Daymada Sharciyeed ee Dib-u-dhaca Doorashada
 



Garyaqaan Ibraahim Jaamac Cali “Reyte” Mudane Ka Tirsan Golaha Wakiilada


Md. IbaraahimJaamac Rayte oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland, ayaa si faahfaahsan waxa uu taaasiil sharciyeed uga bixiyey dib u dhaca doorashada madaxtooyada iyo waxa lsharci haan laga yeeli karo mudada xilidhamaadka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.


Sidaana waxa uu xildhibaanku ku sbayaamiyey qoraalsharciyeed oo uu xalay u qaybiyey qaar kamid ah warbaahinta maxaliga ah ee dalka,kaasi oo isaga oo faahfaahsan u qornaa sidan “Qoraalkan kooban waxan ku intiiminayaa muranka distooriha ah ee maanta ka taagan Somaliland, kaas oo ka dhashay doorashadii Madaxweyneha oo mar labaad dib-u-dhacday. Doorashadaasi awaxy ahayd inay qabsoonto 15kii Abriil ee 2008, taas ddib ugu dhacday 29ka March. Taasi oo haddana dib ugu dhacday 31ka May, inkasta oo aanay taa lafteedu ay weli tahay wax aan la hubin. Hasayeeshee muddo-kordhintii Madaxwenaha la sameeyey sannadkii hore ay ku eg 6-da April, taasina waxay dhalaniaysaa, suaalo la xidhiidha bannaanta xafiiska madaxweynaha inta u dhexayasa 6da abriil iyo marka ay qabsoonto ama qabsoomi-doonto doorashada (oo aan run ahaan la agaraynin) arrintaas sharciyaddeeda ayaan qoraalkan si kooban ugaga hadlayaa.


1. Jamhuuriyadda Somaliland waa dawlad dimuqraaddi ah oo ku dhisan distoor loo qaaday afti dadweyne. Distoorkaasi wuxu ku salasan yahay mabda asaasiga ah ee saldhigga u ah nidaam kasta oo dimuqraaddi ah loona yaqaan taliska ama ku-dhaqanka sharciga (rule of law). Mabdaasi wuxu mideeyaa iskuna hayaa dhammaan qaybaha iyo qodobada uu ka kooban yahay distoorku, wuxuna si cad uga muuqdaa qodobbada distoorka nuxurkooda sharciyeed (Sida qod. 1.aad. faq.2aad, 37aad, faq.1aad iyo 2aad. Qod.38aad.1, 2, 3., qodobka 39aad. qodobka42aad 58aad.qod. 61aad, qod.83aad, qod.86aadqod.90aad iyo qodobbo badan oo kale). Mabda’aas isaga ahi wuxu waajibinayaa in cid kasta oo fulinaysa ama ku adeegadaysa awoodda dowladda ay:


a) Xilka ay awooddaas ku fulinaya ku timaaddo qaab iyo hannaan sharcigu tilmaamay oo keliya (doorashao, magcaabis, dallacaad, tartan iwm).


b) Xilka hayn karto oo keliya muddada ama xilliga sharcigu u qoondeeyey ama u gooyey oo keliya, wixii intaas dhaafsiisanna ay tahay xaaraan ama sharci darro in ciddaasi xilkaas sii hayso ama awooddaas sii adeegsato.


c) Xilkaas ku fulinso waajibaadka iyo ujeeddooyinka sharcigu u qoondeeyey oo keliya isla markaana ay leedahay xuquuqda sharcigu siiyey ama u qoondeeyey. Haddii xuquuqdaas wax ka badan ay maroorsato waa sharci darro sida ay shraci darro u tahay haddii xaquuqdiisa loo diido ama qaarkeed laga qaado.


d) Xuduudaha awooddaas ay leedahay, wixi xuduuddaas dhaafsiisan ay adeegsiga awooddaasi xaaran tahay


