Dawladda Sheekh Shariif Oo Shuruud Ku Xidhay Aqoonsiga Somaliland

 

Shariif Xasan Sh. Aden iyo Yuusuf Budle
 

Aqoonsiga Somaliland wuxuu ku xidhan yahay taageerada dawladda Sh. Shariif

Waxa beryahaaba si qarsoodi ah u socday wada hadalo dhexmarayay qaar ka mid ah madaxda sare ee Somaliland iyo dawladda Sh. Shariif ee Somaliya oo ay si buuxda u daadihinaysay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka (US State Department). Shirarkan oo lagu kala qabtay meelo kala duwan sida Djibouti, iyo Washington DC ayaa waxa ka kala qayb galay kooxo kala duwan oo ka kala socday labada dhinac.

Hadaba wada hadaladaas oo ilaa hadda meel fiican maraya ayaa haddana waxa jira ama ka muuqata woxogaa aamindarro ah oo ku kala dhex jirta labada kooxood. Tusaale ahaan maamulka S/land waxa uu shuruud uga dhigay in uu maamulka Sh. Shariif ku dhawaaqo aqoonsiga S/land kahor inta aan waxkale laga wadahadal, halka maamulka dawladda Sh. Shariif ay sal uga dhigtay in ay Somaliland marka hore gacan weyn ka geysato lugo isu taaga dawladda kumeel gaarka ah, kadibna marka ay dhamaan dalka (koonfurta Somaliya) gacanta ku wada dhigto ay aqoonsandoonto gooni-isu taaga S/land.

Ku-xigeenka wasiirka koowaad ee dawladda ku meel-gaadhka ah, isla markaana ah wasiirka maaliyadda, Mudane Shariif Xasan Sh. Aden oo hogaaminayay kooxda matalaysa dawladda kumeelgaadhka ah ayaa sheegay in Somaliland ay ka awood badan tahay inta ay moodayso, isla markaana ay ku haboonaan lahayd in ay ka ciyaarto arrimaha geeska Afrika kaalin hogaamiyenimo. Waxa uu sheegay in uu isagu aaminsan yahay in S/land ay xaq u leedahay in ay danaheeda ka tashato, laakiin aanay ilaa hadda marin siddii ay taas ku heli lahayd. Illaa hadda S/land waxa la moodaa in ay cid marti uga tahay arrimaha mandaqadda, ayuu yidhi wasiirku.

Dhinaca Somaliland, Gudoomiyaha Xisbiga Udub ee USA, Mudane Yuusuf Budle oo kamid ahaa kooxda matalaysa Somaliland ayaa sheegay in aanay marnaba suurto gal ahayn in ay siddii lixdameeyaddii S/land ku saxeexdo heshiis indho la’aan ah.

Waanu isku baahanahay, laakiin iyagaa naga baahi badan. S/land sideeda ayay ahaanaysaa mana baaba’ayso haddii aanaan aqoonsi ka helin dawladda Somaliya, laakiin toodu (dawladda kumeelgaadhka ah ee Sh. Shariif) halkii kuwii kahoreeyay mareen ayay maraysaa haddii aanaan anagu aqoonsan/rabin. Yusuf Isaga oo ka jawaabaya arrinta qayb ka ciyaarka arrimaha mandaqaddana waxa uu yidhi: Awoodayadu waa mid aanu u isticmaalno oo keli ah wixii dalkayaga iyo dadkayaga u dan ah, kumana lumino heshiisyo macnmo daro ah. Haddii ay maanta dawladda Sh. Shariif ku dhawaaqdo aqoonsiga S/land, dalalka kalena ictiraafaan heshiiskaas, waxa naga balan ah in Muqdisho ay ku degdo muddo bil ka yar.

Shirarkan isdabojooga ah oo si qarsoodi ah u socday beryahaas ayaa lamoodaa in ay marayaan meel ay iskaga soo dhawaadeen intii hore, laakiin ay weli u dhiman tahay in laga gudbo xaaladda cakiran ee is aaminaadda ah.

Waxa lagu wadaa in qaar kamid ah masuuliyiinta ugu saraysa ee dawladda kumeel gaadhka ahi booqdaan magaalada Hargeysa muddo aan fogayn, in kasta oo ay jirto cabsi ah in ay ka faa’iidaystaan mucaaridka Somaliland oo mar kasta ku sheega xidhiidhyada noocan ah in ay xukuumadda S/land gadayso madaxbanaanida S/land. Mr. Budle oo arrintan ka hadlayaana waxa uu yidhi “S/land mar kasta danteeda u luminmayso Calibaa odhan iyo Caashaa odhan. Waxa aanu rumaysanahay in aanu wax wada qabsan karno dawladdan Sh. Sharif anaga oo isku danaysanayna, waa haddii ay gartaane. Aqoonsiga S/land waxaanu ku raadinaynaa si kasta oo suurto gal ah, dublomaasiyad, xoog, maal/lacag iyo la shaqayn dalalka danaha ka leh Geeska Afrikaba.

 

 



Ayaan Ismaaciil

Somali Media
St. Paul, MN USA
Email: udubparty@gmail.com