Dawladda Turkiga Oo Gaadiid Baahi loo qabay ugu deeqday Somaliland
Hargeysa (TNN);-Dawladda Turkiga
ayaa Somaliland ugu deeqday Baabuur iskugu jira kuwa gurmad ka deg-dega
ah iyo gawaadhi kale,waxaana ka gudoomay Wasiirka Madaxtooyadda Md,
Xirsi Cali Xa aji Xasan.
Baabuurta gurmadka deg-dega ah ee Turkigu ku wareejiyay xukuumadda
Somaliland ayay tiradoodu ahayd shan baabuur iyo laba gaadhi oo kala
ah V8 iyo Gaadhi Mine-Bus ah.
Xafladii gaadiidkan lagula kala wareegayay oo lagu qabtay xarunta
madaxtooyadda waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirka waxbarashadda,
Wasiirul dawlaha madaxtooyadda, agaasimaha gaadiid ka ee xarunta
madaxtooyadda iyo saraakiil ka socday dawladda Turkiga.
Wasiirka madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali X. Xasan oo
kulankaasi ka hadlay ayaa si weyn uga mahad celiyay dawladda Turkiga,
waxaanu xusay in Gaadiidkani uu wax weyn ka tari doono horumari nta
adeegyadda caafimaad ee dalka.
“Waxaan idiinka mahad celinayaa deeqda waxtarka leh, waxaanan sii
xoojinaysaa xidhiidhka wacan iyo wada shaqayneed ee labada dawladood
oo kordhaya maalinba malinta ka dambaysa, waxaanan idinka
rajeynaynaa kaalmo ka badan intan,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi Cali
Xaaji Xasan.
Sarkaal u hadlayay dawladda Turkiga ayaa sheegay inuu dalkiisu ku
faraxsan yahay inuu xidhiidh w ada shaqayneed iyo mid gacan qabadba
la yeesho Somaliland, waxaanu tilmaamay inaanay deeqdan i ahayn tii u
horeysay iyo tii u dambaysay midna, hase yeeshee ay labada dal wax
badan iska saacidi doonaan.
Cumar M. Faarax
Somaliland,Hargeysa
|