Dareen
yididiilo xanbaarsan iyo Safarkaygii Maandeeq
Horraantii bishii julaay ee
sannadkan 2009 ka ayaan ka degey Madaarka caal amiga ah ee
Hargeysa. Waxa ay ahayd gelin hore, oo hawadu aad u fiicnayd. Nin ka
mid ah askartii madaarka joogtay baa na weydiiyey in aanu
dhaxamoo nayno. Waxa aan is idhi ma waxa uu u jeedaa (Miyaa
gubanaysaan) waayo kulaylkii Jabuuti ayaa nagu sii jiray. Hargeysa
laftigeedu waxa ay noo ahayd kulayl aan dhib lahayn, balse marnaba
qabaw maanu dareensanayn. Waxa aan markii danbe ogaaday in maalmahaa
ka hor ay magaaladu kululayd oo maalinta a aanu tagnay
maalintii ka horraysay uu roob weyni ka da'ay magaalada iyo
hareeraheeda. Subaxaasna ay dhacaysay hawo aad u macaani, laakiin la
ahayd dadka magaalada deggan qabaw. Jawigaasi waxa uu ahaa mid aad u
fiican. Magaaladuna waa ay sii weynaatay, oo sii dad badatay marka
loo eego saddex sannadood ka hor oo ahayd markii iigu danbaysay.
Debbaaldeggii Dhaqanka iyo Buugaagta ee Mooge
Qoraalkaygan waxa aan jecelahay in uu u bato dareenkii aan kala
kulmay debbaaldeggii dhaqanka iyo buugaagta ee loogu magacdaray
Maxamed Mooge Liibaan, Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee.
Waxa la furay maalintii ay taariikhdu ahayd 22/07/2009. Goobtii lagu
furay waxa ay noqotay hudheelka Ambaasadoor, ee ku yaalla dhinaca
koonfureed ee magaalada. Waxa isugu yimi goobtii furitaanka dad aad
u farabadan oo isugu jiray rag iyo haween, dhallinyaro iyo waayeel
iyo weliba dhallinyaro cuslaatay, oo aan ka mid ahay. Waxa kaloo ka
mid ahaa dhallinyarada cuslaatay ee aanu goobtaa isku aragnay
Maxamed Nuur Carraale "Duur" oo xubin ka ah Baarlamaanka Somaliland
oo aanu ilaa dugsigii hoose ilaa kii sare aanu ku wada jirnay,
laakiin haatan aanu nahay dhallinta cuslaatay ee aan weli gaadhin
waayeelka. Intaasi waa iga kaftane, waxa goobtaa joogay odayaal
badan oo caan ka ah deegaanada soomaalidu degto waxa ka mid ahaa:
Muuse Cali Faruur, Xasan Xaaji Cabdilaahi "Ganey" Maxamed I Warsame
"Hadraawi" Cabdalle Xaaji Cismaan oo Jabuuti uga soo baqoolay
kulankaas iyo abwaano kale, aqoonyahanno iyo dhallin aad u tira
badnayd.
Goobtaas furitaanka waa laga hadlay, oo xikmad iyo duurxul iyo
kaftanba laga yidhi madashii. Ujeedada ugu weynise waxa ay ahayd u
goggoldhigga debbaa ldegga oo loo qorsheeyay in uu socdo shan
maalmood. Hadalkii furitaanka waxa bilawday Ayaan Maxamuud Casuur oo
ah Marwada isku soo dubba ridday, soo habaysay, ku dhiiratay in ay
hawshaas ballaadhan dhabarka u ridato. Waxa kale oo hadlay xubno
isugu jiray dawladda iyo Abwaanno. Maalintaa furitaanka waxa xusid
mudan Rawaayaddii quruxda badnayd ee ka qoslisay odayaal badan oo
madasha fadhiyey. Waa Rawaayaddii la magacbaxday "Baqayo Rogad" oo
si aad u sarraysa, u kooban, oo hadana xanbaarsanayd sheeko dhan oo
aan waxba ka dhinnayn soo gudbisay. Maalintaa ka dib waxa
bilaab may maalmihii loogu talo galay in lagu qabto guriga
shaqaalaha. Goobtaas waxa ku kulmay dad aad u farabadan. Odayaashii
ama dadka intii waayeelka ahayd laguma arag guriga shaqaalaha, marka
laga reebo ilaa tobaneeye isxilqaamay. Is weydiintu waxa weeye,
maxaa ku dhacay odayaashii? dad badani waxa ay ku jawaabeen " Way
qayilayaan" qaar kale ayaa yidhi, Maya ee maba xiisaynayaan
arrimahan laga hadlayo.
Weli jawaabteedii ma aan helin; meel ay ku maqnaayeen iyo sabab ay u
maqnaayeen toona --- waayeelkii ka qayb qaadan lahaa doodaha ku
saabsan dhaqanka iyo buugaagta waa ay ka maqnaayeen goobahaas.
