Deeqbixiyayaasha Oo Dib Ula Noqonaya Dha qa alihii Ay U Hayeen Doorashada Madaxtooyada, Ka dib Markii Ay Ka Quusteen In Wax Laga Bedelo Xubnaha Komishanka
 

 

Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Deeq bixiyeyaasha Somaliland ka taageera  ge edi socodka dimuqraadiyada iyo doorashooyinka Ayaa sheegay inay joojiyeen  dham aan hawlihii ay Somaliland ka taakulaynayn jireen ka dib markii sida ay sheegeen  wa xba laga qaban waayey in wax laga bedel xubnaha Komishanka Badhkood,  kuwa as oo ay aaminsan yihiin inay ku lug leeyihiin Musuqmaasuq iyo Karti daro dhinaca  hog aaminta hawlaha Komishanka.

Sida ay tibaaxeen ilo ku dhaw-dhaw Komishanka, Deeqbixiyeyaasha ayaa waxa ay u sheegeen saddexda xisbi iyo Komishanka inaanay sii deynayn lacagta ay u hayaan doorashada Madaxtooyada ilaa inta wax laga bedelayo xubnaha Komishanka, kuwaas oo ilaa laba bilood ka hor ay deeqbixiyeyaashu ay u sheegeen Axsaabta iyo Madaxweyne Rayaale-ba in loo baahan yahay in wax laga bedelo komishanka gaar ahaan xubnaha hogaanka Komishanka, iyada oo ay hore Asxaabta iyo Madaxweyne Rayaale-ba ay ugu gubiyeen deeqbixiyeyaasha in aanay ku kalsoonayn komishanka doorashooyinka, sidaa darteedna loo baahan yahay in wax laga bedelo.

Gu’aankan ay deeqbixiyeyaashu ku xidheen sii deynta kharashka doorashada  Mada xtooyada ayaa saddexda xisbi ay u arkaan siyaabo kala duwan, waxaana wararku sheegeen in xisbiga UDUB iyo KULMIYE aanay u guuxin go’aanka deeqbixiyeyaasha, iyaga oo ku sababeeyey inaanay waxba ka hadhin wakhtigii doorashada, halka Xisbiga UCID-na uu la soo taaganyahay in gebi ahaanba la bedelo xubnaha Komishanka, taas oo muujinaysa in deeqbixiyeyaashu ay gebi ahaanba faraha kala baxaan, isla markaana ay la noqdaan taageeradii ay Somaliland ka siin jireen dhinaca doorashooyinka, ilaa inta la bedelayo xubnaha ay sheegeen in la bedelo.

Arintan ayaa waxa ay caqabad ku noqonaysaa geedi socodka doorashada madaxtooyada oo la filayo inay qabsoonto 27 September, taas oo haddii aan la helin taageerada Deeqbixiyeyaasha aanay suurto gal ahayn inay qabsoonto doorashadu xiligeeda, maadaama oo 75% boqolkiiba kharshka ku baxaya doorashada Madaxtooyada laga sugayo inay bixiyaan, inkasta oo masuuliyiin ka tirsan xisbiga UDUB iyo Komishankuba ay sheegaan in haddii ay deeqbixiyeyaashu bixin waayaan lacagtaasi ay xukuumaddu deberi doonto kharashka ku baxaya doorashada, basle taasi aan looga baran xukuumadda, iyaga oo qadarka saami ahaan ay ka bixiso kharashka ku baxay diiwaangelintii cod bixiyeyaasha ilaa hadda laga soo saari layahay inay komishanka xisaab celinteedii keenaan.

Hadaba waxa ay dad badani isweydiinayaan sababta ay xukuumaddu u hor taagan tahay in wax laga bedelo Komishanka, maadaama aanay Somaliland ka maarmi Karin taageerada deeqbixiyeyaasha waxa waajib ku ah in talo soo jeedintooda ay raacaan xukuumadda iyo Xisbiyada mucaaridku si looga midho dhaliyo qabashada doorashada Madaxtooyada, mana aha in dhawr qof oo komishanka ka mid ah bedelkoodu uu sababo in wada shaqayntii Somaliland iyo deeqbixiyeyaashu ay burburto, isla markaana uu dib u dhac kale ku yimaado xiligii doorashada, wax ka bedelka komishankuna waxa uu ku iman karaa laba arimood miduun inay iscasilaan xubnaha komishanku oo la magacaabo xubno cusub oo hanan kara kalsoonida deeqbixiyeyaasha iyo Asxaabta laguna aamini karo qaadhaanka, doorashada iyo in hanti dhawr baadha la geliyo komishanka, kaas oo musuqmaasuq deeqbixiyeyaashu ay ku eedaynayaan komishanka la cadeeyo, isla markaana cidii lagu helo inay musuqmaasuq ama wax isdaba marin ku kacday la horgeeyo hay’addaha Sharciga, taana waxa samayn kara xukuumadda Madaxweyne Rayaale oo iyada ay masuuliyada ugu weyni ka saaran tahay inay dalka ka qabsoonto doorasho.

Dhinaca kale waxa maalmahan u dambeeyey soo baxayey in xukuumadda iyo  xisbig eedu ay dhaleecayn u soo jeedinayeen hay’adda Interpeace ooo wakiil uga ah deeqbixiyeyaasha Somaliland, taas oo ay ku eedaynayaan inay caqabad ku tahay hawlaha doorashooyinka.

Inkasta oo ay asxaabta iyo komishanku ay dhawaan heshiis ka gaadheen caqabadii ugu weynayd ee hor taagnayd dhamaystirka hawlaha doorashada oo ahaa xeerka Anshaxa ayaa hadana waxa soo baxday in aan weli la dhamaystirin shuruudihii ay deeqbixiyeyaashu ku xidheen sii deynta kharashka ay u hayanaan doorashada madaxtooyada, taas oo ah in la bedelo komishanka oo ay ku dhaliilayaan karti daro iyo Musuqmaasuq.

Si kastaba ha ahaatee xukuumadda Rayaale, Axsaabta iyo komishankaba waxa la gudboon inaanay wakhti dambe ku luminin wax ka bedelka xubnaha komishanka ee ay deeqbixiyeyaashu ay ku dhegan yihiin in la bedelo iyada oo wakhti yari uuni inaga xigo wakhtigii loo cayimay inay dhacdo doorashada Madaxtooyadu waxa lagama maarmaan ah in sidooda loo buuxiyo shuruudaha ay deeqbixiyeyaashu ay ku xidhayaan siideynta kharashka ay u hayaan doorashada si aanu mar kale u iman dib u dhac ku yimaada doorashada oo khalkhal siyaasadeed u horseeda dalka.
 

 


Source:Haatuf