Dawlada
JSomaliland oo Safiir Cusub U Magac owdey Dalka NewZealand , Mudaane
CABDI XASAN FAARAX BUUNI
Waxaa dhawaan wasaarada arimaha
dibada ee S/land u magacowdey Mu dane: Cabdi xassan Faarax Buuni.
inuu noqdo wakiilka u fadhiya j S/land dalka Newzealand
Cabdi xassan faarax ayaa waxaa uu horey u ahaa gudoomiyaha qurba
joo ga reer s/land ee dalka newzealand,
Sidoo kale cabdi xassan ayaa ah nin ka soo jeeda beelaha Gabooye ee
inta badan qollooyinka reer galbeedku u yaqiinaan Somali Minority
Society
Tallaabadan ayaa waxaa ay noqoneysaa mid inta badan u soo jiida
s/land indha caalamka
Waxaa haddaba u suuro gashay shabakada wararka ee gabooyenews iney
wareysi la yeelato mudan: cabdi xassan faarax buuni .oo ah wakiilka
cusub ee dalka newzealand u fadhiya jS/land
S:Waxaanan ugu horeynba waydiiney sida uu u arko arintan iyo dareenk
iisa?
j:walal waxaan u arkaa xilkan la ii doortey ee safiirka u fadhiya
dalka new zealand waa waa cusub oo u baryey jsomaliland oo
cadaalad & sinaan dimuqraadiyad ah ku talaabsatey jsomaliland taasna
waxaan ku cadeynaya anigoo ahaa .gudoomiyaha qurba joogta reer
soamliland ee dalka newzealand kan soo jeeda muwaadiniinta beesha
gabooye ee reer somaliland hadana xilkan safiirnimada ee dowlad
jsomalilnd ii dooratey iney tahey mid hab hanaanka dimuqraadiyad
dhab ahi ka hana qadey jsomaliland,
J:Waa midaan ku faraxsanahey xilkan la ii igmadey ee ay ii igmadeen
dowladeyda jsomaliland & madaxdeyda ,waa xil culus oo ah inaan
dowlad & dad & dal dhan inaan u matalo oo an u noqdo safiirka u
jooga dalka newszealand, waxaanan balan qaadayaa inaan xilkaas
intaas leeg ee leygu aaminey inaan u guto si karti & xilkasnimo leeh
oo daacad u noqdo dowladeyda & calankeyga
jsomaliland,ALLAH,SW,waxaan ka rajeynaya inuu ii dhib yareeyo xilkas
noqdana kii guta xilkiisa.aamiinnnnn.
S;su aal kale oo laga weydiiyey xilkan cusub ee safiirka loo doortey
& dareenka beesha gabooye sidey u arkaan ?
j:run ahaantii waa midey kuwada faraxsanyihin dhamaan hogaan
dhaqmeedka & muwaadiniinta beesha gabooye dalka & dibadaba ,waana
midey iigu wada hambalyeyeen dhamaantood ,waxaanan oraankaraa
dareenkooda waa mid hadheeyey in is badal weyni iska badaley
dareenkoda una wada arkaan iney yihiin muwaadinin dhab ah oo xaq &
xaquuqba kuleeh jsld,cid u diidi kartaana aaney jiriin wixii ay xaq
ugu lehyihiina maamulka dowladoda jsld .
hadaba si kastaba ha ahaatee ariintan xilka cusub ee loo doortey .safiirka
mudane cabdi xasan faarax buuni.ee dalka newzealand ,ayaa ah mid si
weyn u hadheysy dareenada muwaadiniinta beesha gabooye dal & dibadba
,sideynu wada ogsoonaheyna muwadininta beesha gabooye ee reer
somaliland ayaa markastaba ka cawda maamulka jsld ,cabashooyiinkodana
ku muujiya xaqa maamulka & cadaalad darni ay kaga cawdaan inaaney
marnaba si xaqa uga dhex muuqan maamulka & madaxda jlsd,balse hada
aad yara moodaa iney hididiilo & kalsooniba galisey xilkan cusub ee
loo magacaabey muwaadiin ka soo jeeda beeshooda gabooye mid iftiin &
ileysba leeh & talaabo horumar leeh oo ay ku talaabsatey
jsomaliland.inkasta oo ay aamin sanyihiin inay wali ka maqanyihiin
ka dhex muuqashada maamulka .
By:Barkhad Jaamac Hirsi .
xafiiska(gabooyenews.com)hargeysa jsld.
Email:midgaanyare@hotmail.com
hargeysa jsld.
Qoraaga: Tafatiraha(gabooyenews)MRGABOYE.
|