Waxaase farxad ahayd in dhallinyaradu ay muujiyeen rabitaan aad u
xooggan, oo u baahan in la dhiirri geliyo oo loo jeexo jid wanaagsan
oo ay kaga kaaftoomaan, shaqa-la'aanta, qayilaada, ´Makhaayad
fadhiga iwm. Waxa aan la kulmay dhallinyaro farabadan oo qoray
buugaag ama gacanta ku haya oo raadinaya halkii ay ku daabici
lahaayeen. Ma jirto wasaarad ay kala xidhiidhaan, mana jiro hay'ad u
hagar baxaysa oo ay ka helaan taageero. Waxa kale oo aad ka dheehan
karaysay su'aalaha dhallinyarada in aanay dareensanayn in ay xaq ku
leeyihiin dawladdooda. Kolba dawladda xukunka haysa ayey xaq ugu
leeyihiin baahiyaha u gaarka ah dhallinta soo koraysa oo ah
mustaqbalka dalka. Haddii aan il gaar ah lagu eegginna berri waa
laga shallayn doonaa. Shantii maalmood ba waxa ay ku dhammaadeen
farxad iyo rayn-rayn. Wejiyo farxadi ku dheehantahay ayaa is
dhaafdhaafayey xilli kasta. Madashuna waxa ay la ciirciiraysay
dhallinyaro, xataa buuxiyey daaqadaha iyo bannaankaba. Mallinna kama
ay dhacayn maalinta kale. Taasi waa dareen farxad leh oo u baahan in
la horumariyo oo sannadkii ugu yaraan saddex jeer la sameeyo
debbaaldeggan oo kale. Mar kastana laga faa'iidaysto wixii ka
dhinnaa ka hore ama la saluugay in lagu saxo ka danbe.
Naadiyada Akhriska ee ka hanaqaaday
Somaliland.
Waxa ay ii ahayd fursad weyn oo qaali ah in aan la kulmay xubno ka
socday dhammaan Naadiyada Akhriska Somaliland. Naadiyadaasi waxa ay
ku sama ysmeen dabayl caafimaad qabta oo martay dhammaan
gobolada Somaliland. Inkastoo wakhtigu ii saamixi waayey in aan
gaar-gaar ula kulmo Naadiyada xubnahooda, laakiin intooda badan
waanu is araganay, sheekaysannay, oo aan aad ugu farxay dareenka ku
jira dhallintaas iyo dedaalka ay ku jiraan. Maalintii aan soo
baxayey maalintii ka horreysay oo ahayd 28/07/2009 waxa aan nasiib u
yeeshay oo aan la kulmay Naadiga Halkaraan ee Burco oo maalintaas
hadhimo-sharafeed (Qado) ku lahaa Hudheelka Imbiiriyal ee ku yaal
Hargeysa. Halkaas oo aanu si qoto dheer uga wada sheekaysannay
hawlaha Naadiga iyo ilaa aasaaskiisii. Iyaguna waxa ay aad iiga
waraysteen Ururka Qoraaga Somaliland iyo waxqabadkiisa. Kulankaasi
waxa uu ii ahaa mid taariikhi ah. Waxa aan aad ugu mahadnaqayaa
qoraaga caanka ah ee Xasan Cabdi Madar oo igu sharfay ka qayb galka
Qado-sharafeeddaa.
Naadiyada kale oo dhanna waxa aan jeclaa in aanu sidaasoo kale u
kulanno, laakiin wakhtigu aad ayuu u yaraa. Waxa aan ku rajo
weynahay socdaalkayga danbe in uu ka badnaado kii sannadkan aan ku
joogay dalkeena hooyo, hadii Eebe idmo. Naadiga Maskaxmaal, Naadiga
Halkaraan, Naadiga Hargeysa, Naadiga Ismaaciil Mire ee Laascaanood,
Naadiga Anfac ee Ceerigaabo iyo Naadiga Akhriska ee Berbera waxa aan
u dirayaa hanbalyo aad ballaadhan, oo kal iyo laab ka soo go'day.
Waxa aan Naadiyada raacinayaa kii ugu danbeeyey ee la furay ama la
furayo maalmaha foodda innagu soo haya oo ah Naadiga Akhriska Sheekh
oo aan leeyahay hanbalyo oo hanbalyo oo hadana hanbalyo. Ugu danbayn
balse aan ahayn hanbalyadii ugu yarayd haddaanay uguba weynayn. Waxa
aan si gaar ah ugu dirayaa Naadiga Akhriska Hargeysa oo si diirran
iigu soo dhoweeyey Hargeysa. Soo dhoweyntaas oo aanaan illaabi karin
waxa ay ii ahayd habeen taariikhda iigu jira oo ii ahayd
dhiirrigelin iyo kalgacal ay ii muujiyeen Naadiga Akhriska Hargeysa.
Waxa aan leeyahay intiinii isku soo dubbaridday iyo intii ka soo
qaybgashayba waad ku mahadsantihiin soo dhoweyntaas.
Waxa aan ku soo gebagabeynayaa qoraalkan, talo ku socota
dhallinyarada oo ah: "Biyo sacabbadaada ayaa lagaga dhergaa" haddaan
sii jiliciyo, dhallin yarooy idinkaa wax badan qabsan kara.
Waxa samayn kartaan kulanno aad ku kobcinaysaan garaadka, dhaqanka,
barashada aqoonta Sayniska, barashada diinta Islaamka, doodaha kala
jaad-jaadka ah iwm. Waan hubaa oo idinkaa samaysan kara, waa haddii
aad la timaaddaan niyad. Waxa aan idinkala darda armayaa
dhaqaalaha ay bixiyaan hay'adaha oo ah sun loo soo waarido dunida
saddexaad in aad iska jirtaan. Waxa wax ku qaadataan dalkeennii
dhammaa ayey maanta geliyeen muran aan loo baahnayn, sababtuna waa
waxoogaaga sunta ah ee ay inna daba sidaan. Waxa jira waxbadan oo
idinku aad qabsan kartaan oo intii isku xiiso ahiba ay samaystaan
urur aan ahayn mid lagu doona nayo dhaaqaale ee ah mid idinku
aad u tihiin dhaqaalihii, xataa uga raaidaya shirkadaha wadaniga ah,
maalaqabeenada dalka, laakiin ha uga raadinina hay'adaha magacyada
leh ee soo dhoofiya siyaasadda casriga ah ee hurgum ada huwan.
Nabad iyo caano
Wa billaahi tawfiiq
Sayid Maxamed Yuusuf "Dhegey"
Sweden
|