Dawladda Itoobiya oo siheegtay in Dekedda Berbera ay dabooshay baahidii Dekedaha ee dalkeeda


Hargeysa (TNN) :-Wasiirka Gaadiidka iyo Jidadka ee Xukuumadda Federaalka Itoobiya, Degmawit Moges, ayaa sheegtay in casriyeynta lagu sameeyey Dekedda Berbera ay horumar dhaqaale u yeelanayso Somali land, Itoobiya iyo Afrikaba.

Wasiirka Gaadiidka Itoobiya waxay sidaas ku sheegtay barnaamij dukumantari ah oo uu baahiyey Telefish anka Qaranka Itoobiya, oo Wakaaladda Wararka ee SOLNA soo xigatay, waxaanay tilmaantay in hore loo gu heshiiyey inay hal milyan oo Doolar ku kharash gareeyaan casriyeynta marsadda Berbera.

Degmawit Moges waxay sheegtay in Itoobiya oo hore u isticmaali jirtay dekedda Jabuuti oo ku filnaan we yday, isla markaana ay ku qasbanaadeen inay qayb ka noqdaan isticmaalka dekedda Berbera, maadaama oo bulshada dalkoodu aad u badan tahay.

Wasiirka Gaadiidka waxay intaas ku dartay in wejigii hore ee ballaadhinta dekedda Berbera dhammaaday isla markaana ay dekedda ku soo xidheen Maraakiib waaweyn iyo Koontiinarradii ugu badnaa waxaanay ku dooday inay dekedda Berbera ka faa’iidaysan doonaan dad ku dhow Laba Boqol oo Milyan oo qof oo ah dalalka aan badda lahayn ee Afrika.

Waxa kaloo ay sheegtay in dekedda Berbera ay dabooli karto baahidii dekedeed ee ay Itoobiya haysatay, waxaanay xustay inay wadajir uga qayb qaadanayaan horumarinta dekedda dawladaha Somaliland, Itoob iya iyo DP World

Wasiirka Gaadiidka Itoobiya waxa ay xaqiijisay in wax-soo-saarka Beeraha Koonfurta Itoobiya laga dhoofi n doono dekedda Berbera, isla markaana wixii ay u baahdaan kala soo degi doonaan dekeddaas, waxaan ay caddaysay inay dekedda Berbera ay qiime ahaan aad u macquul tahay.






Xigasho: SOLNA