Dawladda Somaliland Oo Ajandihii Wada Hadalka Ka Saartay Kuna Guulaysatay Laba Qodob Oo Ay Dawladda Soomaaliya Wadatay

 

 


Labada qodob ee ay Soomaaliya dawladeedu ku dhegenayd ayaa kala ahaa ......


Ankara (TNN)- - Waftiga wadahadalka Somaliland u matalaayay ee uu hoggaaminaayay Madaxwe ynaha Somaliland, Axmed Silaanyo, ayaa meesha ka saaray isla markaana ku guulaystay laba qod ob, oo ay si weyn ugu dhagenayeen waftiga Soomaaliya matalaayay, Taas oo kama dan baystii ay ku guulaysteen Waftiga Somaliland inay ajandaha shirka ka saaraan, sida Uu xaqiijiy ay Guddoomiy e Ku-xigeenka Golaha Wakiilada Baasha Maxamed Faarax.

Labada qodob ee ay Soomaaliya dawladeedu ku dhegenayd ayaa kala ahaa:-

1. In ay Somaliland ogolaato isu socodka labada dal, isla arkaana aanay Somaliland danbiile u arkin cidii u safarta Soomaaliya, qodobaas oo ay ku hoos jirtay xitaa Siyaasiyiintu inay u safri karaan.

2. In Somaliland ogolaato in shirarka wadahadalka lagu qabto gudaha Somaliland iyo Soomaaliya, taas oo u samaxaysa Madaxda Soomaaliya inay yimaadan, marka la wadahadlaayo gudaha Soma liland.

Labadaas qodob, waxaa si weyn gashaanka ugu dhuftay Madaxda Somaliland, iyagoo sheegay in aanay suurto galayn, isla markaana ay carqalad ku yihiin wadahadalka. Waxaana ugu danbeyntii lagu go’aamiyay in labadaas qodob meesha laga saaro. Arrinta laalista labadaas qodob ayaa guul weyn u ah Somaliland.
 

 

 


Timacade News Desk
Ankara,Turkey