Arrimahaasi oo dhammi waxay ku cad yihiin distoorka Waxana tusaale ahaan distoorku waajibinayaa jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka. Xubinnimada goloyaasha sharci-dejinta iyo golayaasha deegaanka lagu iman karo oo keliya doorasho xor ah oo xalaal ah iyada oo la raacayo nidaamka xisbiyada badan.( eeg qodobbada . 4aad oo tilmaamaya xubinnimada golaha Wakiillada, qod. 42aad oo tilmaamaya muddada xilka ee xubinta Golaha wakiillada, qod. 58aad oo tilmaamaya qaabka lagu noqon karo xubin Golaha Guurtida iyo muddadada xilka ay xubintaasi hayn karto, qodobka qod.83aad iyo qod. 88aad oo muujinaya qaabka loo dooranayo iyo muddada xilka ay haynnayaan Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku. Kuwaas oo kala ah sida qoraalka erayada distoorku yihiin “Qaabka doorashada guud oo toos ah; isla markaana qarsoodi ah “(qod.83.faq.1aad) iyo qod.88aad. Faqada 1aad oo leh “Muddada xilka ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenku waa 5 sano oo ka bilaabanta maalinta xilka loo dhaariyo.


Haddaba waxa ka mid ah waajibaadka distooriga ah ee Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa inay qabanqaabiso isla markaana xaqiijiso inay doorashadu ku dhacdo xilligieedii iyo habkii loogu tala galay. Arrimahaasi waxay ku tilmaaman tahay qod.83aad.faq.2aad ee distoorka Jamhuuriyadda Somaliland taas waajibinaysa inay doorashadu ku dhacdo ugu yaraan “Bil ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha hore”


4. Haddaba haddii ay muddadaas distoorku tilmaamay ay doorashado ku qabsoomi weydo ama dib uga dhacdo xilligeedii maxaa dhacaya? Distoorka JSL laba jeer oo keliya ayuu oggol yahay ama cududaar u yeelayaa inay guud ahaanba doorashadu dib u dhacdo ama qabsoomi weydo. Labadaas jeer oo ku kala tilmaaman qodobbo kala duwan oo distoorka una kala qoran qaabab kala duwan, kuna kala saabasan doorashooyin kala duwan, haddana nuxur-sharciyeed ahaan waa isku mid, waxayna tilmaamayaan xaalado ama duruufo adag oo aan suurtagal ka dhigayn inay doorashadu qabsoonto. Xaaladahaas tan hore waxay ku tilmaaman tahay qod. 42aad.faq.3aad oo ku saabsan doorashada Golaha Wakiillada (isla markaana khusayn karta doorasho kasta oo dalka ka dhacaysa) waxau u qoran tahaya sedan: “Haddii doorashada Golahu wakiilladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed, Golahii hore ayaa xilka sii haynaya inta ay dhammaanayso duruuftaasi, lagagana dooranayo Gole cusub.” Haddaba distoorku isaga oo ka hor tegaya in duruufahaas loo adeegsado ama loo fasirto si ka baxsan ujeeddadiisa ama aan loogu murmin, ayuu qeexay waxa uu uga jeedo duruufahaas, taas oo u qoran sedan: “Duruufaha adagi waa: dagaal baahsan, xasilloonin-darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo oculus sida dhul gariir, cudurrada faafa abaaro culus “Xaalaadda labaad waxay ku xusan tahay qod.83.aad faq.5aad. waxayna ku saabsan tahay doorashada madaxweynaha ( isla markaan waxa loo adeegsan karaa doorashooyinka kale) iyada oo u qoran sida: “Haddii ay suurtoobi weydo duruufo la xidhiidha nabadgelyada darted in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka –madaxweynaha marka muddada xilkeedu dhammaato waxa Golaha Guurtida ku waajib ah in ay mudddada xilka u kordhiyaan adaxweynaha iyo ku-xigeenka madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo, doorashaduna ku qabsoomi karto”.


5. Ma jiri kartaa xaalada saddexaad oo aan ahayn kuwaas kor ku tilmaaman oo keeni karta in doorshooyinku qabsoomi weydo? Suaashaas in la is weydiiyo waxa muhiim ka dhigay wadciga siyaasadeed ee maanta Somaliland ka taagan kaas oo ah:


a) Inay baaqadtay ama dib uga dhacday xilligeedii mar labaad doorashadii madaxweynaha iyaga dhammaantood muddo- xileedkoodii dhammaaday.


b) in baaqashada ama dib u dhaca doorashadaasi aanay ku iman sababha uu sharcigu tilmaamay, balse ay tahay xad gudub distoorka ah isla markaana aan loo adeegsan karin sharci ahaan loo adeegsan karin distoorka ee 42aad iyo 83aad.


