Dekedda Berbera oo gebi ahaanba albaabada loo laabay kullayl dartii iyo laba qof oo u geeriyoodey

 

Berbera-Marsada magaalada Berbera, ayaa maanta gebi ahaanba  albaaba da loo laabay,lana joojiyey guud ahaan wixii shaqo ahaa ee laga hayey, ka dib markii kulaylka xad-dhaafka ah ee ka jira magaalada Berbera uu saamyn laxaadle ku yeeshay hab-sammi u socodkii shaqaalaha dekeda oo sabbatay in mid ka mid ah shaqaalahu u geeriyoodey markii wadnuhu istaagay  kullay lka awgii.

Masuulliyiinta dekedda Berbera ayaa amray in gebi ahaanba la joojiyo  shaq ada ka socota dekedda aroornimadii maanta, iyadoo la fasaxay gebi  ahaa nba hawl-wadeenada kala duwan ee ka shaqeeqa, ka dib markii looga baqay in xaalada shaqaaluhu hallis gasho, waxaana la joojiyey gebi ahaanba shaqadii labada gelin ee dekeda.

Mid ka mid shaqaalaha dekedda Berbera oo aanu khadka telefoonka kula  xi dhiidhney, isagoo ku sugan Berbera, ayaa noo xaqiijiyey sidn; "Abbaaro  tob ankii subaxnimmo ee maanta,ayaa la joojiyey shaqadii dekeda[shalay]  sha qaalihii gelinka danbe geli lahaana waa la joojiyey markii mid ka mid dadkii ka shaqaynayey sibidh laga rogayey doon ku xidhneyd dekedda wadnuhu  ista agay kullaylka dartii" sidaas waxa yidhi mid ka mid ah shaqaalaha dekeda oo ka gaabsaday in la magacaabo

Dhinaca kale, mid ka mid kaaryoonayaasha ka xammaasha magaalada  Ber bera, ayaa wadnuhu istaagay isagoo ku gudo jira shaqadiisii nolol-maalmeedka ahayd, isagoo ku dhacay meel u dhaw bakhaarada raashinka Oomaar ee xafadda Finland-ta.

Aadan Cabdikariin oo ka tirsan shaqaaaha cisbitaalka Berbera oo weriye Maxamed Xarrago wax ka weydiiyey ninka kaaryoonaha watay ee ku dhintay ag-agaarka bakhaarada Oomaar, ayaa ku jawaabay"Nin kaaryoonle watay ayaa isagoo iska soconaya ku dhacay meel u dhow bakhaarada Oomaar oo magaciisana la yidhaahdo Ismaaciil Bidaar, markii dhakhtarka la keenayna naftii wey ka baxday, waanuu dhintey" ayuu yidhi Aadan Cabdikariin.Sidoo, kale waxa saddex maalmood laga helay meydka nin maskaxda wax ka qaba meel u dhaw kaantaroolka magaalada Berbera, kaas oo la sheegay in uu u dhintay kullaylka xad-dhaafka ah iyo haraad isuugu adrsamay.

Inta laga war-qabo bishan gudaheeda waxa u geeriyoodey kullaylka magaalaa Berbera lix qof oo shan ka mid ah wadnuhu istaagay, iyagoo ku jira nolol-maalmeedkoodii caaiga ahaa, halka ka lixaadna yahay ninka laga helay dulleedka Berbera.
 

 


berberanews