Daran-dooriyaaba Naas-naasi

 

Dhaqamada iyo dabin xidhka ku soo kordhay hab-socodka nolol  maa lm eedka shacabka Somaliland waa dhibaatooyin ay  xambar sanaay een badiba xubnaha dalka xil qaran ka haya.Waa dhaqan ka baxsan dibadana ka ah xidhiidhka wada noolaashaha iyo dhaqanka shacabka Somaliland.

Aan taabto,toojiyana boogta dhamaan jidhka shacabka ku taal ee ay la taahayaan,cidii dawayn lahaydna dhegaha xanjo iskaga  dheji yeen ee la soo taagan waxna ma maqlo,waxna ma arko ee qaata, ina soo daba gala.

Waxa aynu ka dheragsanahay cidda maanta xilka doorashada  mada x tooyadu gacanta ugu jirtaa inay tahay Guddida doorashada  qara nka.Itaalkooda iyo gelgelinta siigada badan ee ay dhex galgalnayaan waa mid ay caruurtu ka warqabto oo ay saxaafadu baahisay xogwa rrankii xubinta ka tirsan Mudane Ahmed X.Bidaar uu daboolka ka rogay.Allaah waxa uu ina faray xaqa inaynu u hiilino.

Cidda labaad ee xilka koor-meeridda iyo suura-gelinta gacanta ugu jirtaa waa Madaxweynaha dalka hogaankiisa haya,xilka saaran ee hogaaminta dalka ayaa awooda siisay inuu xoojiyo dardar-gelinta hawsha ay gacanta ku hayaan Gudida doorashada qaranku.Inkasta oo ay caddahay musuqmaasuqa iyo madax-adaygga Gudoomiyaha Guddida doorashooyinka qaranku Mudane Jama Sweden ku dhaqmayo haddana maanta diyaar shacabku uma aha bedelaad iyo kordhin toona,waayo in-badan ayaa dib loo riixay doorashada sabab kasta haka danbaysee,xaye calal falaax iyo hadeedee denbiga uu Gudoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka Mudane Jamac Sweden ka galay dalka iyo dadkaba mar kale iyo doorashada kadib ha eegaan cidda xil ka saaranyahay sidii sharciga loo hor-keeni lahaa. Waa ayaan darro dalka dusha kaga timi hadii kii gudaha joogay iyo kii sida haadka xilka dibada kaga soo booday ama looga gacan haadiyay ee hab ku yidhi xil aanu garashadeedii iyo gudashadeediiba lahayn.

Maxaa Guddoomiye loogu magacaabay,saw maaha inuu hawl-maalmeedka Guddida doorashada qaranka kala hufo maaha,saw inuu hab-socodka qabsoomidda doorashada madaxtooyada dardar geliyo maaha,saw inuu qorshe lagaga baxaayo dabin kasta ama qodax walba oo suul-daaraya doorashada madaxtooyaha xal u raadiyo maaha,saw intaan xeedho iyo fandhaal kala dhicin

inuu ka hawl galo maaha. Inta uu ka gubanaayo Mudane Ahmed  X. Bidaar Suldan muxuu qaloocayaga, karti-darrayada iyo lunsiga dhaqaale shaaca uga rogayaa, miyaanu Gudoomiye Jaamac ogayn inuu dal dhan iyo shacab dhan oo tiradiisa lagu qiyaaso 3.5 million dusha ka saaranyahay! La fududaa xilka loo igmaday! Talaw miyaanu Gudoomiye Jaamac dareen-ba u lahayn ummada Somaliland,geeska afrika iyo aduunkuba inay maanta indhaha ku hayaan doorashada la filaayo inay ka qabsoonto Somaliland ee uu gadh-wadeenka ka yahay! Ma waxa kala cuslaatay xadhigga uu hoos kala guntaday hogaanka dalka ka taliya,ma wax-baa ka qarsoomi kara shacabka Somaliland,saw ma wada nihin inan iyo abtigii,inan iyo habar-yarteed oo weliba ay inoo dheertahay ummad waxa jira hadal isku gaadhsiisa,ka maraykan,china iyo afrika-ba ku nooli ay isla habeen ogaanayaan xaal kasta oo af-ka-soo baxa,ama fal kasta oo hoos loo fuliyay.Waxa qarsoomi waayay faraha ay isu dhiibaan ee goŽana dusha lagaga dedo marka xoolaha la kala iibsanayo.

Madaxaygu ma qaadi karo gurguurasho habeenimo oo haddana gabasho aan lahayn,xaq-darro la xalaalaysanayo haddana jamaca salaadda masaajidka lala gelaayo shacabkii xilka loo hayay ee haadaanta la doonayo in lagu tuuro!

Mudane Gudoomiye Jaamac Sweden hadii uu Mudane Axmed shaaca ka rogay godka gubanaya ee aad xilkii qaran kula sii  dhaadhacay saan ma waxaad xal u aragtay inaad is-baano dhigato geedka gobka ah dhinaciisa kale! Taa baarlamankuna kaa yeeli maayo,cid xaq-darrada iyo xaqa kala sooci karaysaana kaa aqbali mayso,adigu-se saw ma ogid inaad denbi qaran madaxa saaratay,saw ma ogid ummadaa dhami inay fulinta doorashada madaxtooyada adiga iyo xubnaha kula shaqeeya laga sugayo,saw ma ogid inta jeer ee aad sabab laŽaan aad dib ugu riixdeen muddaynta doorashada,saw ma ogid inay seeftu gacantiina ku jirto oo hadba sidaad u dhigtaan xaalada dalkan Somaliland haatan dhex dabaalanayo ay noqonayso.

Maanta waxa haboonayd in maxkamad laydin soo taago waxa-se  sh acabka ka hortaagan iyagoo wax walba ka horaysiinaaya  talaab ada danta dalka iyo dadkaba ku jirto doorashada oo  qabsoonta, wa qtina loo hayn oo shacabku aanu diyaar u ahayn dib-u-riixid danbe.Hadaba Gudida doorashada qaranka waxa looga fadhiyaa xal khayr qaba oo si nabadgelyo iyo xaq soora ugu hawl galaan fulinta qabashada doorashada waqtiga ay u cayimeen,server-ka isticmaalkiisa ama laŽaantii-ba waa inay doorashadu waqtigeedii ku
qabsoontaa,insha allaah.

Waxan leeyahay Guddida doorashooyinka qaranka falka xaq-darro lagu fuliyaa cidhibtiisuna waxay noqotaa xaq-darro,darandooriyaana naas-naasi.

Allahayawo dadkan iyo dalkan Somaliland madax khayr qabta u door.Amiin.
 

 

 


From:Hussein Badmah

Email: hargeysawi2001@yahoo.de