Suaashaas jawaabteeda waxan filayaa inaan sharci ahaan muran badani ka iman karin. Sababta oo ah waajibka ah in la qabto doorashooyinka xilligoodii distoorku tilmaamay wuxu saaran yahay xukuumadda JSL oo madax ka yahay mar kasta madaxweynuhu. Haddii ay doorashadu ay dhici waydo ama qabsoomi waydo ama ay dib uga dhacdo xilligeediiddii sabab la’aan waxa keliya oo lagu sifayn karaa ama tilmaami karaa in xukuumadda oo ka baaqatay waajibkeedii, distooriga ahaa ee shacbigu u igmadey. Guud ahaan farqi weyni kuma jiro haddii ay arrintaasi ku timi karti darro ama awood darro xagga xukuumadda ah iyo haddii ay ku timi kas iyo ula kac kii ay doonto.. Labada jeerba waxa lagu tilmaami karaa ama sifayn karaa oo keliya “xik gudasho la’aan”, waxana waajib ah in laga xisaabtamo.


Xisaabtanka arrintaas (masuuliyadda baaqatay) waxay keeneysaa ama dhalinays in la isweydiiyo, la xaqiijiyo lagana gun gaadh suaaalo dhawr ah. Suaalahaasi waxay kooban yihiin dhinacyada sharciyeed arrintani ay leedahay oo keliya, haddiise ay yeelanayaan saamayn ama natiijooyin waa arrin dabeeci ah oo ku xidhan xidhiidhka ka dhexeeya sharciga iyo siyaasadda (Siyaasadda sharciga ayaa xadeeya sharcigana siyaasadda ayaa jahaysa). Dhinacyada siyaasadeed ee arrintani leedahay meesheeda iyo goorteeda ayaa laga hadlayaa. Imminkase dhinaca sharciga oo keliyaa ayeynni isku koobaynaa. Suaalahaas waxa ka mid ah:


Halkee ama kuma ayey ku soo ururaysaa masuuliyadda waajibkaas distooriga ah ee baaqday oo ahaa ianay doorashadu xilligeedii qabsoonto? Haddii si kale loo dhigona kuma ama ciddee ayaa lagala xisaabtamayaa masuuliyadda doorashada baaqatay ama dib u dhacday.


Ma jirtaa dan ama dano gaar ahaaneed ay ugu jrto ama ka faaiidi kara siyaasi ahaan ama si kaleba dib u dhaca ama baaqashada doorshada


Waa maxay sababaha runta ah ee ay doorashadaasi u baaqatay ama xilligeedii u qabsoomi weydey? Ma waxay ku timi karti darro iyo masuuliyad-darro ay leedahay ciddii waajibkaasi saarnaa? Mise waxay ku timi kas iyo ula kac ay u badheedhay ciddii ay masuuliyaddaasi saarrnayd, iyaa oo laga leeyahay dano siyaasadeed oo gaar ah kana hor imanaya danta guud ee qaranka.


Haadii jawaabtu noqodto tan hore maxaa laga yeelayaa? Waa maxay tallaabada sharciga ah ee waajibka ah in laga qaado.


Haddii jawaabtu ay noqodto tan dambe (in ay ciddii masuuliyaddu saarnayd ula kac ah u fulin weydey waajibkeedii) muxuu sharci ahaan falkaasi (fal’aantaasi) ku sifoobayaa? Maxayse noqonaysaa natiijada sharci ahaan ka dhalan kartaa?


Waa maxay qaab sharciyeedka ay leedahay ama qaadan kartaa arrintani (xisaabtanka laga xisaabtamayo baaqashada ama dib udhaca doorashada).


Waa ayyo cidda awoodda u leh amaa uu saran yahay waajibka la xisaabtanka cidda masuulka ka ah in doorashadu baaqato ama dib u dhacdo.


Ugu dambayntii oo aan kama dambays ahayn, waa waxay cawaaqibka iyo natiijooyinka ka dhalan haddii arrinaas laga xisaabtami waayo ama ciddii ay waajibka ku ahayd inay ka xisaabtamaan ay ka xisaabtami weydo.?


