Degmada Bulaxaar Miyaanay ka tirsanayn G/Saaxil , Goormaase loo wareejey Gobolka maroodi Jeex !Bal Adba..?

 


 

scww,

innaga oo ogoyn in ay Somaliland ka jirtay abaaro aad u darnaa ayaa hadana ay jiidaha Guban iyo Xee b G/Saaxil ahaayeen meelaha sida ba,an ay muddo 2sano ku dhow ka jirto abaar khatar ku haysa dad iyo duunyoba.

Hadaba waxa naxdin noqotay ka dib markii dadwaynaha reer somaliland ay ka daawadeen tv Horn cab le barnaamij fajiciso ku riday cid walba daawanay kaas oo ahaa sida ay abaartaa darnayd u saamaysa y Degmada Bulaxaar iyo hareeraheeda dhul,dad iyo xoolaba.

Waxaa halkaasi laga daawanay shaashada Wasiirradda Wasaaradaha Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiirka Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Axmed Xaashi Nuu r (Oday) iyo Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Md. Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje), oo baabu ur waaweyn oo xamuula ku daabulaya dadkii degaanaaa jiidahaasi oo weli abaar ku jira , loona daad  g ureeyey meelaha ka durugsan ee raxaamku helay , waanay ku mahadsanyihiin dedaalka gurmadka ah ee degaanka bulaxaar ay ku darsadeen Waqooyiga Hargeysa kuna taakuleeyeen goobaahaasi magac u yaalka ah ka tirsan G/Saaaxil.

Gudidii loo xil saaray gurmadka Abaarta Somaliland miyey ka badheedhen arintaas?maxay se uga jeed een so hadal qaad la, anta abaartaas ku habsatey goobahaasi iyaga ah ? hadii aynu ka jawaabno waa hubaal oo way ogaayeen ee waxa jirta in madaxdii ugu jirtey degmadaasi dowladda aanay dareenkood a lahayn xilna iska saarin dadkaasi magacooda xilka ku hayaan kuna fooganyihiin arimo siyaasdeed oo aan wax macno ah ku fadhiyin ama aanay ogayn,mar hadii kii u dhashay aanu soo ba hadal qaadin weli gii oo uu wax kale ku foogan yahay dee markaa waxay noqonaysaa "waa ceelna uma qodna cidina uma maqna".

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil:- Sida aynu ognahay Gudoomiyaha G/Saaxil,waxa uu ku hawlan yahay in u olole cadaadin ah ku hayo dadka gobolkaasi u dhashay qaarkood, kaas oo aad moodo in uu ka lumay ha wshii uu Madxwaynuhu u diray oo ku foogan fidmo,ololayn iyo cadaawad dadkiisii ah, waxaad moodaa inuu yahay Duqii Degmada Berbera iyo sheikh oo keliya ,sidaan ogahay Gobolka Saaxil waxa uu ka koob an yahay Degmooyinka kala ah Berbera.Sheikh,Xagal,Mandheera iyo Bulaxaar isagu-se maba oga aya an filayaa taas oo degmoyinkaasi malaa way ka maqanyihiin khariidada G/saaxil leeyahay , waxaana uu ku shaqeeyaa waxii caqligiisa oo noqotay in uu Berbera iyo sheikh u yahay badhasaab ,isla-markaana waxaa suurtowda ama aad dhaqankiisa ka dhadhamaysaa ama aad moodaa in uu isagu weli taaganyah ay berigii daydayga oo la qabsaday , ayna ku adagtahay habkan dawladnimada ee Gobolka u metelayo.
Waxaana uu lumiyey habadii haykalka madax-nimada wax kastana ha yaraato ama ha weynaate , wax kastaa caqli , masuuliyad , dulqaad , samir iwm looga baahnaa waxa uu ku dayaa xoog naxli ku dheeha n-yahay , waxaanu isla-markiiba goobkasta ka dhaliyaa cadawad aan jirin iyo weli tafaraaruq oo ay la socoto mindi mindi ku taag ah,ma odhan karo waa masuul ay inyar oo aqoon maarayn iyo maamul ku-jirto, hadaanu ahaynba mid aan aqoon cilmi lahayn.taasina waxa ay dhaxal-siisay in gobolkii in la waa yo oo ay qaybo dhan qaarna Hargeysa looga soo gurmado ,inta badan noqdeen Goobo oo aan haba ya ratee laga hawl gelin wax-wara aan loo hayn degmooyinka gobolku ka koobanyahay intooda badan ku wa uu joogana dhib joogto ah u la soo tooso , cajiibka xitaa ma laha la taliyayaal , wax ku kordhin-kara ama xaga wanaagsan jiheynkara oo wax uga sheega haduu leeyahayna ,waxaa suurtowda inaanu maankiisa u gudbin waxa wacan.

