YUSUF BUDLE: DAWLADDA MARAYKANKU WAXA AY NOO XAQIIJISAY IN AY XUKUUMADDA SOMALILAND QAADATAY MABDA’A SOOMAALI-WEYN, HAATANNA LA GALAY WEJIGII SADDEXAAD EE IS DHEX GALKA……..

 



Imaatinka ay ku imanayaan
Wasiir Xirsi iyo Wasiir Biixi dalkan Maraykanka waxa aan u arkaa Fadeexad Qa ran,

Washington (TNN):-Xoghayaha Arrimha Dibedda ee UCID, Mudane Yusuf Budle oo u waramayay qaar ka mi d ah saxaafadda m adaxa banaan ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Maraykanku si toos ah ugu sheegt ay in “ Xukuumadda Somaliland ay si buuxda u qaadatay mabda;a Somali-weyn, dawla dda Maraykankuna ay aad iyo aad ugu qanacsan tahay mabda’aas, imika wixii ka dambeeyana ay siyaasa dda arrimaha dibed da ee dalkan Maraykanku ku saalaysnaandoonto suurto gelinta wajigii ugu dambeey ay ee midaynta wixii la odhan jiray Somali Republic ee burburtay sanadkii 1991kii.

Mudane Yusuf Budle waxa uu sheegay in uu aad iyo aad ula yaabay sheekadda khiyaaliga ah ee ay isku m aaweelinayaan dawladahan waaweyn ee dhegta keliya wax ka maqla, waxana uu ku tilmaamay “ Riyo cas ar”, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi: Run ahaantii werwer weyn kama qabo qolooyinkan re er galbeedka oo dadbaa lacag kaga cuna warar iska khiyaali ah waxaanse la yaabay xukuumadan Somalil and ee qalinka ku duugaysa wax aan laga soo waaqsan doonin. Isaga oo arrinkaas ka hadlayana waxa uu yidhi: Waan ogaa in xukuumaddanu ay meel walba u gasho siddii ay woxogaa lacag ah uga qaadan lahayd dal kasta iyo hey’ad kasta oo ay ka dhex sawirato lacag, laakiin marnaba ma aanan filayn in ay gaadhaan heerkaas ay dalkii dhamaa dhaxal wareejiyaan. LAAKIIN, ayuu yidhi mudane Yusuf waxa ayna dawladda Maraykanka iyo dawladaha kale ee reer galbeedku ogayn in aanay marnaba taasu suurto gal noqonayn, dadweynaha reer Somaliland-na ay geeri iyo dagaal qadhaadh ka xigaan. Waxana uu Mudane Yusuf Nidar ku maray in uu isagu qoriga u horeeya qaadidoono haddiiba la isku dayo xataa wax u dhaw wax wadaag, iskaba daa isku darsiye.

Sidda uu Mudane Yusuf Budle ku sheegay warbixintaas uu siinayay saxaafadda madaxa banaan; Imaatin ka Odayaasha isugu jira madax-dhaqameedka, siyaasiyiinta iyo weliba saraakiisha sarsare ee Meliteri ee ka socda xukuumadda Somaliya ee dhawaan yimiday Hargeysa, socdaalkii ay qaar ka mid ah xukuumadda Somaliland dhawaan ku tageen Muqdisho, Odayaasha dhawaan tegidoona Muqdisha ee reer Somaliland a h, Saraakiishii reer Somalilnd ee dhawaan lagu soo tabo baray Muqdisho ee shahaadooyinka uu soo siiyay wasiirka Gaashaandhiga ee Somaliya iyo saraakiil Melitari oo Talyaani ah, intuba waxa ay ka jurjumayaan waxa loogu yeedhay” Wajiga Saddexaad ee isu soo dhaweynta Soomaalida kala cadhootay”.



Waxa kaloo ka mid ahaa hadaladdii uu Mudane Yusuf Budle ujeediyay saxaafadda madaxa banaan: Imaati nka ay ku imanayaan wasiir Xirsi iyo wasiir Biixi dalkan Maraykanka waxa aan u arkaa fadeexad qaran, wa ayo xataa isma waafaqsana waraaqaha socdaalka ama baasbooradda ay ku imanayaan labadan wasiir da lkan Maraykanka iyo xilalka iyo masuuliyadda ay u hayaan Somaliland, waana waxyaabaha ugu horeeya e e buriya sharafta iyo karaamada qaranka uu qofku metalayo. Illaahbaa og oo ma jeclin in aanu wax sheeg sheegno, laakiin sidda loo socdaa waa si aad iyo aad uga baxsan sharafta iyo karaamadda dawladnimo. Waxa aan jeclahay in aan ka faa’iidaysto fursatan oo aan halkan hambalyo weyn uga soo jeediyo Madaxw eyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Saylici oo isagu illaa hadda diidan in uu ka midnoqdo socdaalkan qar andumiska ah.

Ugu dambayntii waxa uu Mudane Yusuf Budle sheegay in ay tahay waajibaad qaran in loo guntado siddii xukuumaddan maanta joogta ee dalkii iyo dadkiiba xaraashtay looga tuuri lahaa xilka: Run ahaantii dalkee nii Somaliland waxa uu gacanta u galay shufto aan cidna u tudhayn, dhegahana ka furaystay Alle ka cabsi iyo u naxariisashada dadkii doortay.

 



C/Fataax Adan, Somali-American Media

Washington, USA