Suaalahaas oo dhammi waxay u baahan yihiin in xaqiiqadooda laga gun gaadho sharciyaddoodna la sugo.


Haseyeeshe, waxa u baahan marka hore in gunteeda la soo xaadho doodada xukuumadda ama dadka xukuumadda la jira ay ku dooyaan ee aad mooddo in cajalad laga wada qaybay (maqlay) ee waxna aan lagu darayn waxna laga dhimayn ee nuxurkeedu yahay “Madaxweyne la doortay Madaxweyne la doortay ayuun baa beddeli kara.” Arrintaasi waa muranka keliya xukuumadda iyo xisbiga talada hayaa ay la soo taagan yihiin. Waxa afkooda laga hayaa Madaxweynaha, afhayeenkiisa, wasiiro badan xildhibaanno iyo masuuliin kale. Waxa haddaba isweydiin leh meesha ay ka timi ama ay kaga qoran tahay distoorka iyo shuruucda kale dalka “madaxweyne madaxweyne la doortay ayuun baa beddeli kara” Dalku hal distoor keliya ayuu leeyahay, wuxuna ku qoran yahay afka Soomaaliga (inkasta oo uu af Ingiriisina ku qoran yahay). Meel ay kaga taal arrintaasi ma jirto. Yeelkeeddii waxay u baahan tahay in la xaqiijiyo in arrintaasi ay tahay sharci ahaan weedh madhan. Waxana xaqiijinteeda ku filan afar qodob oo keliya;


a. Ugu harryn, weedhani sideeda ayaanay maangal u hayan haddii aynnu ka hadlayno sharci. Waxa taas kuu caddaynaya, suaashan oo keliya. Haddii waajibka ah in Madaxweyne cusub la soo doorto ay tahay xilka Madaxweynihii hore; haddii marka uu Madaxweynihii hore hawshaas ama waajibkaas fulin waayo amaba uu isagu ku dedaalo inaanay dhicin doorasho Madaxweyne cusub la soo doorto, aan wax cawaaqib ahi ka dhalanayn , isla markaana uu isagu weli Madaxweyne sii ahaan karo, maxaa ku kallifaya inuu qabto doorasho Madaxweyne cusub lagu soo doorto, ama u diidaya inuu is hortaago inay dhacdo doorasho Madaxweyne cusub lagu soo doorto.? Jawaabta muuqadtaa waa waxba. Arrintaasina waxay ka soo horjeeddaa tilmaanta ama sifaha asaasiga ah ee qodob sharciyeedka (legal norm). Waxay kale oo ka soo horjeedda maangalka (illogic) waayo waxay abuuraysaa xaalad ah in Madaxweynihii hore inuu sii ahaado Madaxweyne ay isaga ku xidhan tahay, maaddaama in Madaxweyne cusub ay isag ku xidhan tahay. Waxaynnu tusaale sahlan u soo qaadanaynnaa haddii sharcigu cid (qof) ku waajibiyo in ay ku kacdo fal (ficil) cayiman , (sida inuu askarigu maxbuuska ilaaliyo) ama ka mamnuuco in ay cidi ku kacdo fal cayiman (sida inuu qofku qof kale dilo), haseeyeeshee sharcigu aanu caddayn ama tilmaamin waxa ku dhici doona ciddaas haddii ay ciddaasi fulin weydo waajibkeeda sharci (askarigu sii daayao ama ilaalinwaayo maxbuuskii) ama ciddaasi ku kacdo falkii laga mamnuucay (qofku qof kale dilo), markaas qodobkaas laguma laguma tilmaami karo inuu yahay qodob sharciyeed (legal norm), waayo waxa cawaaqib ah oo sharciyeed kuma keeni karto qofkii. Ciddaas ama qofkaas ayey ku xidhan tahay damiirkiisa (sida uu u arko waxa xun iyo waxa wanaagsan) inay fuliso waajibkaas ama ka joogsato falka (ficilka) isaga ah. Intaasina waa inta ay ku kala duwan yihiin qodobka sharciyeed (legal norm) iyo qodobka damiireed (moral norm). Sidateedna doodada kore ma aha mid sharciyeed. Waxa laga yaabaa in arrintan fahamkeedu dadka qaar ku adkaado, waxase fududayn kara qodobbada soo socda.


