Dawlada mudane 'madaxweyne A.M.M '' siilaanyo'' waxan lee yahay, Balay-gii (dam) Noord-korea oo kale ayaa la idinka fadhiyaa!!

 

Somaliland oo run ahaantii ilaahay ku galaday dad ciroolahiisa iyo caano-dhankiisuba yahay ku filkiisa iyo faciiisaba la tartami kara oo weliba, mar iyo laba iyo sedexba muujiyay inay  hormo od ku noqon karaan oo hogaanka qaban karaan dhinacyo badan oo ay ka mid yihiim siyaasada, dhaqaalaha iyo bulshada ayaa maanta ilaahay madax idiinka dhigay ee waxa aan idiinka  fadhi naa inad heshaan tabtii iyo xeeladii aad boodhka kaga tumi lahaydeen, kartida iyo aqoonta iyo hilowga bulshada reer Somaliland si aad awoodaa ilaahay siiyay dadkeena u adeegsataan oo aad dalkeena ugu horemarisaan.

" Maciinso waa awoode oo adeegso oo dib u raac sooyaalkan cad ee maraga u ah tayada  buls hadeena Allah ku galaday ee aan inta kooban hoosta ku qoray ".

- Dhanka siyaasada: Fac-weynida garaadka siyaasiga ah ee reer Somaliland hadaan soo  qaa dano 50-kii gu ee u danbeeyay oo qudha waxa tusaale kuugu filan, waa dadkii keenay  midow gii waxii la isku odhan jiray jamhuuriyada Soomaaliyeed, ee weliba u ham iyo digta lahaa inay sedxda kale ee maqana soo xero-galiyaan oo shanta qaybood ee dadka af-soomaaliga ku  had laa ku nool yihiin ee geeska-Afrika ku yaalaa isku yimaadaan!

Waa dadkii hankoodu ka durugsanaa darajo iyo kursi lagu gorgortamo ee aan waxba ku xidhin midowgii ay Somaliland la midoowday koonfurta 1960-kii. Waa dadkii markii ay arkeen in ay  M aandeeq xero-weydaaratay oo ay dhacantay gacantana u gashay nin aan u lexejeclo qabin guntiga dhiisha isaga dhigay inay mar-labaad gacantooda soo gasho ee wax walba u huray ka midho dhalinteeda arintaasi, markii danbena geesi Ilaahay ma xilo ee toodii rumooday!

Waa dadkii markii dawladii jamhuuriyadii Soomaaliyeed burburtay ee koonfuri keligeed iyaga  o on haba yaraatee wax tix-gali ah siinin dadka reer Somaliland dawlad soo dhistay 1991-kli  (w aa dawladii Cali-mahdiye), isku yimid ee dantooda ka faaliyay halka ay ku jirto ee iyaga oo u dhan gabi ahaanba bulshooyinka ku dhaqan Somaliland, ku dhawaaqay la soo noqoshadii  jamh uuriyadoodii Somaliland ee ay 1960-kii koonfurta kula midoobeen.

Waa dadka mudoda kooban ee ka yar 20-ka gu ahaa dawlad aan la aqoonsan oo aan gargaar badan ka helin dibada ee weliba iyaga oo hagar daamayn badani ku socoto hadana, ku mitiday inay qaarada Afrika ka noqdaan bogcad ka iftiinta taasoo ay maanta ka suurta gashay inay  d oorasho xalaal ahi ka dhacdo si milgo lehna xilka loola kala wareego! Oo cawodiina weliba aad idinku maanta u heshiin inad noqotaan kuwa loo doortay inay hogaamiyaan dadka kraamaysan ee reer Somaliland.

- Dhanka dhaqaalaha: Tan iyo inta xasuustu ina siiso waxa ay dadka reer Somaliland ahaayeen dad door wayn ka ciyaara hore-u-marka dhaqaalaha ee gabi ahaanba Geeska-Afrika ama  Afr ikada bariba, waxa weliba ay xoog wayn ku leeyihiin dhanka ganacsiga. Waxa tusaale kuugu filan xidhiidhka ganacsi iyo dhaqaale ee guunka ah ee dadkeenu ay leeyihiin/lahaayeen dalalka Somaliland ku gadaaman ee aynu ologa nahay sida Itoobiya, Kiiniya, Djibuutit, Taansaaniya, Ugaandha iwm, oo dadka reer Somaliland meel sare kaga jiraan maal-layda iyo mood-layda gayiyadaasi.

Waxa ay dadka reer Somaliland ka mid ahaayeen 50-kii gu ee u danbeeyay dadka ugu hantida badan ee ku dhaqan geeska Afrika, Tusaale, Itoobiya waxa awood culus oo dhaqaale ku leh  d ad ka soo jeeda isir ahaan Somaliland kuwaasoo shirkado waawayn ka yagleelay dalkaasi. Djibuuti waxa aan cadad iyo xisaab lahayn dhaqaalaha ay dadka reer Somaliland ku leeyihiin ee jaad kastaba leh! Kiiniya, Ugaandha, Taansaaniya iyagana lama malayn karo sida ay dadka reer Somaliland ugu xididaysteen iyo hantiyaha ay ku leeyihiin ee guurtada iyo ma guurtadaba leh.

Jamhuuriyadii burburtay meel iyo maqaam sare ayay ka joogeen dadka reer Somaliland marka laga eego dhanka dhaqaalaha oo waxay ka mid ahaayeen hagayaasha, markii ay dawladaasi meesha ka baxdayna dadka reer Somaliland waxay buuxiyeen kaalmo badan oo banaanaaday oo ay sidii lagu yaqaanay iyagu horseed u noqdeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin tusaale ahaan, gaadiidka cirka sida shirkada Daallo-airline, shirkada dirista lacahaga ee Dahab-shiil iwm. Taasi waxay iyaduna muujinaysaa Xubinta dheeriga ah ee ilaaahay siiyay dadka reer Somaliland ee ay isirka u leeyihiin!

