Dastuurka Iyo
Shuruucda Waddanka u Taalla In Dhex dhexaadin iyo Ladqabo Laga Galo
Qaran Ma Lagu Noqon Karaa
?

Waxa beryahanba dood aad u kululi
ka taagnayd dhexdhexaadinta khila afka siyaasadeed ee u dhexeeya
xisbiga talada waddanka haya ee UDUB iyo xisbiyada mucaaradka ah.
Xisbiga UDUB wuxuu u badheedhay oo uu caado ka dhigtay inuu ku tunto
sharciga waddanka u yaalla iyo dastuurka, mucaaradkuna waxay u
muuqata inay iyaguna immika diyaar u yihiin inay dastuurka la
jebiyaan UDUB haddii Daahir Riyaale
doorashada qabanayo oo ballankiisa fulinayo. Illaa immikase ma
muuqato sida uu Daahir Riyaale u
fulinayo ballan qaadkiisa haddii uu xataa aqbalo qodobada guddiga
dhex dhexaadinta khilaafka siyaasadeed soo saareen. Horena umuu
fulin ballan u qaaday, immikana sabab uu u fuliyaa ma jirto isagoo
dadweynuhu ku gadoodaan mooyaane.
Haddaba, waxaan jeclahay inaan qoraalkan ku lafo guro dhawr qodob oo
la xidhiidha is-tabcaynta mucaaradku isku sameeyey, gaar ahaan
KULMI YE, iyo sida aynaan qaran u noqon karin haddii dastuurka iyo
sharciga waddanka u yaalla ee lagu kala bixi lahaa dhexhdhexaadin
iyo ladqabo laga gelo mar Alle marka ay xaalad khilaaf siyaasadeed
ah oo weliba ula-kac loo sameeyey ay soo if-baxdo.
1-
Muddo-kordhinta:
1.1- In muddo-kordhinta Golaha Guurtidu siiyey Madaxweynaha iyo
ku-xigeenkiisa ee ku eg 29/10/2009 ay tahay mid lagu dhaqmayo.
Marka ugu horreysa waxa is-weydiin mudan in ay dastuurka ku salaysan
tahay sababaynta muddo kordhinta ee Golaha Guurtidu sameeyeen? Waxa
cad oo aan shaki lahayn in muddo kordhintan la sameeyey ay tahay mid
sharci darro ah oo aan dastuurka waafaqsanayn. Dastuurka qodokiisa
83aad, farqadda 5aad waxay sheegaysaa, “Haddii ay suurtoobi weydo
duruufo la xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada
Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu
dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u
kordhiyaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo
tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo; doorashaduna ku
qabsoomi karto”.
Waxa cad oo aan innaba cad
saarayn in aan duruufo la xidhiidha nabadgelyo darro awgeed oo
kalifay in doorashada la qaban waayo aanay jirin haba yaraatee
laakiinse ay jirto fashilaad ay dawladda oo ku maran Komishanka
Doorashooyinka Qaranka ay ku fashilmeen waajibaadkoodii, sidaa
awgeedna halkii lala xisaabtami lahaa dawladda loogu abaal guday
muddo kordhin.
KULMIYE markii ugu horreysay ee ay warsaxaafadeedka ka soo saareen
in aanay madaxweynaha u aqoonsanayn mid sharci ah, ma waxay sidaa u
lahaayeen inay Daahir Riyaale ku
jiqsiiyaan mise waxay si niyad ah u rumaysnaayeen markay eegeen
sifaha iyo sababaynta muddo kordhinta loo sameeyey inay tahay mid
baal-marsan dastuurka. Waxaan filayaa inay niyad u rumeysnaayeen in
uu sharci darro ahaa go’aankii guurtidu gaadhay.
