Dawladda Ingiriiska oo Markii u Horreysey Tababar Caalami ah u Fidisay Ciidammadda Ilaalada Xeebaha Somaliland

 

Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Dawladda Ingiriiska ayaa markii u ho rreysey tobabar dhinaca badda ah oo caalamiya u furtay cutubyo ka  tirs an ciidammada Ilaaladda Xeebaha Somaliland ee saldhigoodu yahay  maga alada xeebta ah ee Berbera.


Munaasibad loo sammeeyey furitaanka tobabarkan oo shalay si rasmiya  l ooga furay Xerada Ciidammadu ku leeyihiin Berbera, ayaa waxa ka  qaby galay saraakiil sarsare oo ka socda dawladda Ingiriiska, masuulliyiin ka  tir san Gobolka Saaxil oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gobolka Maxamed Cabdillaahi Maxamed iyo Taliyaha Ciidamadda Ilaalada Xeebaha Cismaan Jibriil Xaggar.


Tobabarkan oo noqonaya kii u horreeyey ee noociisa ah ee la siiyo  ciidam mada badda Somaliland oo ay maalgelinayso dawladda Ingiriiska, socona doona muddo saddex bilood ah, ayaa inta uu socdo waxa la bari doonaa adeegsiga haamaha iyo qallabka dhabarka lagu xidho ee ay ku jirto  haw ada neefta laga qaato ee loo adeegsado badaha hoostooda ee loo yaqaan “Oxygen” iyo sidoo kale xirfadaha quusitaanka.


Talliyaha ciidammada Ilallada Xeebaha Somaliland Cismaan Jibriil Xagar oo tababarka furay, ayaa sheegay in ciidammadu si wanaagsan uga  faa’iid aysan doonaan xirfadda ay baranayaan casharrada iyo qalabka la siinayo, isagoo xusay inay tahay markii u horreysey ee la siiyo tobabar iyo qalab noocan oo kale ah.


Mid ka mid ah saraakiisha tobabarkan bixinaya ee ka socda dalka  Ingiriisk a, ayaa sheegay inay ka go’antahay sidii tobabar caalamiya loo siin lahaa ciidammada Badda Somaliland, isagoo intaa raaciyey inay sii wadi doonaan taageerada iyo tobabarka ay bixinayaan.


Ciidammada Ilaallada Xeebaha Somaliland, ayaa lagu sifeeyaa qaar aan  ha ysan tobabar iyo qalab ay u adeegsadaan badda, isla markaana aan  lah ayn gaadiid badan oo ay kaga hawlgalaan xeebaha Somaliland oo dherer ahaan lagu qiyaaso 800km, ahna biriij ganacsi oo isku xidha Afrika iyo Asia oo muhiim u ah isu-socodka ganacsi ee dalalkaas.


Kooxaha budhcad-badeeda Soomaalida oo iyagu khatar weyn qafaalasho ku haya maraakiibta iskaga gooshta biyaha xeebaha dalkii laysku odhan jirey Soomaaliya, ayaa haddana ciidammada Somaliland ee awoodooda  dh aqaale, xirfadeed iyo qallaba iyadoo liidato haddana waxa ay dhawr jeer ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan kooxo isku dayay inay ka  qawlay staan Xeebaha Somaliland.







Source:Jamhuuriya Online