Dawladda Ingiriiska oo Rayaale iyo Guddoomi yayaasha Xisbiyada Mucaaridka ah ugu Baaqday in Khilaafka Siyaasadeed Lagu Dhammeeyo Wadahadal

 

Kulamadii weftiga Ingiriisku la yeeshay madaxda Somaliland iyo nuxurka wadahadaladii ay yeesheen


“Waxaanu mar walba diyaar u nahay in aanu dhawrno xeerka iyo dastuurka qaranka, anaga oo tixgelinayna go’aamadii ay wakhtiga doorashada ka gaadheen Golaha Guurtida iyo Komishanka Doorashooyinku”

Daahir Rayaale



“Waxay muujiyeen inay ayaan-darro wayn tahay arrimahan maanta dalka ka taagani, waxayna u socdeen in dhinacyada khilaafku ka dhexeeyo ay muujiyaan isku tanaasul”

Axmed Siilaanyo


Wefti culus oo ka socda dawladda Ingiriiska ayaa Somaliland u yimi sidii ay xisbiyada mucaaridka ah iyo xukuumadda Rayaale ugu qancin lahaayeen in khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay dib-u-dhaca doorashooyinka iyo muddo-kordhintii Guurtida ee madaxweynaha lagu dhammeeyo wadahadal iyo isu-tanaasul, iyagoo wax walba ka hormarinaya danta guud.


Weftigan oo shalay dalka booqasho ku yimi oo uu hoggaaminayo safiir-ku-xigeenka safaaradda dawladda Ingiriisku ku leeyahay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa Mr. John Marshal, islamarkaana wehelinayeen saraakiil ka socda wasaaradda difaaca Ingiriiska waxay kulamo goonni-goonni ah oo la yeesheen Madaxweyne Rayaale iyo Guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka ay ku muujiyeen walaaca Ingiriiska iyo waddamada Yurub ka qabaan xaaladda siyaasadeed ee wakhtigan dalku madaxa la galay, taas oo ay ku sifeeyeen in haddii aan wadahadal lagu dhammayn mid dhaawici karta sumcaddii iyo karaamadii Somaliland ku dhex lahayd beesha caalamka.


Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Jamhuuriya xalay khadka telefoonka kula xidhiidhay si wax looga weydiiyo kulankii ay la yeesheen weftiga Ingiriiska iyo waxyaabihii ay kada wada hadleen, ayaa sheegay in weftigaas dalka u yimaaddeen sidii ay u qiimayn lahaayeen xaaladda siyaasadeed ee dalka ka taagan iyo inay dhinacyada khilaafaadku ka dhexeeyaan ay ku cadaadiyaan sidii muranka taagan loogu dhammayn lahaa wadahadal iyo isku tanaasul dhinacada oo dhami muujiyaan.


“Waqtigan Ingiriisku wuxuu dalka u yimi inuu qiimeeyo xaaladda Somaliland, waxaannu muujiyey welwelka ay ka qabaan sida wax u socdaan inay dhaawac u geysan karto hannaanka dimoqraadiyadeed iyo xorriyatul-qawlka ka hana-qaaday Somaliland, waxay aad noogu guubaabiyeen in khilaafka jira lagu soo afjaro wadahadal, iyaguna ay diyaar u yihiin inay halka ka sii wadaan taakulayntii ay Somaliland siin jireen.


Annaguna waxaannu uga warramay dhibaatooyinka iyo caga-juglaynta xukuumaddu ku hayso xisbiga KULMIYE, hadidaadaha naloo geystay, bannaan-baxyada sharcigu noo fasaxayo ee na soo diidan yahay. Waxay muujiyeen inay ayaan-darro wayn tahay arrimahan maanta dalka ka taagani, waxayna u socdeen in dhinacyada khilaafku ka dhexeeyo ay muujiyaan isku tanaasul iyo wadahadal khilaaf lagu soo afjarayo,” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo oo ka warramayey waxyaabihii ay weftiga Ingiriiska ka wadahadleen.


Dhinaca kale, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, waxay weftigani shalay la kulmeen madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, iyada oo labada dhinac ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin marxaladda cusub ee dalku marayo iyo dhibatooyinka ka aloosan mandaqada geeska Afrika, sida budhcad-badeedda iyo kalinta Somalilanda ka qaadatay la dagaallankeeda.


Warsaxaafadeedkaas oo faahfaahsanna waxa uu u qornaa sidan:


“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa maanta [shalay] uu xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefdi ka socda Safaaradda Ingiriiska u fadhida caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.


Wefdigaas oo uu hoggaaminayo Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa Mr. John Marshal, waxa ay booqasho kooban ku yimaaddeen Jamhuuriyadda Somaliland.


Madaxweynaha iyo wefdiga ka socda Safaaradda Ingiriiska waxay si qoto dheer uga wada hadleen budhcad-badeedda ku soo korodhay mandaqadda Geeska Afrika oo saamayn ku yeelatay waddamo badan oo ay ka mid tahay Somaliland.