Sidaa awgeed haddii uu KULMIYE haatan aqbalay qodobadan waxay sharci
gareeyeen in muddo-kordhin markeedii horeba sharci darro ahayd loo
xalaaleeyo Daahir Riyaale taasina waxay
KULMIYE ka bixinaysa aragti qaldan oo ah inaanay mawqif iyo mabda’
loogu soo hagaago toona aanay lahayn. Waxa kale oo ay arrintani aad
u wiiqaysaa mawqifkii KULMIYE taagnaa ee dunida meel walba ka dhacay
ee ahaa “Uma aqoonsanin Daahir Riyaale
inuu madaxweyne sharci ah yahay laga bilaabo 6da April 2009” ee
dhaliyey inay mudaharaado waddanka oo dhan ka dhigaan oo micnaheedu
ahaa dastuurka waddanka waa lagu gefay.
Ummaddii isu soo wada baxday waddanka ee gilgishay dawladda iyo
taageeraayaashii Qurba-jooga ee xisbiga mawqifkaas la wada qaatay
maxaa immika loo sheegi karaa ama lagu qancin karaa? Madaxda KULMIYE
ma ka war hayaan dareenka taageerayaashooda iyo halka ay ka taagan
yihiin aragtida ku wajahan mawqifkan xisbiga ee kolba is-beddalaya?
Dastuurka dhexdhexaadin ma laga geli karaa? Haddiise la jiifiyaana
bannaan lagaga dhigo, qaran sharci iyo dastuur kala hago ma
noqonaynaa? Sharciga iyo dastuurka lagu tunto UDUB ayaa lagu
yaqaanaa oo aan mawqifkoodaas marna beddelin, haddii uu KULMIYE
burinta dastuurka uu ku raaco UDUB, muxuu markaa KULMIYE kaga
duwanaanaya UDUB?.
KUMLIYE waxaad moodaa inuu siyaasadii ka fakhriyay oo madaxdiisu si
u muqlaysantahay. Waxa KULMIYE caado u noqotay, oo ah caado xun,
inay cadho la boodaan oo sida soodhaha kacaan mar Alle marka
Riyaale muddo-kordhin loo sameeyo,
marka dambena ay aayar iska soo degaan oo aqbalaan wixii la
go’aamiyey ee ay marka horeba sharci darrada ku sheegayeen. Tusaale
waxa u ah arrintaas diidmadii ay diideen inay aqoonsadaan go’aankii
muddo kordhinta ee Daahir Riyaale u
sameeyey Guurtida ee shanta sano ahaa. Markii hore way diideen,
haddana way is-rogeen oo way aqbaleen. Waxa xigtay muddo kordhintii
sannadka ahayd ee Daahir Riyaale
Guurtidu u sameysey April 2008. Way diideen markii hore, haddana way
is-rogeen oo way aqbaleen. Arrintan ugu dambeysay, KULMIYE waxay
hore u diideen inay aqbalaan in arrin dambe oo muddo kordhin la
xidhiidha la hor geeyo Golaha Guurtida laakiin way aqbaleen markii
uu Daahir Riyaale arrinta hore geeyey
Guurtida ee uu yidhi ha la is-waafajiyo muddo kordhintayda iyo
doorashada. KULMIYE way aqbaleen in Guuritida la hor dhigo arrinta
muddo kordhinta, markii uu go’aankii noqday Daahir
Riyaale ha loo kordhiyana, wey diideen
oo waxay yidhaahdeen, “Uma aqoonsanin inuu Daahir
Riyaale yahay madaxweyne sharci ah”.
Immikana waxa muuqata inuu KULMIYE aqbalay muddo kordhintaas. Haddii
uu KULMIYE aqbalayo muddo kordhinta 6da bilood ah, maxay u aqbali
waayeen inay saxeen muddo kordhintii ahayd 6da April 2009 illaa 31ka
May 2009 ee komishanku u soo jeediyey?
Caqliga saliimka ayaa diidaya bil iyo 25 casho oo muddo kordhin ahna
waanu diidnay, mid 6 bilood ahna waanu aqbalay.</b> KULMIYE maxay
markaa doonayaan?
