DAREENKEYGA IYO SUCUUDIGA 20 SANO KA DIB-4
DHAQAALAHA IYO HORUMARKA BULSHADA.
Mawduucan oo ah mid aad u ballaadhan weliba dhinaca
Sacuudiga ah badweyn oon guntee da la gaadhayn waxaan
idinku soo koobi doonaa aragti-shinbireed aad u kooban.
Waxaan abaari hadafka bulsho ka leedahay kobcinta
dhaqaale oo ah horumarinta bulshada dhaqan iyo
dhaqaalaba.
Tilmaan kooban aan u soo qaato halkaan aqaanay iyo
shaqadeydii.Sharkadda SABIC oo ah ayd tii lahayd
shirkaddaan ka shaqayn jiray ee ARRAZI, waxay
macaashkeedu ahaa 1991 laba bilyan oo sucuudi riyaal ah,
halka 2011 uu noqday 29 bilyan, iyadoo iibisay badeecad
gaadhaysa 190 bilyan SR hantideeduna tahay 333 bilyan SR
( Total Assets). Intiina jecel cabirka doolarka Maraykan
sarifku waa 3.75 SR halkii doolar. Tilmaantaas waxa aad
ka dhe egan kartaa xawliga dhaqaalaha Sacuudigu ku
kordhay. Haddaba aan toos ugu baqoolo g unta hadalka oo
ah siduu u bedelay nolasha dadweynaha?
Waxa aan aad ula dhacay sida loo habeeyey kheyraadka
dalka iyo shirkadaha halbowlaha u ah dhaqaalaha dalka.
Fikradaas oo ah mid aan aad u aaminsanay, kuna dhisan
sida ugu habboon ee kheyraadka dalka loo gaadhsiin karo
bulshosweynta waddanka. Waana fikrad ku dhisan
cadaaladda bulsho. Shirkadaha Baananka, Leydhka,
Wershadaha kimikada sida SABIC, Sibidhka iwm, waxa
xukuumaddu u sameysay hab saamiyaal ah oo dadweynaha loo
farsameeyo si ay ugu iibsadaan samiyaale sicir kooban
leh oo qof waliba iibsan karo. Waxa taas laga
badbaadiyey in kheyraadka dalku u gacan galo maalqabeen
tiro kooban, kolkaas ayaa la xadiday inta qofku iibsan
karo iyadoo kolka hore la fadilaayo dadweynaha tirada
yar raba inay iibsadaan. Qofba qofkuu ka dalab yar
yahayna laga fuudh yeelo. Waa argti ku salaysan in la
helo bulsho u soo jeeda maalgashiga oo ka guurta lacagta
barkinta hoost eeda taal een waxba soo kordhin. Waxa
mudnaanta leh danyarta rabta inay dakhligooda kooban
wallow 10 doolarna ha ahaatee ayna qayb ka helaan
kheyraadka dalka.
Waxtarka ugu weyn ee ka dhashay waa iyada oo ay
abuurantay sayladda saamiyaasha e e Sacuudiga oo ay
bilaabmayn shirkaddo sameeyaal ah oo nooc kasta leh.
Waana kuwa ma nta ay ka dhasheen horumar dhaqaale oo
bulshada wada gaadhay.
Waa aragti ku dayasho
mudan, waana mid ku dhisan fikrad cilmi dhaqaale oo
hubanti leh. Waana mid aan qof ahaan waligayba
aaminsanaa ilaa xiligaan jaamacadda (London School of
Economics), aan u hayeyna fiiro gaar ah. Xiligaas oo
Raysal Wasaare UK Mrs. Thacher ay bilowday inay
shirkadahii Telefoonada, Gaaska, Biyaha, Dayaaradaha,
IWM ay ku iibiso saamiyaal la hor dhigo dadweynaha.
Waana nidaamkii badbaadiyey dalka UK oo xiligaas ku
dhowaa inuu kaco oo ay ganata dhaqaalaha ku haysay IMF
sida dalaka soo koraaya. Wax ay ahayd duruus aad u qiimo
badan oon u soo joogay fikir ahaan iyo iyadoo dhab loo
daba qaayo. Waa isla nidaamkaas kan ay ku dhaqmeyn
dalalkii shuuciga ahaa ee 90kii u boqool ay
hantigoosadka sida Ruushka iyo dalaalkii Sovietka ka
baxay iyo dhammaan bariga Yur ub , iyagoo ka dhigay
nidaamkii Mrs Thacher mid jaamacadaha dhaqaale lagu
barto oo ah duruusta salka u ah barashada dhaqaalaha.
