DAREENKEYGA IYO CIYAARAHA GOBALLADA
BADHASAABADU WEY ASIIBEEN
WASIIRADUNA WEY QALDAMEEN
Waxa lagu jiraa damaashaadkii tartanka goballada ee
ciyaaraha. Waa madal muujineysa nabadda iyo horumarka
bulshadu gaadhay. Waxa hubaal ah in qiimo weyn ay
ummadda ugu fadhido in sannadkiiba hal mar lagu tartamo
ciyaar wanaa g iyo madadaalo bulsho. Waa kulan loo siamn
yah ay gobal yar iyo mid weynba fursad la siiyo inay
dhalintu is muujiso ooy soo bandhigaan xirfadooda
ciyaareed iyo qiimaha ay gobal kastaa siinaayo
isb oortiga.
Calamo quroon iyo astaamo u gaar 13 gobal ayaa golaha
dabeeshu ruxaysaa, waxa dhinac iyo badh ankaba ugu jira
calanka tawxiidka, calanka seddexda midab leh xidigta
madoobina u gaarka tahay, waa calanka qaranka
Soomaliland.
Bilow kheyr badan iyo farxad ayey ku bilaabanatay. Waa
leys helay oo gobalba taagtii iyo tamartii, xeeladdii
iyo xoogii, xirfaddii iyo xeeshii intaba lagu tartan.
Qosal iyo kaftan weri yayaashu soo tebiye, bushana heshay
madadaalo iyo amuur laua baashaalo oo lagu doodo.
Waxaan aad ugu farxay oo Soomaliland u gaar ah oon xataa
dalkan Ingiriiska ee loo yaqaan aabaaha kubbadda cagta
aan ka dhicin kaalinta libaax ee dumarku ka qaateen
daawasha da. Waxaabad odhonaysaa iyagaa raga ka badan.
Waa dhaqan u gaar ah Soomaliland,una baahan in adduunka
loo soo bandhigo sida Soomaliland arrintan dunidu ku
guulaysan weyd ay halkay u martay.Waa amuur aynu macalin
ugu nahay adduunka.
Ka gudub. Intaan diiday waxaa ugu horreysa kaalinta ay
ka qaateen Wasiirada iyo Madaxd a Hayádaha Qaranku uma
dhamma ee waa inta u hiilisay gobal ay isir ahan ka soo
jeedaan. Waana inta shaashada lagu arko hiilkooda. Gobal
waxa u madax ah badhasaab iyo maaya ro, iyagaa ah hormood
u hadli kara una hiilin kara gobalkooda. Hadda ogow
badhasaabada maantu midna madax uma aha gobalka uu u
dhashay. Waajibkoodey guteen oo waxay taageereen gobalka
ay xilka u hayaan. Waa sharaf ay si wacan u mutaysteen.
Waanan ku ixtiraamiyaa kuna hanbalyeynayaa.
Dhinaca kale Wasiirada shaashada la soo taagan gobal
habal ayaan casuumay. Waa maxay doorkoodu. Wasiirku
miyaanu ahayn xil qaranka oo dhan ka dhexeeya.
Deganaanshana miy eyna dhammaan ku deganayn caasimadda.
Waa qalad dhiirigelinaaya qabyaaladda iyo kala-faquuqa
bulshada. Wasiir waa xil qaran ee maha xil gobal mana
aha xil qabiil. Waxa taasi keentay in ilaa hadda wasiir
casuuma gobalka Maroodi-jeex la waayo. Waayo Wasiirada
wax casuumay waxay rabaan meel ay reer ahaan keli ku
yihiin inay isu muujiyaan. Meel cidi la wadaagto wey
tuureen. Hadda bulshada nus ayaaba ku nool Maroodi-jeex.
Xitaa Shee khul baladkii ayaa caasuumadda u fidiyey Gobal
kale.
Waxa iyana iga yaabisay casuumad la yidhi waxa bixiyey
Beesha Ciidagale oo casuuntay Awdal. Wa maxay caasuumad
ciyaareed ay beeli bixinaysaa. Dhinkeed u qaadi. Waa
ujeedo badan iyo hawl leexsan.
Xilka qaran ha laga daayo caadifadda oo ha loo sinnaado
bulshada, sida ay garteen Badha saabadu ha oggaado ninka
xilka hayaa inuu xilkiisu ku qasbaayo inuu iska ilaaliyo
caadifad beeleysan. Beeshu waa sax waa waxay inaga
gashay deegaan dimuquraadiyadduna waa deegaan. Kolkaas
in beeli siyaasad ka shirto, kuna tashato waxa keeneysa
dimuquraadi yadda ku dhisan deegaan iyo degaankeeena oo
isna ku dhisan qabiil. Laakiin xilka Wasiirku waa mid u
dhexeeya deegaanada iyo qabaaílka, kumanayna iman
doorasho. Waxa taaas ku habboona xildhibanada wakiilada
ee goballada laga soo doortay. Iyagina lama arag, ma
wasiiradaa jiidhay mise wey garab mareen waajibkoodii.
Waxaan la yaabaa in Garoonku madhan yahay iyadoo
Maroodi-jeex ciyaareyso, buuxsama na kolka gobalada qaar
ciyariyaan. Waa la yaab. Waxay muujineysa tacasubku
halka uu gaadhay. Waxay noqotay Maroodijeex meel reer
aanu keli u sheegan karin oo ruux waliba uu ku adkeystay
halka gooni ahaan loo garanaayo. Waxaad arkeysaa ruux ab
iyo isirba reer Hargeysa ah, oo leh waxaan ahay oon la
socdaa Gabiiley, waxaan ahay Daad-madheedh, Waxaan ahay
Hawd, Waxaan ahay reer Togdheer, Buuhoodle, Awdal,
Salal, Sool. Sanaag iyo iyo..Waa arrin aad aan ula yabay
hab dhaqankan oo gaadhay xataa qurbaha.
Haddii sidan loo dhaami waayo, waxa habboon in la
joojiyo tartanka noocan ah oo la qorsh eeyo ciyaaro koox
koox ah oo Kooxaha koowaad iyo Labaad iwm loo qondeeyo.
Guud ahaan la farax, la tartan, dhalinyaradu is baratay,
muddo laga mashquul siyaasad iyo qaad. Guusha iyo
wanaagaa badan ee inta dhooqaysay eey ugu weyntay nasiib
darrada ku dhacday gobalka weyn iyo magaalada labaad ee
Soomaliland ha la saxo oo yaan dib inoogu soo noqon.
Madaxduna ha qaataan qaladkooda oo yeyna muran ka
keenin, wasiir baan aha y iyo Gobalkaas ayaan ka soo
jeeda oon u qaylinayaa oon waliba xisaabtii qaranka ku
casu umayaa ma banana, ma qurxoona, ma habboona. Waana
mid bulshadu gudo iyo debed dhibsatay ee yeyna noqon mid
mar kale inagu soo noqdta.
Waxaan mar kale koofiyadda u tagayaa Badhasaabada
dhammaan iyo mayarada gartay xilka ka saran kooxaha iyo
tartanka. Waa inoo sharaf iyo farxad inaynu tartan
dalkeenoo dhan soo koobay aynu qabsano.
SOOMALILAND WAXAY KU TARTANTAA CIYAARAHA IYO SIYAASADDA,
WAXAYNA KU MIDE YSANTAY QARANNIMADA IYO WADANIYADDA.
Meel nabadi taal aya tartan ciyaareed yaala.
Guul iyo Mustaqbal Wacan
Axmed Xasan Carwo
samotalis@gmail.com
https://www.facebook.com/aharwo
http://samotalis.blogspot.com
|