Mudane Daahir Rayaale Kaahin isaga oo ka warramayey tallaabooyinka xukuumaddiisu ka qaaday sidii ay wax uga qaban lahayd budhcad-badeedda ka qawlaysata Badda Cas ee ku beegan marinka Cadmeed, waxa uu sheegay in hadda ka hor Jamhuuriyadda Somaliland ka qabatay xuduudaheed Badda Cas dad budhcad-badeed ah, kuwaasoo la horkeenay maxkamadaha, haddana qaarkood ku jiraan xabsiyada markii lagu helay dembiyada ay galeen.


Madaxweynuhu waxa kale oo uu wefdiga u sheegay in mar walba xukuumad iyo shacbiba ka go’an tahay la-dagaallanka budhcad-badeeda xeebaheeda Badda Cas ku beegan, isla markaana waxa uu tibaaxay in Somaliland oo ah wadan curdin oo aan kaalmo ka helin dalalka caalamka in uu u baahan yahay in caalamku ka taageero sidii uu ula dagaallami lahaa ka hortagga budhcad-badeedda, haddii ay noqon lahayd qalabka la adeegsado iyo dhaqaalaba, taas oo maslaxad iyo dan weyni ay ugu jirto Somaliland iyo caalamka intiisa kaleba.


“Waxaannu diyaar u nahay in aannu kala qaybgalno iskaashiga caalamku ka yeelanayaan la dagaalanka budhcad-badeedda intii hadba awoodayadu ay na gaadhsiiso, haseyeeshee waxa lagama maarmaan ah in waddamada adduunku oo Ingiriisku ka mid yahay in taakulayn ka helno sidii aanu arrintaasi ugu guulaysan lahayn, waxaanuna ka xunahay in caalamku had iyo jeer nagu qiimeeyo, nagalana mid dhigo Soomaaliya, iyada oo Somaliland tahay dal ka gooni ah Soomaaliya, kalana soo noqotay Madaxbanaanideeda muddo 18 sannadood laga joogo,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.


Madaxweynaha iyo wefdigu waxa kale oo ay isla soo qaadeen arrimaha siyaasadda ee Jamhuuriyadda Somaliland heerka ay maanta taagan yihiin, Madaxweynuhu isaga oo arrintaa ka hadlayey waxa uu wefdiga u sheegay in xukuumaddiisa ka go’an tahay inay dalka ka qabsoomaan doorashooyin xor oo xalaal ah oo la mid ah kuwii hore waddanka uga qabsoomay intii uu talada hayay, waxana Madaxweynuhu wefdiga u sheegay in dib-u-dhaca wakhtigii doorashada ay dhici lahayd aanay xukuumaddu masuul ka ahayn, haseyeeshee ay keeneen arrimo farsamo iyo qaraxyadii argagaxiso ee dalka ka dhacay.


“Waxaanu mar walba diyaar u nahay in aanu dhawrno xeerka iyo dastuurka qaranka, anaga oo tixgelinayna go’aamadii ay wakhtiga doorashada ka gaadheen Golaha Guurtida iyo Komishanka Doorashooyinku,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.


Waxa kale oo uu Madaxweynuhu carrabka ku dhuftay inuu jeclaa 29kii March ee bishii la soo dhaafay in doorashadu qabsoonto, haseyeeshee aanay taasi suurtogelin sababo farsamo darteed, isla markaana waxa Madaxweynuhu kula taliyey in asxaabta mucaaridku qadariyaan, una hoggaansamaan dastuurka xeerka iyo qawaaniinta dalka u yaal.


Mr. John Marshal oo isaguna hadal kooban halkaa ka jeediyey, ayaa sheegay in xukuumadda dalka Ingiriiska diyaar u tahay inay Somaliland ula dhaqanto waddan ka duwan Soomaaliya, waxna kala qabato arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhinaca nabadgelyada iyo xasilloonida dalkani ku caano maalay, waxaannu tibaaxay in dawladdiisu hordhigi doonto shirarka soo socda ee caalamka kaga tashan doono sidii wax looga qaban lahaa budhcad-badeedda, shirarkaas oo ka mid yihiin shirka lagu qaban doono Baxrayn dhawrka toddobaad ee soo socda waxyaabaha Somaliland ka qabatay la-dagaallanka budhcad-badeedda iyo baahida ay u qabto in laga taageero waxyaabo badan oo ka mid tahay sidii arrintaasi ay ugu guulaysan lahayd.


Wefdiga waxa kale oo ka mid ah wakiilka dhinaca Gaashaandhigga u qaabilsan Safaaradda Ingiriiska ee Itoobiya, shirkana uu goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale.”


Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo aanu xalay dhawr jeer isku daynay in aanu dhinacooda wax ka weydiino kulamadii ay la yeesheen weftiga Ingiriiska ah ayaanay noo suurtogalin in aannu telefoon ku helno.





Jamhuuriya Online