Dareeno Shaki Leh Oo Ka Soo Baxay Inuu Komishanka Doorashooyinku Suurto Gelin Karo Hawsha Diiwaangelinta Cod-Bixiyeyaasha

 


Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa laga yaabaa inay ku fashilmaan hawsha Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ee la filaayo inay dalka ka qabsoonto 14 October 2008, sida ka muuqata diyaargarowga guddida codbixiyeyaasha oo la sheegay in ay tahay mid aad u gaabis ah, isla markaana ay ka muuqato inay jirto karti daro ka muuqata dhinaca guddida Komishanka ka timid.

Sida ay noo sheegeen ilo xog-gaal ah oo u dhuun daloola socodka hawlaha u diyaar garowga Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee ay komishanka doorashooyinku gacanta ku hayaan oo ay ka muuqato gol-daloolooyin farabadan iyo waayo aragnimo la’aan la xidhiidha hawsha ay qabanayaan guddida Doorashooyinku, taas oo la sheegay in guddidu hawshii oo dhan ay iyagu isku koobeen, taas oo ay keentay mashquul iyo inay hawlihii laga sugaayey ay ku yimaadaan dib u dhac.

Hawsha Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ay Komishanka Doorashooyinku u cayimeen inay dalka ka qabsoonto 14-ka October, 2008 ayaa hadana ilaa xilligan aanay fari ka qodnayn diyaarinteedii, taas oo aanay wali diyaar garayn shaqaalihii iyo agabkii lagu hirgelin lahaa, oo aanay wali dhamaystirin shaqaalihii ka hawlgali dhamaystirin shaqaalihii ka hawlgali lahaa gobolada dalka, iyadoo ay qabyadaasi jirto hadana gudidii doorashooyinku waxay ku mashquuleen sidii ay u kala saari lahaayeen shaqaalihii ay qaadanayeen iyagoo todobada xubnood ee guddida doorashooyinkuna ay kala hororsanayaan shakhsiyaadka ay u kala xulanayaan masuuliyada hawsha Diiwaangelinta oo uu mid waliba shakhsiyaad gaar ah oo uu danihisa gaarka ah ka dhex arkaayo uu jeebka ku sito, marka hadaba la eego fadhiidnimada iyo dedaal la’aanta ka muuqata komishanka doorashooyinka waxay wakhtigan xaadirka ah dadka indheer garadka ahi ay Calaamatu su’aal saarayaan sida ay diiwaangelintu ay ugu hirgali karto 14 October 2008-da ee ay u cayimaan inay ku qabsoonto diiwaangelintu taas oo ay tilmaameen in gobolka Saaxil loogu hor bilaabi doono waxaase hubaal ah marka la eego dedaal la’aanta komishanka ka muuqata iyo qabyada ka taagan shaqaalihii hawshaa diiwaangelinta wadi lahaa oo aanay illaa wakhtigan aanay fari ka qodnayn iyo wacyigelintii diiwaangelinta ka hor loo baahnaa inay dadweynaha in gobolada dalka ka sameeyaan iyo tababaradii shaqaalaha la siin lahaa oo aanay wax talaabo ah Komishanka doorashadu wax talaabo ah ka qaadin taas oo ay xilligii ay u cayimeen bilaabista hawsha diiwaangelinta cod-bixiyeyaashuna ay ka hadhsan tahay muddo aad u yar oo ku siman 24 maalmood ayaa waxa ay dadku waxkhtigan xaadirka ah ay rumaysan yihiin oo ay ka warwar qabaan sida ay hawshaasi Diiwaangelintu ugu qabsoomi karto wakhtigaasi loo cayimay, maadaama ay qabyadaas balaadhani hortaalo waxyaalihii fulin lahaa hirgelinteeda iyadoo ka horna looga baahnaa in Komishanka doorashadu ay ka hor diiwaangelinta la yimaadaan dardar galin iyo dedaal gelin waxayse qabyadaasi aanay fari ka qodnayn ee diiwaangelintaasi ay shaki weyn ku keenaysaa sidii ay doorashada Madaxtooyada ee ay u qoondeeyeen 29 March 2009-ka ay ugu dhici lahayd wakhtigaasi maadaama ay diiwaangelintaasi qabyadaasi balaadhani hortaalo, waxaa calaamatu su’aal la saari karaa, in Diiwaangelintu haddii ay dib u dhacdo ay doorashooyinkuna ay dib u dhacayaan, waxaana looga baahan yahay, komishanka doorashooyinka oo lagu tilmaamo kuwo aan karti ay dalka kaga hirgeliyaan Diiwaangelin iyo doorasho aan xamil u lahayn looga baahan yahay, in Diiwaangelinta ka hor ay la yimaadaan, dedaal iyo dardar gelin, ay ku qabyo tirayaan, dal dal-daloolada iyo qabyada ka muuqata, geedi socodka hawlaha Diiwaangelinta, maxaa yeelay hadaan dalaal jirin way adag tahay sida Diiwaangelin iyo Doorasho ku qabsoonto, waxaa kale oo dadka indheergaradka ahi iswaydiinayaan sida komishankan Doorashooyinka ee fadhiidnimada Diiwaangelinta ka muuqato, sida ay dalka doorashooyin xalaala oo xor ah uga qaban karaan, iyo sida ay uga garsoori karaan saddexda xisbi ee ku tartamaya haddii ay doorasho dalka ka dhacdo.

Arrintu si kastaba ha ahaatee dedaal la’aanta komishanku maaha mid dalka ka suura galin karta Diiwaangelin iyo doorasho, rajada laga qabi karo doorashooyin dalka ka dhaca waxay ku xidhan tahay sida ay hawsha Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay dalka uga suura gasho, balse rajada laga qabi karo in Komishanka Doorashooyinka ku hirgelin karaan ayaa u muuqata rajo iska yar oo laga yaabo in hawshaasi hirgelinteeda ku fashilmaan marka la eego gaabiska iyo fadhiidnimada ka muuqata hawlaha culus ee laga sugaayo.

Dhinaca kale Komishanka Doorashooyinka ayaa la sheegay inay wax ka badaleen go’aan koodii hore ee ahaa in ay shaqaalaha hawlaha Diiwaangelinta intooda badan ka qaadan doonaan ardayda dhigata Jaamacadaha dalka, kaas oo ay komishanku hore u balan qaadeen.

Sida ay tibaaxeen warar lagu kalsoon yahay go’aankaa hore ee kimshanka doorashooyinka oo ahaa in ay bilaa shuruud ku qaadan doonaan ardayda jaamacadaha dalka marka ay bilaabaan shaqaalaynta dadka ee hawsh Diiwaangelinta ayaa hada go’aankoodaasi wax ka badalay, waxaanay ka dhigeen mid imtixaaan lagu kala saari doono oo ay cid walba xor u tahay in ay ka qaybgasho tantanka imtaxaanada sababta wax ka badalka go’aanka u komishanka ayaa loo sibiri saarayaa in ay ka dambeysay ka dib markii ay dhawaan ardayda Jaamacadaha Hargeysa ku ooriyeen masuuliyiin ka tirsan xisbiga Udub oo ka soo qaybgalay xaflad qalin jabineed loo sameeyey oo dhacday xarunta jaamacada Hargeysa, halka ay ardaydaasi sidoo kale sacabo furan ku soo dhaweeyeen masuuliyiinta xisbiyada mucaaradka, taas oo ka cadhaysiisay xukuumada u hogaamiyaha ka yahay Madaxweyne Riyaale.

 



Source:Haatuf