Dayaarad sidda 228 ruux ayaa
la waayay



Dayaarad Air France ay leedahay oo sidday 228 ruux ayaa la la' yahay.
Dayaaraddu waxay ka soo kacday Rio de Janeiro oo ka tirsan Brazil waxayna u socotay Paris oo ah caasimadda Faransiiska.

Marka la waayay waxay dul maraysay badweynta Atlantikada, oo u dhex eysa qaaradaha Yurub iyo America.Sidaa darteed ayaa dayaarado ka so cda Brazil iyo kuwa Faransiisku leey ahay waxay hadda baaritaan ka wadaan aag aad u ballaaran oo badwe ynta ah.

Gegida dayaaradaha Charles de Gauelle ee magaalada Paris ayaa koox u xil saartay in ay xaaladda wax ka qabtaan.Waxaa hadda la qiyaasayaa in dayaaradda uu ku dhacay danab ama bi riq.Dayaaradda waxaa la socday 216 rakaab ah iyo 12 ka shaqeynayay dayaaradda, oo ay ka mid yihiin 3 duuliye.

Ilmo yar oo muluq ah, 7 carruur ah, 82 haween ah iyo 126 nin ayaa  saar naa dayaaaradda.Dadka dayaaradda la socday waxay ahaayeen 33 dhalasho oo kala duwan: 61 Faransiiska ah, 58 Brazil u dhashay iyo 26 Jarmal ah ayaa la sheegay ilaa iyo hadda.

Dowladda Ireland, ayaa iyaduna sheegtay in 3 haween ah oo Irish ahi ay dayaaradda saarnaayeen.Dayaaradda la la' yahay oo tirsiga duullimaadkeedu ahaa AF447, nooceedu waa Airbus A330.
 

 

BBC