KULMIYE haddii aanu kuba adkaysan karin mawqifkiisa uu kolba u soo
bandhigo taageerayaashiisa, sidee ayuu ku hananayaa kalsoonidooda?
Muu KULMIYE afkiisa haysto oo marka hore iska aamuso, maxay dunida
isugu ceebaynayaan?
Guddoomiyaha nin caqli badan oo aragti dheer ayaa lagu yaqaanaa
laakiin waxaad moodaa inuu dhego barjoobay oo ay immika la taliyaan
rag UDUB gacan saar qarsoodi ah la leh oo majaraha xisbigaba ogaan u
marin-habaabinaya (saboteurs). Guddoomiyuhu wuxuu u baahan yahay
inuu kala hufo oo kala shaandheeyo la taliyayaashiisa.
KULMIYE ha joojiyo siyaasadda is-rogrogidda badan ee ah waannu
diidnay, haddana waannu oggolaanay, waannu diidnay, haddana waannu
oggolaanay.
1.1- In doorashadu haddii ay ku
qabsoomi waydo 27/9/2009 in aan Golaha Guurtidu u kordhin Karin
Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa; waana in arrinkaas laga ansixiyo
golaha sharci-dejinta (Baarlamanka).
Hore ayaa KULMIYE heshiishkoodii ugu dambeeyey ee ay saddexda xisbi
iyo komishanka la galeen ay ugu jirtay inaan Golah Guurtidi mar
dambe samayn karin muddo kordhin, waanay sameeyeen iyadoo sharci
darro ah. Yaa ka joojin kara inay mar kale sameeyeen, yaase huba
inay ansixinayaan inaanay mar dambe muddo kordhin samaynayn. Yaase
huba in haddii Golaha Wakiiladu ay ansixiyaan arrintan in Daahir
Riyaale iyo kooxdiisu ay ku shaqaynayso.
Haddii aynu taariikhda dib u halacsano, bishii March 29dii, 2006dii,
Golaha wakiiladu waxay ansixiyeen mooshin ay soo gudbiyeen 20-mudane
oo faraya xukuumada Somaliland shaqadii ay kaga hor joogsatay Marwo
Aamina Sheekh Maxamed oo ah muwaadinad reer Somaliland ah, ahna
Gudoomiyaha KULMIYE xaaskiisa, in dib loo siiyo shaqadii ay tartanka
xalaasha ah ku heshay ee Hay’ada CARE International. Waxa Golaha
Wakiiladu mooshinkan ku ogolaaday 39-mudane, halka ay ka diideen
3-mudane, waxa ka aamusay 3-mudane, guddoomiyuhuna ma codayn.
Go’aankaas markii uu soo baxay, Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa
yidhi, “Ku shaqayn mayno go’aankaas”. Runtiis ayey ahayd, laguma
shaqayn go’aankii Baarlamanka, waxna lagama soo qaadin. Sharaftii
iyo maamuuskii Goluhu lahaa dhiidhiga ayaa la jiiday oo meel ka dhac
weyn ayaa lagu sameeyey Golaha (Contempt of Parliament). Daahir
Riyaale wuu diiday go’aanka Golaha
wakiilada ee la soo doortay. Laakiin go’aanka Golaha Guurtidu immika
gaadhay oo weliba dastuurka baalmarsan, Daahir
Riyaale wuxuu ina leeyahay waa sharci ee yaan la diidin. Waxa
cad in Daahir Riyaale go’aanka sharciga
ahna u diidayo, ka sharci darrada ahna uu ina leeyahay ha la aqbalo.
Waa darajo kibirka laga gaadho.
