Dawlada Faransisiiska oo qorshaynaysa sidii ay ciimado Milateri ugu diri lahayd Dalka Somaliya




 


Muqdisho (Longlivesomaliland News) -Dalka Faransiiska ayaa la sheegay in uu mar kale ciidamo u diro wadanka qalalaasuhu ay ka taagan yihiin ee  So maliya.sidaana waxa caddeeyay wasiirka Arimaha Dibada faransiiska oo lagu magacaabo Bernard Kouchner. Waxa uu wasiirku sheegay in uu mar kale u soo diri doono la taliyaayaal dhanka milateriga ah gudaha somaliya gaar ahaan Dawlada ku meel gaadhka ah.

Wasiirku isaga oo ku sugan magaalada Paris ee xarunta waddanka  Farans iiska ayuu war-fidiyeenada in ayna marnaba joojin doonin taageerada ay siinaayan DKM ah,isla markaana ay Saraakil Milateri u diri doonaan gudaha Wadanka Soomaaliya, si ay ciidamada dawlada uga caawiyaan dhinaca tababarada. Waxaanu intaasi ku sii daray in ayna marnaba u xayiri doonin taageerada ay siiyaan Dawlada ku meel gaadhka ah ee somaliya  muwaad iniinta lagaga haysto gudaha wadanka somaliya. Kooxaha islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda dawlada somaliya ayaa imika haysta sarkaal oo bishii aynu soo dhaafnay ka afduubteen magaalada Muqdisho,halka ninki kala lala afduubtay u arbacadi la soo dhaafay ka baxsaday kooxihi heystay isla markaana dib ugu laabtay wadanka Faransiiska.


Wasiirkau mar uu ka hadlayay xaalada ninka kale ee ay haystaan Kooxaha Islaamiyinta oo u dhashay Wadanka Faransiiska ayaa sheegay in u  rajayn aayo in sii shuruud la’aan loo soo sii daayo ninkaas.




longlivesomaliland News Desk