b. Had iyo jeer dadka ku doodaya “Madaxweynaha Madaxweyne la doortay ayuun baa beddeli kara” waxay cuskadaan distoorka qodobkiisa .83aad Faq.3aad. Haseyeeshee arrintaasi kuma taallo qodobkaas isaga ah, wuxuna ku saabsan yahay xaalad ka duwan xaaladda hadda taagan ama laga hadlayo, sidii aynnu horeba u soo sheegnay. Qodobkani ma aha mid muran mugdi midna ka dhalan karo, wuxuna u qoran yahay sidatan: “Madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenkii hore ayaa sii wadi doona hawlaha ay u xil-saarnaayeen ilaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka cusubi kala wareegaan xilka muddo bil ah gudaheed”. Si muuqadta, qodobkaasi wuxuna inoo tilmaaamayaa saddex arrimood oo kala ah:


1. In ay jiraan laba Madaxweyne; Madaxweynihii hore (The outgoing President) iyo Madax weyne CUSUB (President elect).


2. Taasina waxay muujinaysaa inay dhacday doorashadii madaxweynennimadu.


3. In Madaxweynihii hore sii wadayo hawlaha xafiiska Madaxweynaha muddo aan ka badnayn bil , xil-wareejintuna ay bisha gudaheeda ku dhacayso.


Sidaa darteed, qodobkani waxa nurukiisu yahay, oo keliya muddada ay xilka la kala wareegayaan labada Madaxweyne, ka dib marka ay dhacdo doorashsda Madaxweynuhu, ee la soo doorto Madaxweyne cusub. Kama hadlayo waxna ka odhan mayo waxa dhacaya haddii ay dhici weydo ama qabsoomi weydo doorashadu. Waxase isweydiin leh oo aan weli kala caddayn dadka sidaas ku doodaya


(“Madaxweynaha madaxweyne la doortay ayaa beddeli kara”) iyada oo aan dooroshoba dhcin isla markaana qodobkan u cuskanaya a). Inay ka tahay aqoonddarro iyo faham la’aan ka haysata distoorka oo daacad ka yihiin iyo b) inay ka tahay “Nin daad qaaday xumbo cuskey” oo ay badheedh ka tahay iyaga oo ku xisaabtamaya aqoon darrada shacabka ka haysata distoorka. Si kasta ha ahaatee, labada jeerba waa nasiib-darro Madaxweynihii oo ay waajibkiisa ahayd inuu ilaaliyo distoorka aanu aqoon u asaasi ah u lahayn ama ama aanu fahmi Karin waxa uu ka hadlayo qodobka uu cuskanayo, ama uu si toos ah ugu badheedhey inuuu isagu ku tunto.


c. Sideedaba waxa qofka loo doortaa muddo cayiman ama go’an xilka madaxweynennimada, wuxuna hayn karaa xilkaas muddadaas iyada ah oo keliya. Haddii ay dhammaato muddo-xileedkiisu micnaheedu waxa weeye, waxa dhammaaday madaxweynennimadiisii, haddii madaxweyne cusub la doorto iyo haddii aan dooran. Taasi (doorashadu) waxaba kama beddeli karto muddo-xileedkiisa. Laba jeer oo keliya ayaa wax iska beddili karaan muddo-xileedka Madaxweynah: 1) haddii ay sugnaato duruufta ku xusan qodobka distoorkaa ee 83aad.faq. 5aad, markaas oo ay kordhi karto muddada uu Madaxweynuhu xilka hayn karo. 2) Haddii ay sugnaadaan duruufaha ku xusan qod.86aad faq.1aad, 2aad, 3aad iyo4aad, markaas oo ay soo koobmayso muddo-xileedkii madaxweynuhu.