Haddii Golaha Wakiiladu hore karaamdiisa u difaaci waayay oo uu
waslad xaaraan ah Daahir Riyaale ka soo
qaaday berigaas, go’aankoodiina uu u jebiyey si ula kac ah, xaggay
immika ka keenayaan awoodda ay ku qasbayaan inuu go’aankooda ku
shaqeeyo haddiiba ay ansixiyaan arrintan? Haddiise ay ansixiyaan
go’aankan doorashada la xidhiidha, soo berrito ma diido karo
Riyaale sida uu u diiday kaa horeba?
Yaase qasbi kara inuu raaco sharciga marka hay’adaha dawladda oo
dhami jeebka ugu jiraan?. Dadweynaha oo keliya ayaa qasbi kara
Daahir Riyaale oo shiid kaga saari kara
madaxtooyada. Dadweynahana KULMIYE ayaa taageeradooda iyo
kalsoonidooda haystay laakiin KULMIYE ayaa ka neefiyey cadaadiskii
ay ku hayeen dawladda markay mawqifkoodii beddeleen ee ay aqbaleen
wixii ay ka mudaharaadayeen inay meel iska dhigaan iyadoo wax
tanaasul ah aanu u samayn Daahir Riyaale
xaggooda haba yaraatee.
Maadaama uu KULMIYE aqbalay qodobadaas, waa inay haatan caddeeyaan
in haddii doorashadu ku dhici waydo 27/9/2009 inaanu Daahir
Riyaale madaxweyne ka ahaanayn waddanka.
Taasi waxay soo af-jaraysaa inaanu lagu odhan berri ka maalin
“madaxweyne waxa beddeli kara madaxweyne la soo doortay oo keliya”.
Inuu Daahir ku dambeynayo guddoomiyaha xisbiga UDUB oo suuq jog ah
waa inay ummaddu sii ogaataa, isaguna qalbigiisa u raaridaa.
Qodbakani wuxuu ahaa inuu u akhrismo sidatan:
“In doorashadu haddii ay ku qabsoomi waydo 27/9/2009 in aanuu Daahir
Riyaale madaxweyne ahaan doonin isla
mar ahaantaana si aanu waddanku ugu dhicin meel madhan (vacuum) in
Shirguddoonka Guurtidu ay maamulka waddanka muddo cayiman loo sii
dhiibaa, waana in arrinkaas laga ansixiyo golaha sharci-dejinta (Baarlamanka)
iyo Golaha Guurtida.”
Haddii uu Daahir diido arrintaas illaa heerkaas lala tanaasulay ama
ansixinteedu qiil qiil gasho oo daba dheeraato, waa in KULMIYE
lahaadaa qorshe kale oo looga wareego (Plan B).
2- Muddada Doorashooyinka:
Qodoka 2.3- In Server-ku natiijadii
kama dambaysta ahayd ku soo saaro 27/7/2009 si waqti ku filan loogu
helo hawlaha doorashada.
KULMIYE waa inay afeef ka sii yeeshaan waxa ay ka yeelayaan haddii
komishanku wax isku qaso oo ay soo saaraan natiijooyin cabudhinaya
tira koobka gobolada KULMIYE xoogga ku leeyahay ee BURCO, CEERIGAABO
iyo degmooyinka kale ee taageera KULMIYE. Hore ayey u dhacday in
magaalooyinka qaar 50,000 oo aan meel haysan lagu daro, qaarna la
dhimay. KULMIYE ma waxay doonayaan inay qaylada bilaabaan markay
arrintaasi soo baxdo oo dabeedna muran riiq dheeraada la galaan UDUB
iyo komishanka.
Markaad eegto Komishanku waa laan ka mid ah UDUB, waxa ka soo baxaa
na waa wax UDUB u janjeedha ee marna yaanu KULMIYE ku talo gelin in
wax farxad geliya oo u eeg caddaalad inay ka soo baxaan Komishanka.
KULMIYE waxay ahayd inay laalaan mashruuca diiwaangelinta oo dhan si
aanu caqabad ugu noqon doorashada, dibna looga ansixiyo Golaha
Wakiilada inaan doorashada lagu xidhin diiwaangelinta. Haddii kale
halkaa waxa ka soo foolleh mashruuc kale oo ah
Arbush-Al-Badaw oo aan laga dhammaan.