Tan Sacuudiguna waxuu
sii adkeeyey aragtidayda la hal maasha dariiqa ugu
habboon ee dhaqaale loo kobcin karo iyadoo lagu
salaynaayo cadaalad bulsho oo kheyradka dalku ga adho
tirada ugu badan ee dadweynaha ka tirsan, iyo fursad loo
siman yahay dhinaca hor fumarinta dhaqaalaha dalka.
Waxa furmay in bulshadu dhammaan noqdaan dar ku
xisabtama dhaqaale, abuura shaqoo yin iyo ganacsi. Waxaa
bilaabmay in wax kasta oo guryaha iyo nolol maalmeedka
loogu ba ahan yahay lagu wershadeeyo dalka gudihiisa
inta badan si gaar ah cuntooyinka qasacad eysan, iyo
dhammaan daawooyinka. Waxa la sameeyey shirkado maal
gashada beeraha iy o xoolo dhiqidda. Waxa kor u kacay
dakhligii xukuumadda oo sanadkan ay heshay cashuur iyo
sako gaadhaysa 20 bilyan SR, halkay ka ahayd wax ka yar
hal bilyan 20 sano ka hor.
Taas oo mecneheedu
yahay inay 20 jeer labanlaabantay. Waxaad ogaataa in
cashuurta k eliya ee laga qaado muwaadinka Sacuudiga ihi
yahay 2.5% sako ah, weliba cidda laga qaad aa tahay uun
shirkadaha iyo maalqabeenka waaweyn, inta kale ee
bulshada ooy ugu bad an yihiin ganacsatada yaryari
iyagaa loo daayey inay sakada iska bixiyaan. Waxa
cashuur laga qaadaa ka badan sakada qaybta ay leeyihiin
shirkadaha ajnabiga ah iyo qaybta aqna bigu ku leeyahy
shirkadha wadaaga ah.
Waxa waliba kabid lagu daraa raashinka oo ah mid
adduunka kale kolkuu kor u kaco ay xu kuumaddu soo
farogeliso si ay u xakameyso sicir ku kordha dan yarta.
Waxa aad u jaban oon marna la kordhin batroolka, taas
oon u arko aragti aan wacnayn kolkaad eegto dhaaw aca ay
u yeelan karto socodka aan khrashka wadan cimilada iyo
saxmadda baabuurta oo wallow dariiqo waawyn oo lix iyo
sideed haad ah magaalooyinka gees walba laga hir geliy
ey, haddana maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaaya.
Maan saarin miisaan kaafi ah oon ku eego mudarooyinka
iyo dheelitir la’aanta, waayo wax ay u baahantay baadhis
cilmi ah iyo qoraal dheer, waxa se aan ku farxay in
sanadkan la bil aabay kaalmo mushahar ah oo qofka
shaqada la’rag iyo dumarba ( 15 jir) qof ahaan loo s
iiyo.( Social Benefit), nidaamkaas oo dhinaca cadaaladda
bulsho ka dhigaaya dal hiigsada nidaamka dunida
horumartay. Isla markaasna ka dhigayaa dal ka badbaada
dheeldheeliga bulsho ee beryahan ka taagan bariga dhexe.
Waana dhabo ay asiibeen, wallow uu jiray hab kaalmo oo
tiro badani, haddana kani waxuu noqday mid taabta ruuxa
danyarta qof ahaan een ahyn mid qoys ahaan loo
xisaabiyey. Taas oo ka yeeshay in qoyska dhowr qof u soo
hoydaan ay nolashoodu aad kor ugu kacdo.
Nidaamka dhiirgelinta abuurista shirkado saamileey ahi
waa mid qayb libax ka qaadan kar ta:
1. Kor-u-qaadka maalgashiga
gudaha .
2. Kor-u-qaadka maalgashiga
qurbojooga iyo shisheeyahaba
3. Nidaaminta sarifka
lacagaha qalaad iyo ilaalinta lacagta mahaliga ah.
4.
La dagalanka sicir bararka
Intaas waxa u raacda
falsafadda ah in la helo cadaalad bulsho oo fursad loo
siman yahay loo farsameeyo muwaadiniinta, iyadoo
danytarta lagu badhi taaraayo inay qayb ka qaata an
kheyraadka dalka. Waa nidaam la tijabiyey lagana gaadhay
guul iyo horumar.
Guud ahaan waxaan argay dal qorshe horumarineed leh, mid
aqooneed leh iyo hiigsi dheer oo aragti fog.
Waa inoo aragti dambe iyo dhowaan Insha Allah.
Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee
Dhaqaalaha,
Ganacsiga iyo
Maalgashiga
samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/
|