jirka. Dal walba waxa badan da’da codka xaqqa u
leh. Tirada dadkeena waxa laga dheehan karaa inta is-diiwaangelisay.
Midna yaan leysku qaldin dadkii hore u codeeyey iyo inta-codeenta
xaqa u leh. Kol walba kuwa codka bixiyaa wey ka yar yihiin.
Aan idinku dhaafo wadhii ugu xumeed iyo xaalka UDUB.Bal akhri falkan
ka dhacay Ceerigaabo iyo sharci-darrado heerka ay gaadhay.
WASIIR KU XIGEENKA CADAALADA OO LA SHEEGAY INUU XABSIGA KALA BAXAY
GUDDOOMIYIHII UDUB EE CEERIGAABO OO DORAAD BASTOOLAD ULA BAXAY
KOMISHANKA
Sii Akhri:
http://www.togaherer.com/2010/05/24/wasiir-ku-xigeenka-cadaalada-oo-la-sheegay-inuu-xabsiga-kala-baxay-guddoomiyihii-udub-eeceerigaabo-oo-doraad-bastoolad-ula-baxay-komishanka/
Aan mahad kale u gudbiyo Komishanka gartay inayna UCID u eexan, UDUB
u eexan, KULMIYE u eexan, midnana ayna ka eexan, gartay inayna
dhaarta iyo mas’uuliyadda xilkooda ayna u wehelin arrin kale oo
miiska hoostiisa lala geli jiray. Waa wadaan ee inta idiin hadhsan
sidan oo kale iyo si ka wacan u guta, ILLAAHAYNA haydiin fududeeyo.
Bulhsow waxa kula gudboon inaad xaqa ugu qaalisan ee muwaadin
leeyahay aad adkeyso, aad ka dhigto mid aan lacagi jari Karin, mid
aan xoog iyo tuugo lagu heli Karin, mid aanu heli Karin cid aan xaq
u lahayni. Waa kaadhka ku siinaaya awodda cod-bixinta. Qaado oo
ilaasho, una gudo xilkaaga si aad qaarnkaaga u doorto hoggaan
Soomaliland oo wadajirta u hogaamiye horumar iyo cadaalad sinta
muwaadinka. Codkaaga ku ciil bax, oo ku tuur kuwa ku faanay “Inay
sida goofanaha ka soo go’een xatooyada hantida qaranka”. CODKAAGA KU
DOORO aqoonta, daacadda. Diid Wasiir caaqil ah, iska xoree Suldaan
basaas ah. Codkaaga ku Ciil Bax oo u codee KULMIYE isagaa leh
barnaamaj isbedel, ha khasaarin Codkaaga , yaanu cadow kugu noqone.
Degdeg. waxaan ka naxay warkan ay qortay Qaran ayna ka soo xigatay
Waaheen oo u qornaa sidan:
War Deg-deg ah Guddoomiyaha Ololaha Doorashada Xisbiga UDUB oo lagu
Dilay Xafiiskiisa
http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=8126&Itemid=62
Anigoo naxsan ayaan gujiyey, mise waa Cismaan oo gacantu duubantay.
Waxaan canbaareynayaa cid kasta oo fal noocan ah ku kacda, Cismaana
waxaan u rajeynayaa caafimaad degdeg ah,sidoo kale ha laga daayo
warbaahinta cinwaanda dhiilada iyo dab-hurinta wata. Websiteyada
kale waxa ay qoreen waa “la dhaawacay” halka kuwan qoreen “Waa la
dilay”
Mahad oo dhan Alle ayaa leh,
Waa inoo qormo kale iyo maalinteed, Insha Allah
Guji LINKAN oo akhri Barnaamajka KULMIYE:
https://docs.google.com/fileview?id=0B2ihL4hM00JYZjk2MDI0YjQtM2YyOS00ODZmLTgxNDItOTYzNDAxOGYwYWI1&hl=en_GB
Ahmed Arwo
samotalis@gmail.com
JOIN SAMOTALIS Group
http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/group.php?gid=143687650990&ref=mf
JOIN SAMOTALIS Page AT:
http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/pages/SAMOTALIS/238585618589
http://samotalis.blogspot.com/
http://samotalis.blogspot.com/ |