Dawladda Somaliland waa inay aad uga taxadirtaa Siidhka la gu sheegay in qiimihiisu dhan dhan yahay $2 Million Doll ar, intaan loo qaybin Beeralayda ..........War bixin muhiim ah
 

 



Balaayo ka hor tag bay leedahay, ee ka daba tag ma lah
!


Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan  shacabka xari irta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.

Sida saxaafadu soo gudbisay,waxaa dalkeena la soo gaadhsiiyey Siidh qiimihiisa lagu sheegay $2 Million oo Dollar,looguna talo galay baa la yidhi sidii ay  Beeralayda Somaliland uga faaiidaysan lah ayeen, ma nasteexaa , mise waa hoo yoo ku go' !.


Su'aasha is weydiinta lihi waxay tahay :

1-Siidhkani inuu caafimmad qabo,oo berrito dalagga ka soo go'aa aanu ciida & caafimaadka dadka ba wax yeelo soo gaadhsiineyn, yaa damaanad qaaday.


2-Yaa xaqiijiyey in Siidhkani aanu ahayn mid Gene kiisa wax ka bedel lagu sameyey,GMO seeds (Ge netically Modified Foods).


Sida khubaro waaweyn oo caalamka daafihiisa ku kala nooli ay baadhis dheer ku sameeyeen, wax ay ka digeen khatarta ku duugan,lagana kulmi karo isticmaalka Genetically Modified Food (GMO) iyo
cudurada ay u geysan karaan caafimaadka dadka.Xukuumada Somaliland masuuliyad culus baa ka saaran daryeelka dadkeeda iyo dhul beereedkaba,waana inay aad uga taxadirtaa cuntooyinka la gu caawinayo,daawooyinka,midhaha la beeranyo ,iwm.

Waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaa war bixin muuqaal ah , oo aad u qoto dheer,kuna sahab san Siidhka wax ka bedelka lagu sameeyo & aafadiisa ........ Hoos ka daawo:

 

 

 




 

 



Eng. Mohamed Ali Muse