Dawladda
Faransiiska oo ogolaatay in Calanka Somaliland ka dul babado
caasimadda Paris

Dawladda Faransiiska oo xilligan
haysa jagada gudoomiyanimada European Unionka, kana mid ah quwadaha
waaweyn ee adduunka ayaa ogolaatay in calanka Somaliland laga dul
taago dhismaha gaarka ah ee xafiiska Somaliland ku leedahay
caasimadda dalka faransiiska ee Paris.
Ogolaanshahan calanka Somaliland waxay ka mid tahay midhaha iyo
faa'iidooyinka ka soo baxay booqashadii Madaxwynaha JSL mudane
Daahir Rayaale Kaahin iyo Wafdigii uu hogaaminayey ay dhawaanta ku
soo mareen dalalka Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska.
Faa'iidooyinka kale ee Madaxweynaha iyo wafdigii uu hogaaminayey ay
ka soo hooyeen booqashadoodii dalka faransiiska waxaa ka mid ah
waxaa ka mid ah:
Dawaladda Faransiisku oo balan qaaday inay dawladda iyo shacbiga
Somaliland u fidinayso taageero dhaqaale, mid farsamo iyo mid
cilmiyeed inta ka horaysa maalinta la siinayo Ictiraaf buuxa.Ta
labaad dawladda Faransiisku waxay aqbashay inay dadka Somaliland la
raadiso xuquuqdooda kuna dadaali doonto in qaddiyadda Somaliland ay
ka dhaadhiciso waddamada European ka ah iyo Saaxibadeeda kale ee
dunida ee wali war ku seegan yahay waxa ay Somaliland qabsatay gaar
ahaan kuwa Afrikaanka ah.
Waa ta saddexaade, dawladda
Faransiisku waxay ka shaqayn doontaa in Somaliland cod ku yeelato,
taladeedana laga dhegaysto goloyaasha caalamiga ah iyo kuwa heer
gobolba.
Waa ta afraade, dawladda Faransiiska iyo Dawladda Somaliland waxay
iska kaashan doonaan kana wada hawl gali doonaan la dagaalanka
budhcad badeedka, ilaalinta nabad galyada iyo danaha labada shacbi
ee Faransiiska iyo Somaliland.
Arrimahan muhiimka ah ee kor ku
xusan iyo qaar kaleba waxay dawladda Faransiisku go'aansatay ka dib
markii ay si buuxda ugu qanacday qaranimada iyo horumarka Somalilnd
ku talaabsatay gaar ahaan dhinacayada nabad galyada, doorashooyinka
iyo dhowriska xuquuqal Iinsaanka. Madaxweynaha JSL mudane Daahir
Rayaale Kaahin ayaa hore qoraal codsi Aqoonsiga Somaliland ku
saabsan ugu soo gudbiyey Madaxweynaha Faransiiska maalmihii ay
socotay tartanka doorashada Madaxweynimada dalka Faransiisku.
Xidhiidhka labada dal ee Faransiiska iyo Somaliland ayaa marba marka
ka dambaysa sii hagaagayey haatanna gaadhay heer Aqoonsi ku
dhow.Dhinaca kale waxa dawladda Faransiisku ay quus ka taagan tahay
kuna qasaartay caawimaaddii ay siin jirtay dawaladda Soomaaliya iyo
Maamul gobaleedka Puntland oo abaal celintoodii noqotay inay dadkii
caawinayey oo Faransiisku ka mid yahay ay u gaystaan falal
argagixiso ah sidal Afduubis iyo falal budhcad badeednimo xad dhaaf
ah oo ay wax yeello ugu gaysanayaan dadyowga Ajanabiga ah iyo
gaadiidka ay la socdaan gaar ahaan Doonyaha iyo
Maraakiibta.Warbixinno dawladda Faransiisku ka diyaarisay dabagal
iyo baadhitaano cilmiyeysan oo ku saabsan dadka nooca ku lug leh,
dabeecadaha iyo habdhaqanka dambiilyaasha ka qayb qaata falalka
budhcad badeednimada ayaa muujinaya inay jirto silsilad taxan ilaa
masuuliyiinta sare ee Somaliya gaar ahaan madaxda gobalka Puntland
oo imika loo bixiyey "Pirates Land". Xukuumadda Somaliland ayaa
iyadu in muddo ahba ku doodaysay in Madaxweynayaasha u kala
dambeeyey xukunka Majeerteeniya ee kala Cabdilaahi Yuusuf iyo Cadde
Muuse ay in badan caalamka caawimaad hub iyo lacag badan kagaga
urursanayeen mashruuc been abuur ah oo ay caalamka ku majaro
habaabinayeen kaas oo ay odhan jireen waxaanu la dagaalamaynaa
Argixiso iyo Budhcad badeed.Waxaa jira warar kale oo xogogaal ah oo
sheegaya in budhcad badeedku fasax iyo ogolaansho ka haysato
masuuliyiinta ugu sarraysa ee Soomaaliya. Cadde Muuse laftiisa ayaa
Idaacadaha dhawaan ka qirtay in budhcad badeedku fooqaq iyo meherado
caan ah ku leeyihiin magaalooyinkooda waaweyn sida Boosaaso.
Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadiisa ayaa iyaguna booqasho iyo wada
tashi ugu taga budhcadda Maraakiibta ku haysata xeebaha Eyl.
Caddaymaha kale ee la xaqiijinayo waxaa ka mid ah qaar ku saabsan
xidhiidhka ka dhaxeeya Cabdillahi Yuusuf iyo budhcad badeedka lagu
hayo ee ku xidhan Faransiiska kuwaas oo Cabdillahi Yuusuf dalbaday
markii uu booqashada ku yimi Faransiiska in gacanta loo soo galiyo
isaga.Arrintaas oo dawladda Faransiiskuna ku gacan saydhay. Golaha
Amaanka ee QM ayaa dawladda Faransiiska u xilsaartay Amaanka
Badahaas, ka hortagga iyo la dagaalanka budhcad badeedka Soomaaliya.
Waqti yar ka hor ayaa booqashadii Madaxweynaha JSL ku tagay
Faransiiska ayaa ciidamadda Faransiisku waxay fuliyeen hawgal kale
oo ay ku soo furteen Muwaadiniin Faransiis oo budhcaddu Afduubeen.
Iskaashigan cusub ee Faransiiska iyo Somaliland waxay daawo u tahay
cudurka budhcad badeedka ee faraha baas ku haya "pirates Land"
waxaanu Somaliland u soo kordhinayaa magac iyo maamuus waana taalobo
kale oo muhiim ah dhinacii baadi goobka aqoonsiga caalamiga ah ee
JSL.
Axmed Naasir Xirsii
Gudoomiyaha UDUB UK
Ahmedlibaah@hotmail.com
|