d. Mar kale distoorku wuxu si cad u beeninayaa in aanay jirirn oo ahayn dood distoorka waafaqsan muranka ah “Madaxweynaha waxa bedeli kara Madaxweyne la doortay”. Qod.86aad faq. 1aad, 2aad, 3aad, iyo 4aad waxay tilmaamayaan afar xaaladood oo Madaxwynaha xilkiisa uu la wareegayo mid aan la dooran, ama si ku-meel gaadh ah ama si rasmi ah labadaba. Taas micnaheedu waxa weeye xafiiskii (ama xilkii) Madaxweynennimada ayaa bannaanaatdy iyada oo aan Madaxweyne cusub la soo la dooran. Taasina waxay keenaysaa in xafiiska ama xilka Madaxweynaha ay buuxiso ama qabato aan ahayn Madaxweyne la soo doortay ahayn. Afartaas xaaladoo waxay kala yihii: 1. Haddii madaxweynaha xilka laga xayuubiyo muddo-xileedkiisii oo aan dhaan, dembi uu galay awgeed (qod.86aad faq.1aad). 2. Haddii Madaxawynuhu xilkiisa gudan kari waayo sababo caafimaad darted (qod.86aad.faq.2aad). 3. Haddii madaxweynuhu geeryoodo iyada oo aanay dhammaan muddo-xileedkiisii (qod. 86aad. faq. 3aad. 4. Haddii Madaxweynuhu iskii isaga casili xilka Madaxweynennimada (qod.86. faq43aad) Afartaa xaaladoodba waxay tilmaamayaan inaan waxba ka jirin Madaxweyne mid la soo doortay ayuun baa beddeli kara. Sababta oo ah afrtaa jeerba waxa madaxweynaha beddelaya madaxweyne aan la soo dooran. Afartaa xaladoodba haddii ay mid ka mid ahi ku timaaddo Madaxweynaha “Saddexda sano ee u horreeyashanta sano ee xilka loo doortay, wax mmadaxweyne-ku-xigeenku noqonayaa Madaxweyne ku-meel-gaadh, waxana Madaxweyne lagu dooranayaa muddo lix bilood gudahood ah” (qod.89aad. Faq.1aad.) Haddii xaaladahaas mid ka mid ahi ay madaxweynaha “Ku timaaddo labada sanno ee u dambeeya muddada shanta sano ee loo doortay, waxa xilka madaxweynnimo la wareegaya Madaxweyne-ku-xigeenka mudda labada sano ah eeka hadhay”. Sidaas si le’eg ayay xaaladahaas mid ka mid ahi ula kulmi kartaa Madaxweyne-ku-xigeenka.sida ku cad isla qodobka 89aad Faq. 3aad. Markaanadistoorku wuu tilmaamayaa waxa layeelayo (qodobka 89aad.faq.3aad). Sidaas oo kale waxa dhici karta in “Isku hal mar ku timaaddo xaalad ka mid ah xaaladahaas ku sheegan qod.86aad,” Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka. Markaa waxa xilka Madaxweynaha si ku meel gaadh ah u haynaya Guddoomiyaha Golaha Guurtida. Waxana doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha kagu qaban doonaa muddo lixdan (60) maalmood gudahood.ah.”


Arrimahaasi mugdi kuma jiro. Waxa dooddu ka taagan tahay maxaa la yeelayaa haddii ay timaaddo xaalad la mid ah laakiin ka mid ahayn kuwa distoorku tilmaamay oo keenta wixii dhici lahaa marka ay xaladahaasi mar ku wada yimaaddaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku –xigeenka, taas oo ah xafiiskii Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka oo sharci ahaan isku mar wada bannaanday. Maxaa markaas la yeelayaa? Waxa ugu horrayn is-weydiin leh maxaa distoorku uga aammusay xaaladdan haddii ay tahay mid dhici karta. Jawaabtu waa caddahay waana kooban tahay. Distoorku kuma talo-gelin ay timaaddo xaaladdani, waxay noqonaysaa ku-xad-gudub distoorka ah oo lagu magacaabi karo “Xilgudasho la’aan, waayo waxa waajib distooriya ah in la qabto doorashada Madaxweynaha “Bil ka hor dhammaadka muddo-xileedka Madaxweynaha hore” arrintaas distoorkuna kama aammusin waxayna ku caddahay qodobka 96aad. Xarafkiisa t), kaas oo ah “ku xad gudub distoorka.” Dooddan distooriga ah ee maanta ka taagan Somaliland, waxay


8 Arrintaasi waxay keentaya ma ka dhalanaya laba suaalodd oo sharci ah.


a) Maxaa laga yeelayaa cidda distoorka ku xad gudbtey, ee masuulka ka ah abuuritaanka xaaladdan?


b) Maxaa laga yeelayaa xafiiska Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka ee isku mar bannaaday?


