Dawladda Yemen oo Madax-furasho u Qabsaday Shan Nin oo Reer Somaliland ah

 


 

Ciidammada ammaanka dalka Yemen, ayaa qabqabtay shan nin oo reer Somaliland, iyaga oo kaga aar gudanaya sagaal nin oo Yamaniin ah iyo laba doonyood oo ay la socdeen oo ciidanka badda Somaliland ka qabteen xeebta magaalada Saylac.


Nimanka reer Somaliland ee Yamantu madax-furashada u qabqabatay oo uu ku jiro wiil 19 jir ah oo uu dhalay taliyaha ciidanka badda Saylac, ayaa waxay haatan xidhan yihiin muddo 10 maalmood ah, kuwaas oo loo haysto sagaal Yamaniyiin ah iyo laba doonyood ay wateen oo 16 June 2009 lagu qabtay xeebaha Saylac, iyada oo Yamaniyiinta iyo doonayaha ay wateenba lagu eedeeyey in ay si sharci-darro ah dad tahriibayaal ah uga daabbulayeen xeebaha Somaliland.


Ma jiro wax war ah oo labada dawladood ee Somaliland iyo Yaman ka soo saareen dadka labada dhinac ku kala xidhan, ilaa haddana laba oga wax waanwaan ah oo lagu xallinayo arrintan taagan, hasayeeshee sida ay xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo dhacdadan u dhuun-daloolaa, waxa labada doonyood ee laga lahaa dalka Yemen la wareetay Somaliland, halka shaqaalihii saarnaana ay ilaa haatan ku xidhan yihiin magaalada Saylac.


Waxa kale oo wararku tibaaxayaan in dawladda Yemen ay iyaduna dhinaceeda diiday in ay sii dayso ninmanka reer Somaliland ee muddada ku xidhan dalkeeda, iyada oo doonaysa in labada dhinac iswaydaarsadaan dadka u kala xidh-xidhan.


Waxa socon wayday waanwaan ay badmareenno Yamaniyiin ah ku  doon ayeen in ay ku soo afjaraan dhibaatada ka dhalatay doonayaha iyo  sha qaalaha saarnaa ee Somaliland lagu hayo iyo dadka reer Somaliland ee iyagana Yamantu haysato, iyaga oo ku guuldarraystay in ay dhinaca Yemen ka dhaadhiciyaan sidii ay iyagu marka hore u sii dayn lahaayeen dadka reer Somaliland ee u xidhan si dabadeedna looga hawlgalo in Somaliland-na soo dayso Yamaniinta iyo doonayaha lagu qabtayba.


Shanta qof ee reer Somaliland ee Yaman ku xidhan oo saddex ka mid ah yihiin badmareenno reer Saylac ah oo uu ku jiro wiilka uu dhalay taliyaha ciidanka badda Saylac oo adhi geeyey Yemen iyo labada kale oo reer Togdheer ah, waxa la qabqabtay muddo haatan laga joogo 10 maalmood, iyadoo ilaa muddadaasna dawladad Somaliland iyo maamulka Gobolka Salalba afka ka xidheen in ay wax faahfaahin ah ka bixiyaan sababta xadhiggoodu la xidhiidho iyo wax ay arrintaas ugala xaajoon waayeen dawladda Yemen.




Jamhuuriya Online