Dawladda Itoobiya oo Hargeysa ku xustay sanad guuradeeda 22 aad ee
Qaranimadooda
Waxa uu xuskani mataaneeyaa Somaliland iyo Itoobiya oo bil isku mid
ah talada ka tuuray dhiigya cabyadii Milatariga ahaa ee ka talin
jiray
Hargeysa (TNN):- Safaaradda Itoobiya iyo Jaaliyadeeda ku dhaqan
Somaliland ayaa caawa ku xus ay magaaladda Hargeysa sanad guurada 22
aad ee 20 ka Ginbot oo ku beegan maalintii jabhadii
EPRD talada ka
tuurtay Taliskii Milatariga ahaa
Mingistu Haila Mariam, kaasoo ay
cudud Milatari kaga qabsadeen Ciidamadiisii awooda badnaa.
Xuska caawa ee loogu dabaal degayay sanad guurada 22 aad eek a soo
wareegtay maalintii tala da laga tuuray Mingistu oo ku beegnay
1991-kii waxa lagu xusay munaasibad balaadhan oo mataa naysay markii
labadii Jabhadood ee la dagaalamayay Itoobiya iyo Somaliya (SNM
& EPRDF) ay xuku nka la wareegeen kuwaas oo kala danbeeyay toban
maalmood oo kali ah, kuwaas oo kala maalmah aas oo kala ahaa 18 May
iyo 28 May.
Xuska munaasibadda Dawladda Itoobiya ugu dabaal degaysay sanad
guurada 20-ka Ginbot wax a ka soo qayb galay wasiiradda Xukuumadda
Somaliland, Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, Taliyayaa sha ciidamadda,
Madax dhaqameed iyo marti-sharaf kale oo isugu jiray ganacsato iyo
ururada bu lshada, waxana lagu furay labada heesood ee Qaranka labada
Dal ee Itoobiya iyo Somaliland.
Safiirka Dawladda Itoobiya u fadhiya Somaliland Berha Tasfaye oo
furay xaflada ayaa ka waramay taariikhda Itoobiya u soo martay
Xorriyadda ay hoos hadhsanayaan shucuubta dalkaasi, waxaanu ku
dheeraaday Horumarka balaadhan ee ay Xukuumadda talada haysaa
gaadhsiisay shacabka ree r Itoobiya, kuwaas oo ku ilaaway dhibtii iyo
kadeedkii ay kala kulmeen taliskii dhiigyacabka ahaa ee uu
hogaaminayay Taliyihii ciidamada Mingiste Haile Mariam.
Qudbad aad u dheerayd oo dhinacyo badan oo horumarka itoobiya
gaadhay ka waramaysay oo uu safiirku munaasibadaas ka jeediyay ayuu
ku bilaabay “22 sano ka hor waxa itoobiya ka jiray talis milatari
ahaa oo macangag ahaa oo umadda dhibaato badan ku hayay, waxa la
xusi karaa waa cud udii midaysnayd ee lagaga tuuray taladi.
Waxa u dhintay boqolaal qof oo dhiigoodii u daadiyay, waxa kale oo
aan ka madhnayn horumarka iyo nabadgelyada ay shacbigayagu ku
faanayaan, anagoo tixraacayna 22 sano ee aanu soo dhaaf nay, waxa
daliil u ah talaabooyinka uu dalkayagu ku talaabsaday nooc kasta
haloo cadaadiyee sin aanta ay ku nool yihiin.
Waxa marna aan la dhaafi karayn oo dalkayagu manta ku naaloonayaa in
ay si siman uga faa’iiday sanayaan guusha ay haystaan, waxa kaloo
taariikh la xuso mudan in shacbigayagu cida uu doono dooran karo, oo
ay is maamuli karaan iyadoo Federal jiro, hadana ay ka go’I karaan
oo maul samay san karaan.
Guud ahaan shacabka dalakayagu waxay u siman yihiin Dastuur, waxaan
taas uga jeedaa waxa da lkayaga ka jira Sinaan iyo Cadaalad. 22 ka
sano marka laga reebo dagaalkii Itoobiya iyo Eratariya waxa dalka ka
jira nabad buuxda, waxaanu dalkayagu ku hawlan yahay in uu ka qayb
qaato dajin ta khilaafaadka iyo colaadaha qaarada ka taagan. 22 sano
waxyaabaha dlakayaga horumarka u sahlay waa nabada ka jirta.
Waxa xaqiiqo ah dadka Itoobiya ku nool 80% in ay ku nool yihiin
miyiga waxaana u suurtogaliyay horumarkaas waa nabada ay ku nool
yihiin. Waxa dalkayaga laga hirgaliyay jaan-gooyo shan sano ah oo
horumar lagu gaadhi doono oo lagaga maarmi doono baahidii dibeda,
toban milyan oo shaca bkayaga ah ayaa durba ka faa’iiday.
Waxa kale oo farqigii ka baxay malaayiin beeralay ah, waxa kale oo
loo bandhigay in ay ka qayb q aataan warshadaynta, tobanaan
warshadood oo shaqo abuur sameeyay ayaa ah waxyaabaha 22 kaas sano
hirgalay. Hal milyan in ka badan oo shaqo abuur ah ayaanua samaynay,
waxaana la filayaa sadex sano kadib Itoobiya in ay noqoto dalka
sadexaad ee xaga dhaqaalaha.” Ayuu yidhi
Isagoo intaas raaciyay in ay wax ka qabteen adeegyadda kala duwan ee
Caafimaadka, Waxbarash ada, Isgaadhsiinta, Wadooyinka , Biyaha, Dabka
iyo Tareenka, waxaanu sheegay dhamaan masha ariicdaasi in ay gayiga
Itoobiya dhaxal siiyeen Horumar.
Safiirka iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa
xafladaasi ku furay in ay jaraan mid ka mid ah cuntooyinka ay
itoobiya dhaqanka u leedahay ee dhaabooga.;
Source:Waaheen
|