Dawladda Maraykanka Oo Loogu Baaqay Inay Xidhiidh La Samaysato
Somaliland, Maaddaama Oo Ay Ka Soo Rayn Wayday Soomaaliya
Hargeysa (TNN) :– Michael Rubin oo ah Diblumaasi Maraykan ah
isla-markaana ka Tirsan Mac-hadka Am erican Enterprise Institute, ayaa mar kale wax ka qoray Sida Dawladaha reer Galbeedka ee uu
Marayk anka ka mid yahay Dhaqaalaha badan ugu caawinayaan Soomaaliya,
iyaga oo taa beddelkeedana indh aha ka lalinaya Jamhuuriyadda
Somaliland.
Michael Rubin oo Maqaal dheer ku baahiyey Internet-ka, ayaa sheegay
in Maraykanku isku hawlayo in Xaaladda Soomaaliya gacan ka geysto,
xilligaasi oo Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Maraykanku is-diidsiinayso
guusha Somaliland oo la jaar ah Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Sanadihii u dambeeyay uu Maraykanku Malaayiin
dollar ku shubay Soomaaliya, sidoo kalena gacan ka geystay dhismaha
Ciidammada kala duwan ee Soomaaliya, sida Booliska iyo kuwo kale ee
Amniga, laakiin aanay Tallaabooyinkaasi oo dhami waxba ka beddelin
Xaaladda Soomaaliya.
Rubin wuxuu ka warramay Xaaladda Runta ah ee Soomaaliya xilligan ka
jirta, isaga oo ku tilmaamay in Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi
Farmaajo uu dariiq aan sax ahayn u maray Muddo-kordhinta uu u
sameeyay Baarlamaanka oo laftiisa uu muddo-xileedkiisu dhamaaday.
Fool-xumooyinka uu Mr. Rubin qoraalkiisa ku sheegay waxa ka mid ah
in la shaqada laga fadhiisiyey Ta liyihii Ciidammada Booliska ee
Gobolka Banaadir Saadaq Joon oo ka hor-yimid Muddo-kordhinta loo
sa meeyay Madaxweynaha, laakiin Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka
Banaadir loo Magacaabay Askari uu Rubin sheegay inuu ka mid ahaan
jiray Xoogagga Al-shabaab ee xidhiidhka la leh Al-qaacida, kaasi oo
uu xusay inuu hore caan uga dhex ahaa kooxdaasi.
Rubin wuxu sheegay in aanay ahayn markii koowaad ee Dawladda
farmaajo xil u Magacowdo qof ka m id ah koox Argagixiso ah, balse uu
hore Taliyaha Ciidammada Sirdoonka ugu Magacaabay Fahad Yaasiin oo
uu xusay inay jiraan dhukumantiyo sheegaya inuu xidhiidh la lahaa
Al-shabaab iyo kooxo kale oo Ar gagixiso ah.
Micheal Rubin oo Qoraalkiisu dheeraa, ayaa waxa kale oo uu ka
warramay in laga yaabo in syaasadda Madaxweyne Farmaajo ay saamayn
ku yeesheen Ruushka iyo Shiinaha oo dabcan saamayn ku leh Itoo biya
iyo Jabuuti.
Wuxuu is waydiiyey waxa Maraykanka isagoo og xaaladda siyaasadeed ee
Soomaaliya uu indhaha uga leexinayo Somaliland oo uu tilmaamay inay
Tobanaankii Sano ee u dambeeyay qabsanaysay doorashoo yin Cod iyo Qof
ah.
Wuxuu xusay in Somaliland Dadkeeda ku diwaangelisay Habka Biometric-ga
ah ama la sawiro bu’da ind haha Dadka, si ay qabsato doorashooyin
sugan oo amaan ah.
Micheal Rubin wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in Somaliland weli
haysato Jihada siyaasadeed ee reer Gal beedka uu Maraykanku ka mid
yahay, sidoo kalena ay xidhiidh la samaysatay Taiwan, waxaanu mar
la baad su’aal iska waydiiyey waxa iyada oo waxaasi oo dhami jiraan
uu Maraykabku uu u cunaqabatayn ayo Somaliland.
“Haddii siyaasadda Arrimaha dibedda Maraykanka ee xilligani ku indho
beeshay Sawirka xuduudka (So maliland/Soomaaliya), muxuu Congress-ku
toos ula xidhiidhi waayay Somaliland..” ? ayuu qoraalkiisa ku
sheegay Micheal Rubin.
Xigasho:
Geeska.net
|