Nuxurka ku soo ururaysaa labadaa su’aalood


9. Ugu horrayn, an isku dayno in la fahmo waxa loog jeedo ama sifaha sharciyeed ee ay leedahay “ku xadgudubka distoorka” taas oo ka kooban;


a) Fal ama ficil ay cidi ku kacday ama ku tallbsatay iyada oo distoorku xaaraameeyey ama fal (ficil la’aan) iyada oo distoorku waajibiyey falkaas lafuliyo.


b). Falkaasi oo ah mid distoorka ka soo horjeeda, wuxuna leeyahay cawaaqib sharciyeed. Cawaaqibka sharciyeed ee falkaasi yeelan karo wuxu ku tilmaaman yahay distoorka qodobka 96aad. xarafka t, taasin waxay waajibinaysaa inay timaaddoo xaaladda ku xusan qodobka 86aad faq.1aad, oo ka mid ah xaaladaha keeni kara inay bannaannato jagada ama xafiiska mid ka mid ah ama labadaba Madaxweynaha iyo Madaxweyne–ku-xigeenka.


Suaasha labaad: Maxaa laga yeelayaa haddii xafiiskii ama jagadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka ee isku mar bannaanaadaan. Guud ahaan waxa la yeelayaa waxa distoorku waajibiyey in la yeelo marka ay timaaddo arrinta noocaas ahi, (xafiiska Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka oo isku mar bannaanaaday) sababaha abuurtay ama keenay xaaladdaasi si kasta ha u kala duwanaadeene. Taasina waxay ku caddahay qod.89.aad faq.4aad. Sababta abuurtay xaaladdani, waxba kama beddelayso natiijada sharciyeed ee ka dhalan karta xaaladdan. Sideedaba laba arrimood ayuun baa suuragal ah marka ay timaaddo arrintan oo kale:


a) In muddoxileedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka la kordhiyo


b) In Guddoomiyaha Golaha Guurtidu ku meel gaadh ahaan uhayxilka muddo aan ka badnayn lixdan maamood.


Maanta tan hore suuragal ma noqon karto saddex sababood awgeed:


1. Ma jiraan duruufihii suuragal ka dhigi lahaaha in muddo-xileedka Madaxweyneha ala kordhiyo eek u tilmaaman qodobka 83. faq. 5aad iyo qodobka 42aad faq. 3aad


2. Iyada oo muddoo kordhin hore oo sanna loo sameeyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenku isla markaana ay ka baaqsadeen inay sannadkaas gudihiisii ku qabtaan doorashadii


3. Iyada oo Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenku laftoodu ay ku eedaysan yihiin ama lagu tuhunsan yahay inay sabab u yihiin dib u dhaca doorashada, markii labaad, sida kor ku sifaysan, taas oo ah ku xad gudub distoorka, sidaa darteedna ay waajib tahay in arrintood Golayaashu ka goaan qaadtaan.


4. Sidaa darteed, waxa muuqadta inaan dariiq kale sharci ahaan inoo furani aanu Jirin oo aan ka ahayn in la adeegsado anoolajiga (anology) qodobka 89aad faq. 4aad.


Taasina waxay u bahan tahay, marka hore in ay labada Gole ee sharci-dijintu isu yimaaddaan si loo xaqiijiyo ama looga gundhaadho suaalaha ku taxan kor ku taxan (qod.6aad ee qoraalkan). Waayo marka ay dhammaato muddo-xileedkii xukuumaddu awooddii dawladnimadu waxay ku soo urursaa golayaasha sharcidejinta oo iyagu wakiilka ka ah dadweynaha Somaliland. Doodda ah golayaashu isuma iman karaan waa mid sharci ahaan madhan, waxana si hawl yar u beeninaya qodobka 38aad oo tilmaamay fadhiyada wada-jirka ah ee labada gole, gaar ahaan r, taas oo u qoran sidan “Arrimaha kale ee labada Gole la habboonaata inay fadhi-wadajir ah ka yeeshaan.”


 



Jamhuuriya Online