Dardaarankii Nabigeena NNKH : Waxaan idiin dardaarmayaa salaadda iyo wixii ay hanatay (milkisay) gacmihiinu.
Rasuulku wuxuu u yeeray Sayid Cali iyo Fadal Bin Cabaas, weyna garba galeen waxeyna geeyeen masajidkii salaaddii ayuuna ka bixiyay asxaabtii, salaaddii kaddib ayuu rasuulku (NNKH) la dardaarmay asaxaabtii wuxuuna yiri: 'Waxaan idiin dardaarmayaa oo aan idiinku sagootinayaa cabsida Illahay iyo inaad adeecdaan oo aad amarkiisa qaadataan anigu waan faaruqayaa (ka tagayaa) adduunyada, maantana waa maalintii iigu dambaysay adduunyada iiguna horreeysay Aakhiro'. Intaa kaddib Nebiga (NNKH) waxaa la geeyey gurigiisa, Illahay ayaa u waxyooday Malakul-mowt wuxuuna yiri: 'Hoobo (u tag) xabiibkayga (kaan jeclaa) Muxammad (NNKH) uguna tag suurad wanaagsan una dhimri (naxariiso) marka aad ka qaadaysid nafta, markii aad u tagtid idan weydii, haddii uu kuu idmo u gal gurigga balse haddii uu kuu diido ha u galin, kana soo laabo'. Malakul-mowt wuxuu u tagay Nabigeena Muxammad (NNKH) isagooo u eg nin reer baadiye ah, wuxuuna yiri: 'Assalamu calaykum ma soo galaa?' Faadumo ayaa la hadashay oo tiri: 'Ninyahow rasuulkii illahay wuxuu ku mashquulsan yahay Nafsadiisa'!! Malakul-mowt mar labaad ayuu ku celiyey salaantii, waxaana maqlay rasuulkii.Rasuulka (NNKH) ayaa Faaduma ku yiri: 'Ma garanaysaa ninka?'. Faaduma waxay tiri: ' Maya' rasuulku wuxuu yiri: 'waa ninka gooya macaanyaalka, kala geeya (kala wada) dadka is jecel, kharaabiya guryaha, camira Qubuurta, ilmaha agoonteeya, naagahana garoobbo ka dhiga, waxaana la yiraahdaa Malakul-mowt'. Faaduma markay ogaatay in ninku yahay malakul-mowt ayay ooysay, waxayna tiri: ' masiibo ayaa nagu dhacday, waxaana dhimanaya rasuulkii Illahay ee ugu dambeeyey ambiyada, waxaa naga go'ayaa wax'yigii samada ka imaanayey, waxaan weyneynaa hadalkii rasuulkeena, maanta kaddibna maqli mayno salaantii Aabahay. Rasuulku wuxuu yiri: Faadumoy
waxaad tahay qofka ugu horreeya ee aan is haleeleyno (isla kulmeyno)'
wuxuu kaloo rasuulku yiri:' malakul'mowdow soo gal' wuuna soo galay
malakul'mowt, wuxuuna yiri. 'Assalamu calayka yaa rasuullulaah'
rasuulkuna wuxuu yiri 'wacalaykum assalam yaa malakul-mowt, ma
waxaad iigu timid inaad i soo siyaarato mise inaad iga qaado
nafta?'.Malakul-mowt wuxuu yiri: 'waxaan kuugu imid inaan ku soo
siyaarto kaana qaado nafta haddii aad ii idinto, balse haddii aad ii
idmi weyso waan iska laabanayaa! Rasuulku wuxuu yiri: 'malakul-mowdow
xaggee uga soo tagtay malakul-jibriil. Malakul-mowt wuxuu
yiri:'waxaan uga soo tagay samada adduunyada', isla markiiba waxaa
yimid malakul-jibriil, wuxuuna fariistay Nebiga madaxiisa, wuxuuna
rasuulku yiri: 'miyaadan ogayn in amarkii dhawaaday? Wuxuu
yiri:'waan ogahay rasuulkii Illaahayow'.Rasuulku wuxuu yiri: ' iigu
bishaarey illaahay agtiisa waxa ii yaala oo karaama ah (wanaag ah)'. Rasuulku wuxuu yiri: 'malakul-mowdow
ii soo dhowow'. Malakul-mowt waa u soo dhawaaday naftii ayuuna ka
jiiday illaa ruuxdii ka soo gaarto xudunta.Rasuulku wuxuu yiri: 'maxaa
darnaan badiyey xaraaradda (xanuunka) mowdka', wuxuu kaloo yiri: 'malakul-jibriilow
ma waxaad dhibsatay fiirinta wijigayga?'. Malakul-jibriil wuxuu yiri
' Illaahay xabiibkiisiyow ayaa awood u leh inuu fiiriyo wajigaaga
adigoo sakaraadaya'. Aanas Binu Maalik wuxuu yiri: ' Nabigu markay
naftu kabaxaysay wuxuu lahaa: Waxaan idiin dardaarmayaa salaadda iyo
wixii ay hanatay (milkisay) gacmihiinu.
WA BILAAHI TOWFIIQ
|