DASTUURKII IYO SHARCIGII DALKA OO LA BAAL MARAY IYO SHAC ABK A OO DULQAADKII BADNAA KA SOO YARAANAYO
 


Marka hore waxaan halkan salaam uga dirayaa dhamaan ummada Somaliland. Salaan kadib waxa qof kasta oo muwaadin ahi ku taamaa oo halgan ugu jiraa sidii Somaliland u noqon lah ayd dal jira oo nidaam iyo dastuur leh. Sidii ictiraaf buuxa aan u gaadhi lahayn. Waxa wax a ad looga naxo ah in wadankii koox yar oo aan ka naxayn wada qalad ah marsiiyaan. Madaxwaynihii wadankan loo doortayna noqdo mid aan hadal ka soo baxayn. Waxaa shacab ka shiki wayni kaga jiraa in madaxwaynuhu ogyahay ama isaga ka soo fulayaan goaanada iy o qorshayaashan dalka jarka ka tuuraya ee sharcigii iyo dastuurkii dalka dibada ka ah. Xukuumadu waxay u taagan tahay inay fuliso oo ay ilaaliso shuruucda iyo dastuurka dalk a.H adii sifahaa laga waayo xukuumadu maaha mid dadka matasha , maaha mid ummada u adee gaysa, waxay noqonaysaa koox qowlaysato ah oo danaystayaal ah waxayna ku dambeeya an meel xun sida kuwo hore oo wadaa maray ku dambeeyeen sidii Afwayne, sadaam iyo qa ar kaloo badan. Ilaalinta iyo ku dhaqanka dastuurku wuxuu kaa badbaadiyaa burbur iyo dhib aato aad dadkaaga iyo dalkaaga u soo hooyso. Hadii maanta madaxwayne siiraanyo ku dhaq aaqo wareejinta haamaha oo golaha baarlamaanku laalay waxay macnaheedu noqonaysaa anigaa wax kastaa iga goaan sidii afwayne sharci kalena ma jiro ee waxaan anigu idhaahdo ayaa sharci ah. Hadaad ka fiirsan waydo oo aad sharciga ku soo noqon waydo wadadii rag badan oo hore halaaga kala kulmeen ayaad mari doontaa. Waxaanad ku danbayn doontaa meel xun iyo hoog. Adiga ayey madaxwayne kuu taalaa inaad kala doorato inaad wadadii rag hore ku gubteen inaad marto iyo inaad wadanka sharciga iyo dastuurka ku soo dabaasho oo hantida ummada aad ilaaliso. Dadkii dalka kuu dhiibtay way ku dhawrayaan dulqaadkiina wuu ka soo yaraanayaa ee la soco. Hadaan nahay xisbiga waddani mar kasta waxaan garab taa ganahay waxa muwaadiniinta Somaliland rabaan, ilaalinta hantida ummada iyo ku dhaqanka Dastuurka Somaliland.

 

 


WABILAAHI TAWFIIQ
Mahdi Jama Roble
Gudoomiye ku xigeenka 3aad UK