Dawladda Denmark oo ka Digtay in Horumarka Somaliland Burburi Karo Haddii Aanay Beesha Caalamku Taageerin
 

 



Wasaaradda Arrimaha Dibedda Denmark oo caddaysay inay noqonayaan dalka ugu horreeyey waddamada reer galbeedka ee xafiis ka furta Somaliland


“Waxaannu aragnay horumar dhinaca fiican loo qaaday oo ka muuqda Somaliland. Waxa kaloo aannu arkaynaa in horumarkaasi burburi karo oo aannu cago adag ku taagnayn”


“Xafiiska aannu Somaliland ka furanayno oo yeelan doona shaqaale joogta ah iyo laba khabiir oo la-taliyeyaal ah, waxaannu ka shaqayn doonaa..”Wasiirka Horumarinta Denmark Md. Christi an Friis Bach

Copenhagen (TNN)- Dawladda Denmark oo ka mid ah dalalka ku yaal qaaradda Yurub, ayaa ka digtay in horumarka muuqda ee Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsatay uu burburi karo had dii aanay beesha caalamku si dhaqso ah taageero ugu fidin.

Sidaa waxa ku dhawaaqay Wasiirka Horumarinta Denmark Md. Christian Friis Bach, isagoo ku b aaqay inay waajib tahay in beesha caalamku taageero u fidiso horumarka dhinaca fiican loo qaa day ee Somaliland, waxaannu tilmaamay in horumarka ka hana-qaaaday Somaliland ay ku lamm aan yihiin faqiirnimo la soo dariistay inta badan bulshada.

“Waxaannu aragnay horumar dhinaca fiican loo qaaday oo ka muuqda Somaliland. Waxa kaloo aannu arkaynaa in horumarkaasi burburi karo oo aannu cago adag ku taagnayn, taasina waa sababta waajibka ka dhigaysa in beesha caalamku taageero degdeg ah u fidiso Somaliland si horumarka jiraa u hana-qaado,” ayuu yidhi Wasiir Christian Friis Bach oo qoraal uu toddobaadk an soo saaray lagu baahiyey wakaaladda wararka dalka Shiinaha ee Xinhua.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Denmark, ayaa iyaduna caddaysay inay xafiis fuliya barnaam ijyada horumarineed ee dalkoodu ka wado Somaliland ka furanayaan caasimadda Hargeysa, kaa soo noqonaya kii u horreeyey ee waddamada reer galbeedku ka furtaan Somaliland.

Waxa kaloo uu Wasiirka Horumarinta ee Denmarka faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha uu qaban doono xafiiska dawladdiisu ka furanayso Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu yidhi; “Xafiiska aannu Somaliland ka furanayno oo yeelan doona shaqaale joogta ah iyo laba khabiir oo la-taliy eyaal ah waxa uu ka shaqayn doonaa arrimaha ammaanka, caafimaadka iyo dedaalka lagu kob cinayo waxbarashada, annagoo la kaashan doona dawladaha hoose ee la doortay.”

Mr. Christian Friis Bach waxa uu intaa ku daray inay labanlaabi doonaan gargaarka dhinaca hor umarka la xidhiidha ee Somaliland la siiyo, taasoo uu xusay in la gaadhsiin doono adduun dhan $35.4 milyan oo dollar, isaga oo tilmaamay in deganaanshaha Somaliland tusaale fiican oo lagu daydo u noqonayo Soomaaliya iyo guud ahaanba dalalka ku yaal Geeska Afrika, isla markaana gacan ka geysan karta wax-ka-qabashada budhcad-badeedda, argagixisada iyo qulqulka qax ootiga.

Wasiirka Horumarinta ee Denmark Md. Christian Friis Bach, waxa uu laba toddobaad ka hor boo qasho ku yimi dalka Somaliland, isagoo kulamo la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo iyo masuuliy iinta kalee qaranka, kuwaasoo ay wadahadleen arrimo la xidhiidha sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Denmark.

source;Jam