Dawladda Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo illaa hadda Salka dhigi la.

 



Dawladda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxay talada dalka haysay muddo ku dhow 19 bilood,19kaa bilood ee dawladdu jirtay wax dalka ka dhacay dhacdooyin farabadan, waxa yaraaday rajadii dadweynuhu qabay,waxa batay boobkii iyo musqmaasuqii, waxa isku milmay maalqabeenkii iyo madaxtooyadii,waxa soo ifbaxay dhacdooyin aan taariihkda Somaliland hore u soo marin.



Isku shaandhaynta maanta Madaxweynhu sameeyey waxay saamayn weyn ku leedahay 60% golaha xukuumada talada dalka haysa ,waxayna tusaale u tahay xagal daaca ,gaabiska ,waxqabad la’aanta ku habsatay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.



Waxa kale oo jira 40% kale ee xukuummada ka hadhsan oo u badan agaasimaal guud oo iyaguna la daalaadhacaya shaqada iyo hawlaha ay ummadda u hayaan.



Dhacdooyinka iyo xagal daaca aan taariikhda Somaaliland hore u soo marin:

1. Waxa xeebaha gableed ee Somaliland ka soo dagey Ciidamo ka tirsan Jabhada ONLF ee Ogeden.

2. Waxa dalka gudihiisa “magaalada Taleex” lagu qabtay shirbeeleed lagaga dhawaaqay maamul goboleed la magac baxay” Khaatumo State”.

3. Waxa xiisad colaadeed ka dhalatay magaalada Berbera markii Mulkiilaha xawaalada Dahabshiil la siiyay ruqsad labaad oo u ku dhisto warshad labaad oo sibidh ah isla magaalada Berbera.

4. Waxa si joogta loo musqmaasuqay raashinkii dadka danyarta lagu caawiyay

5. Waxa xayiraad lagu soo rogay kal-fadhiyadii goleyaasha deggaanka sida golaha deggaanka ee Gabiley muddo sanad ah.



Mudane Madaxweyne mar haddii aad dhaliishay waxqabadkii wasiiradaada 60%,may ahay in aad “Resuffle” sameyso ee waxay ahayd in aad dhammaan dareeriso,waxa kale oo jira wali raac labaad oo agtaada ka dhaw oo seeftii hore ka badbaaday.





Allaa Mahad leh,



Eng. Mohamed Abdillahi Nur

Ottawa, Canada.

Almis302002@yahoo.ca