- Dhanka Bulshada : Wax wada qab waa aad! waa murti ay dadka reer Somaliland aad u  adee gsadaan oo laga dhadhansan karayo sida ay dadka reer Somaliland iskugu tolan yihiin. Isku gargaarista, taakulaynta, tukubsiga iyo hiilka arineed, aduun iyo adimeedba lehi waxa uu  sum ad u yahay ma-guurto ah dadka reer Somaliland oo lagu majeertaan lagana martiyaa oo loo  d aba fadhiistaa!

Dadka afka-soomaaliga ku hadla iyo cid kasta oo kale oo dadka reer Somaliland la wadaagtaa jabad, jid iyo jidiin waxay u qirsan yihiin in arimo badan oo lagu baadi-sooco bulshooyinka  ho re-u-maray ee ku dhaqan aduunka ay dadka reer Somaliland ku galadan yihiin, waxa ka mid ah taasi '' quudhista''! Quudhis waa eray xanbaarsan oo soo ururinaya wax kasta oo la isku  ogol aado, la isa siiyo, la isu hibeeyo, la isku dhaafo, la isku saamaxo, la isku sheego iwm.

Waxaynu caano ku nahay wada tashi, wax is tusaaleen iyo isku tanaasul kuwaas  dhamaanto od hadaad u fiirsato aad ka wada dhex helayso erayga aan dusha ku soo sheegay ee ah  ''quu dhis''! Inta cidi cid kale wax u quudhaysana ha ahaato arin ama aduune waxa inoo cad oo  ayn aan cidna marti uga noqonayn ee aynu ognahay inaan la jabayn ee dhib kasta la xalin karo, oo laga guulaysan karo oo waata la yidhaa '' Nin aan tol lahayn baa Tagooga ka jaba '' Taasoo  lo oga jeedo in wax isku quudhista/is taageerista iyo tolfiiqdu nolosha qofka kabmo iyo lagama-maarmaan u tahay!

* Isku soo duuboo waxa ay dadka reer Somaliland yihiin dad qayrkood meel la mari kara oo  aa n ka hadhayn hadii ay helaan hogaan leh hilaadin iyo hirasho fog oo waxa hubaal ah, inay  dad ka reer Somaliland filkooda dabada isku dhufan doonaan. Hadaba maxaa laga rabaa dawlada hada xukunka la wareegtay ee mudane madaxweyne Axmed Maxamad Maxamuud '' Siilaanyo'' madaxda u yahay"? Jawaabta su' aashani waxay ku soohan tahay sheekadan yar een hoosta ku qoray ee akhristoow si degan u dhuux oo kala soo dhex bax.

- Dalka Waqooyiga-kuuriya la yidhaa ayaa sanadihii ka danbeeyay dagaalkii ay la gashay  Koo nfurta waxa la dhisay balayo waawayn (dams) oo loogu talo galay in biyahooda beeraha laga waraabiyo. Mid ka mid ah balayadaa oo ku yaalay meel degmo ah ayaa roob badan oo ku da' ay halkaasi faruuray oo dilaaciyay oo dabadeedna baabiiyay gabiyadii ciida ahaa ee biyaha celinayay! Ma lahayn xiligaa dawlada dalkaasi awood badan oo dhaqaale iyo farsamo leh oo ay hadana mar labaad mid kale ugu dhisto oo kolkii horaa dirqi lagu helay balayga qodistiisa.

Dadkii degmadaa ku nool ayaa dhibtii dareemay balaygu marka hore ka bishlay. Maalin  maalm aha ka mid aha ayaa nin u gudoomiye ahaa dadkii iskugu yeedhay dabadeedna waxa uu  wayd iiyay in cidii xirfad u leh dhisida ama qodista balayadu ay soo baxaan oo dadka hortiisa isa soo taagaan, waxa soo baxay dhawr nin oo Injineero ahaa iyo dhawr kale oo iyaguna qalabka lagu shaqeeyo yaqaanay, waxa dabadeedna uu ku yidhi ninkii Gudoomiyaha ahaa nimankii meesha isa soo tubay: ''Hadii aanu nahay dadkii degmadan waxa aanu idinka doonaynaa inad balaygii dib u hagaajisaan oo weliba si dhakhso ah aad u dhamaysaan waana uu ka dhaqaaqay'', mark aasay nimankii qayliyeen oo yidhaahdeen maxaanu ku dhisnaa waxba ma haynee? ninkii  gudo omiyaha ahaa ayaa hadal murti-i ku duugan tahay ugu jawaabay isaga oo sii socda oon dib u soo eegin, waxa uu yidhi hadana: '' Hadii la hayo qalab ama wax dhaamka lagu dhiso cid  kast aa dhisi lahayd ee idinka waxan idiinka u yeedhay inad samaysaan balayga idinka oon waxba hayn''!

Waxan maqaalkan ku soo af-meerayaa, hadal waayeel waa duur-xule, dalka oo dhan kasta hore uga maray ayaan dawlada mudane madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud '' Siilaanyo '' ka rabnaa 5-gu oo kali ah dabadood ....... La soco oo hada sidaa weliba cawodiina waayaha dalka Somaliland dhexdiisa yaalaa waa ka duwan yahay waxyaabo badan degmadii Waqooyiga Kuuriya ee aan iyada waxbaba ooline!

(Somaliland ha jirto oo ha joogto weligeed).
 

 

 

Cali Cumar Xasan