Deeqbixiyeyaasha oo Markale Walaac Culus ka Muujiyey Khilaafka Siyaasadeed ee Dalka ka Aloosan


 

“Waxaannu qiimaynaynaa saamaynta khilaafkani ku yeelan karo deeqaha joogtada ah ee aannu siino Somaliland”


Warsaxaafadeed - Xafiiska Midowga Yurub ee Nairobi


Deeqbixiyeyaasha Somaliland ka caawiya hirgelinta doorashooyinka, ayaa markale walaac culus ka muujiyey khilaafaadka siyaasadeed ee waqtigan hadheeyey dalka, kaasoo ay ku tilmaameen in mid minjo-xaabin kara horumarka iyo qarannimada Somaliland.


Sida lagu sheegay warsaxaafadeed shalay laga soo saaray xafiiska deeqbixiyeyaasha Midowga Yurub ku leeyahay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, waxa ay axsaabta qaranka iyo hoggaanka Somaliland ugu baaqeen in ay muujiyaan is-xakamayn waayeelnimo siyaasadeed, isla markaana tixgeliyaan hannaanka dimoqraadiyadeed ee shacbigu higsanayaan, khilaafaadka u dhexeeyana ku dhammaystaan wadahadal iyo is-qancin.


Warsaxaafadeedka deeqbixiyeyaasha oo ku qornaa afka Ingiriisada oo aannu idiin soo tarjunay, waxa uu isagoo dhammaystiran u dhignaa sidan:


“Deeqbixiyeyaasha Somaliland ka caawiya mashruuca dimoqraadiyaddu waxay si walaac qotodheer leh ula socdaan waxyaabaha beryahan dambe isa soo tarayey ee khilaafka siyaasadeed ah, kaasoo si xun oo laga murugoodo u minjo-xaabin kara hannaankii iyo qarannimadii Somaliland ku caano-maashay ilaa sannadkii 1991.


Deeqbixiyeyaashu waxay qiimaynayaan saamaynta khilaafyadani ku keeni karaan caawimadii joogtada ahayd ee ay ku bixin jireen hannaanka dimoqraadiyadeed ee Somaliland.


Waxa deeqbixiyeyaashu ku adkaysanayaan in aanay jirin fursad kale oo u bannaan dhinacyada ishaya oo aan ahayn in ay duruufahan qallafsan kaga bixi karaan wadahadal dhexdooda ah oo ay ku xalliyaan muranka taagan, waxaanay deeqbixiyeyaashi si degdeg ah ugu baaqayaan in hoggaanka siyaasadeed ee dalku muujiyaan is-xakamayn qaan-gaadhnimo, isla markaana tixgeliyaan masiirka dimoqraadiyadeed ee dadweynaha reer Somaliland higsanayaan,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka deeqbixiyeyaasha caalamiga ah.




 


Jamhuuriya Online