DEGAANADII KULMIYE IYAGOO WADAJIRA AYEY HABSAMI KU SO O DHOWEYNAYAAN DEGAAMADA SIDA MUGGA WEYN UGU SOO BIIRAY


Xisbi waliba waxuu leeyahay degaamo lafdhabar u ah oon laga leexin lagana riixin taageeeradooda, iyagaa u ah xididka uu ku taagan yahay warabiyana xubnaha kale ee xisbiga, iyagaa u hura waqti, fikir iyo maalba, iyagaa soo jiita degaanada kale tusana dhabada ay hayaan in lala wadaago oo wanaaga ayna isku koobin. Waa taa tan uu ku barbaaro xisbi ku koro, kuna midho dhaliyo.

Wadajirka iyo isfahamka degaaanada kulmiye waa tan dhalisay guusha is dhabo jooga ah ee xisbiga, waa tan keentay in sida durdur roob helay safka dheer loogu jiro ku soo biiridda xisbiga. Waa tan dad badani la yaaban yahay in kuwii shalay ganbadhka iyo caroogga u qaatay caydiisa ay maanta ka muuqdaan safka hore ee xisbiga. Waxay garteen qaladkoodii, waxay qireen tubta saxa ah ee KULMIYE ku socdo. Waxay garwaaqsadeen in danta guud ku jirto KULMIYE oo guushuna la daris tahay.

Ha yeeshee ma ahayn in abaabulka kulmiye qaato muddada intaas leeg, wallow ay jiraan culeys ka yimid baaxaddda weyn ee xisbiga, oo is-waafajinta iyo is barashada degaanada cusub ay ka dhalan karto taxafud iyo is-riix-riix. Ma ahayn in arrimahaasi qaataan waqti badan. Waa in la eegaa danta xisbiga oo la dhowra juhdiga iyo waqtiga ay geliyeen xubnihii hore iyadoon la diidanyn xubnaha cusub. Waayo haddaan taas la eegin kalsoonidda xubnaha xisbigu waxay noqonaysa mid dhaawacanta. Waxa laciifi doona wax qabadka xubnaha oo u arki doona inaan la qiimeyn wax qabadkooda. Waxa kala furmi doona is kaashigii gunta u ah xubnaha iyo deegaanada hormoodka ka ahaa xisbiga.

Waxa hubaal ah in straatijiyada xisbigu tahay in la joogteeyo wadajirka deegaanada halbowlaha u ah, iyadoo isla markaas la soo dhoweynaayo degaanada cusub. Waxa habboon in dacaayadda kala furka degaanada KULMIYE leyska jiro oo la dhowro inaan cid ku soo biirta mooyaane aan cidi ka bixin. Waa inaynu adkeynaa xeyndaabka xisbiga, gufeynaa meesha banaanaata, degdeg u daaweynaa halka nabar gaadhay.

Waxaynu ognahay in xisbigu doorashaba tan ka dambeysa uu codkiisu kor u kacaayey. Waxa hubaal ah in doorashadii degaanka ee 2012 hoggaanka xisbigu ka soo baxay tajribad adag markii la furyay ururada oo laga baqaayey in wadajirka deegaanada KULMIYE wiiqmaan. Waxa xaqiiqowday in wadajirka deegaanada KULMIYE yihiin mid qotodheer oo xidiidkeedu meel dheer iyo baac fog gaadhay. Mana aha iyada oo tartankaas si cad uu uga mudhay xisbigu in looga baqo iyadoo maanta tartanku ka dhaxeeyo labo xisbi mucaarid oon midna looga baqayn inuu raad ku yeesho deegaanadii halbowlaha u ahaa KULMIYE.

Waxa iyana waajib ah in xisbiga iyo xukuumaddu noqdaan ul iyo diirkeed. Waxa xisbiga lagu qiimeynaya waa waxqabadka iyo qaladka xukuumadda, ma nihin xisbi mucaarid oo balan qaad keliyaa laga sugaayo, waxa leynoo dhiibay hoggaanka dalka oo shacbigu ina doortay, waxay inagu qiimeynayaan waa ficilkeena. Xukuumaddu waa inay u aragtaa in xisbigu yahay kan dadweynaha uga wakiil ah oo meel walba taagan, waa inay u diyaarisa war iyo weedh iyo agab uu dada ka iibiyo. Xisbiyahanku waa kan dhegta wax ugu sheegi og dadaweynaha, waa kan la doodi kara soona qadimi kara dareenka dadweynha iyo halka dhaliili jirto.

Qalad waxaynu u nahay aadmi, kolka waxqabad jirana lama waayo qalad. Waa in si dhab ah aynu dhaliilaha gudaheena u dhegeysanaa deedna u saxnaa. Taas ayaa qancin karta dadweynha arka waxqabadka muuqda kolka inta yar ee ay qalooca u arkaan la dhegeysto. Ma lihi ma saxno qaladkeena waa la saxa ee waa inaynu ka dhignaa mid muuqda dariiqa loo maray iyo go'aankiisuba ( (Transparency in process and decision).

Ugu dambeyn waa in la soo gudbiyaa siyaasad iyo barnaamaj xisbi oo leh himmilo iyo aragti dheer (Vision), kuna cadahay waxqabkii balanqaadkii hore iyo qiimeynta guud ee horumarka dalka iyo qorshaha mustqbalka. Waa inaynu dib u eegnaa dastuurka xisbiga oo si dhammeys ah loo iftiimiya oo uu noqda kan alif ilaa ya lagu maamuli doono xisbiga lagauna xafiddi doono xuquuqda xubinnimo, si qof waliba waxa uu gashado xisbigu u qiimeeyo una qadariyo

Aan ku qadarino kuna dhowrno xubnaha xisbiga ee guusha inoo horseedey.

KULMIYE waa guuleystay, waxaana muuqata guul kale iyo tii lagu yaqaanay ee dood dabadeed midnimo iyo wadajir iyo doorashada oo midba midda ka dambeysa codkeenu sii kordho.


Axmed Xasan Carwo

samotalis @gmail.com

https://www.facebook.com/aharwo

http://samotalis.blogspot.com/