WARSAXAAFADEED

 

 

 

Taariikh:1 February 2012



Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Iskaashiga iyoHorumarinta ee dalka Denmark Christian Friis Bach oo dalka booqasho ku yimi.

Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta ee dalka Denmark Christian Friis Bach ayaa sheegay in So maliland ay ku ammaanan tahay deganaanshaha iyo xasiloonida ay samaysay, isla markaana uu muuqdo doorka ay ka qaadan karto arrimaha Geeska Afrika, dawladdiisuna ay diyaar u tahay inay sii xoojiso kaalmada ay siiso Somaliland, si taasi wax uga tarto nolosha aadamaha,gaar aha ana dhinacyada arrimaha bulshada, Wasiirku waxa uu ku dheeraaday heerkaay Somaliland ka g aadhay horumarinta iyo dimuqraadiyada iyo ammaanka, xilli ay Somaliland ku dhex taallo manda qad halisi ku xeeran tahay, taasoo uu sheegayinay caalamad u tahay inay sii xoojiyo waxtarka ay u gaystaan dalkan.

Mr. Christian Friis Bach ayaa sheegay in dawladdiisu Denmark ay hadda xafiis farsamo ka furana yso Somaliland, Madaweynahana ay ka wada hadleen sidii loo sii wadi lahaa maamul wanaaga iy o hagaajinta nolosha bulshada.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa tilmaamay inay So maliland ahaan ku faraxsan yihiin booqashad aweftiga reer Denmark, isagoo xusay Denmark in ay ka mid tahay wadamada Somaliland ka taageera dhinacyada arrimaha bulshada.

 Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu sheegay in Denmark ay tahay dal ay Somaliland sa axiib yihiin, kaalin wayna uguj irta, isla markaana waxyaabihii ay weftiga ka wad hadleen ay u b adnaayeen sii xoojinta xidhiidhka labada dhinac.
 


Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland

Cabdillahi Maxamed Daahir (Cukuse)