David Cameron oo noqday Raiisul Wasaare

 


London (TNN)-Hogaamiyaha xisbiga Conservative ee Britain, David Cameron, ayaa noqday Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Britain, kadib markii uu is casilay Gordon Brown.

Boqoradda ayaa u magacawday xilka, wuxuuna sheegay in uu ka aqbalay in uu soo dhiso dowladda Britain ay yeelan doonto.

David Cameron, waxaa uu la wareegay xafiiska NO 10 ee looga taliyo dalka Britain
Xisbigiisa ayaa codadka ugu badan ka helay doorashada balse ku guuldaraystay in uu aqlabiyad ku guulaysto.

Waxaa uu wadahadal u socday xisbiga kale ee Liberal Democrats si ay isbahaysi u samaystaan.

Waxaa uu ra'iisul wasaaraha cusub sheegay in isbahaysi buuxa uu la samaysan doono xisbiga Liberal Democrats.

Ra'iisul wasaarihi hore, ayaa goor dhowayd xilka degay uguna baaqay boqoradda in ay magacawdo David Cameron.

Boqoradda Britain, ayaa David Cameron u magacawday ra'iisul wasaaraha cusub ee Britain kadib markii uu booqday qasriga madaxtooyada Britain.

 

Source:BBC