Dekedda Magaalada Berbrera Oo Qalab Casri Ah Lagu Xidhay

 


Berbera (TNN)- Waxa maalmahan udanbeeyay la tijaabinaayay qalabkii casriga ahaa ee lagu xidhay k adimada dekeda berbera laga galo ee ay adeegsadaan dadka iyo baabuurtuba qalabkaas oo ah mid ma rka la rabo in dekeda lagalo la adeegsanayo kaadh la marinayo meel loogu tala galay kadibna uu  albaa bkii isfurayo dabacana qalabkani waa mid inta badan laga isticmaalo dekedaha caalamka laakin inaga isticmaalkiisu waa mid inagu cusub oo bilaw waxaanu gacan weyn ka geystaa dhinaca amaanka  sugist iisa sida ay sheegen masuuliyiinta dekedu waxa kale oo iyana siweyn ucaawiyaa dadka (Castamerska u ah deked) ee macaamilka shaqo la leh oo uu ufududeynayo galida dekeda markasta oo ay shaqo utaalo iyaga oo aan cidnaba taageero uga baahnayn oo adeegsanaya kaadhkan dhawaanta ay maamulka  dek edu soo sameeyeen oo marinaya maskaxda kambiyuutarka oo labada dhinac ee geydhka kutaala ka ba c dina uu isfuraayo sidaasna ay ku galayaan waxaanay maamulka dekedu intaa kudareen in ay tani fursad wanaagsan utahay tani hawshoodiina ay ufududeysay ganacsatada dhinaca kale waxay tani fursad labaad siinaysaa oo ay shaqo badan oo ay qaban lahaayeen ka furatay waaxyaha amaanka ee ku shaqo lahaa albaabada laga galo dekeda oo iyaga qudhooduna halkaa nasho iyo hawla fududeyn ka helaya.

Haddaba waxa aanu arimahan si gaara uga wareysanay Maareeyaha Dekeda berbera Axmed Yuusuf Dirir waxaanu maareyaha dekedu sharaxaad ka bixiyay hawlahan tadawarka ama horumarka ah ee ay dhawaanahan dekedu kutalaabsanaysay waxaanu maareyuhu xusay in ay damacsan yihiin in ay  usha qeeyaan sida dekedaha caalamka tartana la galaan dekedaha jaarkeena ee aynu madaqada kuwada naalo waxaanu intaa kudaray in ay matalan jabuuti oo kale ay mar hore bilawday habkan casriga ah ee Computerzedka wakhti horeba kutalaabsatay anaga ay tusaale wanaagsan noo noqotay kuna  dhiiran ay inaanu anaguna hirgalino Systemkaa amaanka lagu sugo waxa kale oo uu maareeyaha dekeda berbera Axmed Yuusuf Dirir uu intaa kudaray in ay dadka Linerka ama Macaamilka joogtada ah la leh dekeda ama wakiilada waxna keena waxna rara ee afar iyo labaatanka saacadoodba isticmaala dekeda ee gaadiidka yaryar ku adeegta si ay hawlahooda dekeda dhexdeeda uga qabsadaan tani ufududeyn doonto waxa uu maareeyuhu sheegay in ay ku soo rogeen qadar lacaga oo dhan(20$)labaatan dollar kaadhka albaabka lagu galayo ah waxaana lacagtan labaatanka dollar la qaadi doonaa bishiiba hal mar dhinaca baabuurta waxanay lacagtaasi ku dhacaysaa khasnada Dawlada ee dekeda waxaana lagu  ma nage gareyn doonaa ayuu yidhi maareeyuhu Securityga ama qalab ha noqoto ama shaqaale hanoqoto iyada oo uu mareeyuhu xusay in dekedaha jaarkeena adeegyada noocana oo kale ah ganacsatada iyo wakiiladaba lacag badan laga qaado kaadhka noocana ee wakiilka iyo ama ganacsaduhu xoriyada  uhay sto waxa kale oo uu mareyuhu sheegay in kaadhkani ama systemkani uu culeys badan ka qaadi doono deked ahaan iyo ganacsato ahaanba waxaana aan dekeda dhexdeeda aan lagu arki doonin gaadiid iska soo buuxiya oo aan wax hawla u laheyn dekeda sidii hore udhici jirtay.


Yasiin Jaamac
Berbera/Somaliland