Degmada ugu Balaadhan Ganacsiga Somalilad oo Dariiq Xumo Awgeed Gaadhi ku Dul Qalibmay Guri Xaas
 


Tog-Wajeele (Longlivesomaliland News)- Tan iyo maalintii la magacaabay  dagma da togwajaale oo hatan laga joogo mudo ku dhaw sanad iyo dhawr bilood  ayaa baa ilaa imika waxba ayna u kordhin wax ka sii dhaca mooyaane .taasi oo ilaa imika balan qaadyadii uu maamulku balan qaaday inuu dhisi doono xafiisyada dawlada hoose ayaabaa dhismahooda la bilaabay sadex bilood ka hor ilaa imikana waa qabyo, sida ila xogogaal ahi ay sheegayaana in jaajuurka qabyada ahna laga soo amaahday shirkad labanka samaysa oo ku taala magaalada gabiley sida aynu wada ogsoonahay ama aynu ka dharagsanahay lacagta sanadkan ka soo baxday ardiyada iyo liismada waxay ku dhawayd 450 milyan s/shl taasi oo ay dakhliga maalin kaste soo hoydaa uu ku dhawyahay 3 milyan .

Hadaba ma is odhan karnaa waa la dhisi kari waayey labada qol ee ilaa imika qabyada ah taasi waa maya takale sida aynu wada ogsoonahay wajaale waa magaalo ganacsi taasi oo jidadka dhex maraa ayna mari karayn baabuurta rarani ayna magaalada soo dhex mari karayn maalin walba ay ku dul dhacaan guryo xaasas galaan iyo meherado sida kan oo kale hadaba dadwaynaha magaalada ku noolo wuxuu is waydiinayey iyadoo lagu jiro xiligii doorashooyinka, ayey dadku is waydiiyaan muxuu inoo qabtay xisbiga talada hayaa taasi jawaabteedu waa waxba muu qaban hadaba dadwaynaha magaalada tog wajaale waxaa iskugu biirtay laba arimood .

Iyadoo maamulka magaalada laga soo magacaabo madaxtooyada oo ay yimaadaan iyagoo idman oo aan qofna u joojinayn ta kale iyadoo xukuumada dhexe ay ka dhaga adaygtay inay wadooyinka magaalada ka soo caawiso sidii wax looga qaban lahaa sida imika ku cad sawirkan gaadhiga raran eek u dul dhacay guri xaas ah taasi oo ay maalin kaste khasaare ay gaystaan baaburta rarani oo uuna kani ahayn kii ugu horeeyey .

Hadaba dadwaynaha magaalada ku nooli markii ay arkeen maamul xumida hadhaysay magaalada iyo dhaga adayga ay ka dhaga adaygtay inay wax ka qabato wadooyinka magaalada iyo maamul xumida haysata magaalada tog wajaale ayey dad badani oo ahaan jiray tageerayaasha xisbiga udub ay uga dareeren . taasina waxa kuu cadayn kar manta markii uu gaadhigu ku dhacay guriga dadkii ku soo ururey ee ganacsatada iyo dhalinyarada ahaa waxay ku dhawaaqayeen waakaa wax qabadkii udub.

Hadaba waxaan leenahay anana aan aragnay khaladaadka caynkaasi ah iyo khalado kale oo ay ku kacday xukuumadu oo aanan ka filayn anagoo ahaa tageerayaashi xisbiga udub ayaa nagu noqotay Dhaka faar iyo amakaag hadaba waxaan xukuumada ka codsanaynaa inay hoos u eegto xaalad kaste oo taagan si aan u helno taageero buuxda


 


Allaa mahad  leh

QORE

c/risaaq maxamuud awdahir
yaasiin sh.maxamed xuseen