Daahir Riyaale iyo kuwa daba nashleeya
maanta doorasho kuma guulaysan karaan diiwaangelin iyo diiwaangelin
la’aanba ee waxa la isku hayaa inay doorasho dhacayso iyo inkale.
Kaadhka qudha ee ay ciyaarayaan waxa weeye inaanay doorasho dhicin
ee muddo kordhin dambe la helo.
4.1- Xisbiyada waa in aan loo diidin awoodaha iyo xuquuqaha
dastuurka iyo shuruucda qaranku siinayo sida hawl-maalmeedkooda,
dhaqdhaqaaqooda, madaxbannaanida qabashada shirarka iyo
bannaanbaxyada.
Halkan waxa ka muuqata in xisbiyada loo baryayo wax ay dastuuriyan
xaq u leeyihiin oo ay ka mid tahay “inay hawl-maalmeedkooda,
dhaqdhaqaaqooda, madaxbannaanida qabashada shirarka iyo
bannaanbaxyada” ay xor u yihiin oo xaq u leeyihiin. Waxay ahayd in
dawladda runta loo sheego oo la yidhaahdo xaq uma lihidin inaad soo
fargelisaan arrimaha axsaabta mucaaradka ah isla mar ahaantaana xaq
uma lihidin inaad horjoogsataan bannaanbaxyadooda iyo wixii la mid
ah oo dastuurka si cad ugu qeexan. Waxa kale oo ay ahayd in dawladda
lagu sanduleeyo inay raalli gelin ka bixiso wixii ay dembiyo ka
gashay xisbiyada mucaardka ah oo aanay illaa immika ka bixin.
Laakiin dastuurka ma adeegsan karno waayo baabkii dhexdhexaadinta
iyo xeerbeegtida ayeynu u beydhnay.
Xisbiga UDUB guul ayaa uga soo hoyatay dhexdhexaadintan laakiin
kibirka iyo sharci ku tumashada darajada ay ka gaadheen awgeed weli
way saluugsan yihiin inay ku dhacaan inay saxeen oo aqbalaan
shuruudahaas? Ma doonayaan wax asaraar geliya xukunkooda iyo muddo
kordhinta ay ku wadh-wadheen ee meel isaga taalla. Mucaaradku baryo
ayuu ugu jiraa in la qabto doorashada iyagoo weliba dastuurka uu
jeibyey Daahir Riyaale ku raacsan.
In dawladda loo baryo xisbiyada mucaaradka ah oo looga baryo
xaquudooda oo shuruucda iyo dastuurkana dhexdhexaadin looga galo
meesha ma qabato. Xisbiyada mucaaradka ahina inay yeelaan may ahayn
waayo taasi waxay horseedaysaa in qof kasta oo muwaadin ah in
dawladda loo baryo oo shuruucda iyo dastuurka meel la iska dhigo.
Haddii berri ka maalin khilaaf kale soo baxo, haddana ma
dhexdhexaadin kale iyo xeer beegti ayaa la miciinsanayaa? Ma lagu
jiri karaa marna ha lagu dhaqmo dastuurka, marna dhexdhexaadin ha la
galo
Xisbiyada iyo guddigan dhexdhexaadinta khilaafka siyaasadeed waxay
meel marinayaan inaan dastuur iyo sharci lagu kala bixin ee
dhexdhexaadin iyo ladqabo lagu kala baxo marka khilaaf siyaasadeed
soo if-baxaba. Taa micnaheeduna waxa weeye shuruucda iyo dastuurka
iska illow. Sidaa qaran ma ku noqon karnaa? Jawaabta waxaan u
deynayaa akhristaha.
Jamaal Madar
London, United Kingdom
adammadar@yahoo.com |
|