Madaxwaynhu markii uu u magacabay xilka waxa uu u sheegay masuuliyadda qaran ee u dusha ka saaray,ay ugu horeyso midaynta dadka walaalaynta Gobolka taas oo uu isna balan qaaday wacadna uu Madaxweynaha hortiisa ku galay hase yeeshee wuu beeniyey.
Anigu kuma farxayo in meesha uu ka tago hase yeeshee waxa aan odhan lahaa ama kula talin lahaa "iska daa xinjiro fajaasnimada oo u shaqee dadkaaga iyo dalkaaga waxa aad ogaataa in Gudoomiyihii hore kugu wareejey Reer Saaxil oo walaalo ah oo isku-duuban, isna jecel ba adna, waxaa aad maalin walba dadkaaga afcaal ku falayso eeg".

Degmada Bulaxaar,waxaa ka soo jeeda dawladda maanta joogta Gudoomiyaha Gobolka maroodi jeex Xamarji iyo AgaasimahaGuud ee Wasaaraddda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda MD, ABDIRAXMAN CAWIL HASSAN labadaas ninba waa reer bulahaar.

Gudomiyaha Gobolka Maroodi Jeex, Mudane ,Xamarji.:- waxa uu ahaa nin aad u soo ololeeyey doorasha dii kuna helay kursigan waxa aan is weydiiyey kuwii uu lahaa kulmiye ugu rida, xiligii abaarta miyaanu xagoodaba u kicin taasu waa geedyohow markaan xabagta kugu arkana kaa goostay marka aan kaa w aayona kaa tegey,kuwani waa dadkaagi,hadaad ilowdey adigu waxa iman doonta maalin ay ku ilaawan waana wax meel kuu yaala oo maalmo ayaa ka hadhay doorashadii degaanka. (aragnay tii hore ).waxa kale oon jecelahay in aan kuu sheego in Bulaxaar ay tahay Gobolka Saaxil dadkuna waa reer saaxil,wax aana haboon in aanad isku deyin identantga dadkaas iyo degaankaasu leeyahay waana in aan isku dey in howlaha noocaas ah ee hada muuqda .


Agaasimaha Guud ee kaluumaysiga :-ayaan la hadlayaa.waxa aad mooda ninkaasu in uu iminka soo to osay,oonu dunidaba la socon meelkasta oo ay la gashabana waxa uu u ridayaa meelkasta , jihana ma leh, waana sida dabaysha , agaasimuhu waxa uu ka soo jeedaa Bulaxaar asal ahaan, dhaqan ahaana ma ogana in uu xukumadan uga mid yahay Degmadaa abaartu ku habsatay, dadkeediina ay gurmadka u baahanyihiin, dadkayaga degaankaasuna waanu ognahay Cabdi Cawil waxa uu galo iyo waxa uu gud do, iyo weliba inuu khasaare ku yahay dowlada , dadkiisuna ayna tirsan, oo xitaa dowlada oo mucaarad ku yahay , oo hadaladiisa markasta aanu isu-arag nin dowladeed .


Alaa mahadleh
 

 

 

 

Saado Sugaal Dalmar
Berbera/Somaliland