Dawladda Ingiriiska Oo Ka Hadashay Hantida Ay Ugu Talo-galeen Horumarinta Somaliland illaa 2015 iyo Wada-xaajoodka Labada Waddan.


 

 


Safaaradda dawladda Ingiriisku ku leedahay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya oo ka jawaabaysay su’aalo ....


Addis Ababa (TNN)- Xukuumadda Ingiriiska, ayaa shaaca ka qaadday inay dhaqaale gaadhaya 140 Milyan oo Doollar ku bixin doonto gargaarka horumarinta Somaliland illaa sannadka 2015 iyo sidoo kale wada-xaajoodka labada waddan.

Safaaradda dawladda Ingiriisku ku leedahay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya oo ka jawaabaysay su’aalo Laga weydiiyey mowqifkooda ku saabsan khilaafka ‘aagga dhaqaalaha ee Xeebaha’ oo Soomaaliya gaar u sheeganayso iyo diidmada Somaliland ayuu sheegay in wada-xaaj oodka aagga dhaqaalaha ee Xeebahu Baddu weli heer bilow ah taagan yahay, balse uu ka mid yah ay dhinacyada u baahan in isfaham buuxa labada dhinac ka gaadhaan.

Mr, Roger Coleman, Ku-xigeenka Safaaradda UK ee Itoobiya oo ugu horreyn la weydiiyey, maadda ma oo 2010, Ingiriisku qaatay siyaasad cusub oo uu ku kordhinayo xidhiidhka iyo taageerada horu marineed ee Somaliland uu siinayo, tallaabooyinka illaa wakhtigan ay qaadeen, xag siyaasadeed iyo dhaqaale, iyo xaddiga ay u qoondeeyeen horumarka Somaliland illaa wakhtigan, ayaa ku jawaa bay; “Waad ku mahadsan tahay su’aalahaaga iyo xiisahaaga siyaasaddayada ku saabsan Somalil and. Sidaad la socotid, Xukuumadda Ingiriisku waxay ka furatay Xafiis Hargeysa, bishii June sann adkii hore. Waxaan la leenahay Somaliland xidhiidh toos ah masuuliyiinta Somaliland heer walba illaa Wasiirrada. Ingiriisku waxay ballan-qaadeen inay ku bixiyaan dhaqaale gaadhaya £95Milyan (147 Milyan Dollar) taageerada horumarineed ee Somaliland illaa sannadka 2015.”

Coleman oo la weydiiyey, dhowaan Xukuumaddiinnu waxay ku celisay inay fududeyn dheeri ah ka geysan doonto wada-xaajoodyada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, balse, wakhtigan uu jiro arrin khilaaf dhaliyey, oo u muuqda mid murgin kara gaadhitaanka xal waara oo ah ismarin-waaga ‘aagga dhaqaalaha ee Xeebaha’ oo Soomaaliya lahaanshadeeda sheeganayso iyo diidmada Somal iland, bal uu caddeeyo mowqifka Ingiriisku ka taagan tahay arrinkaa, ayaa ku jawaabay; “Ingiriis ku waxay fududeeyeen wada-hadallada ku dhex-maray Somaliland iyo Soomaaliya June, sannadkii hore xarunta Chevening, waxaan sidoo kale taageernay sii waditaanka wadahadalladaa oo dhowa an ku qabsoomay Ankara (Turkiga), 13 April. Waxaan rumaysanahay in wadahadalladaa labad a dhinac-ba dano ugu jiraan, sida Ganacsiga, Ammaanka iyo ka faa’iidayaan labadu-ba. Wada-xaaj oodka ‘Aagga dhaqaale ee Xeebaha’ weli heer bilow ah ayey marayaan. Laakiin, waa mid tusaale u ah qodobbada in xal waara laga gaadho.”
 

 

 


Timacad News Desk
Addis Ababa,Ethiopia