Daran dooriyaaba naas naasi

 

 



Culamadii TV-ga ducada ka soo tebineysey oo iyagii loo allabaryey in la soo waco .



Habeenkii Isniinta , 20kii Meey, 2012, waxaan daawaday barnaamijkii xiisah badnaa ee dalabaadka ducooyinka iyo yaboohda qaraamaadka lagu tabarucayo Masaajidada iyo hay'adaha samafalka ee tirada badan, anigoo u dhabagelaya bal in tiradii macaamiishii iyo daawadayaashii barnaamijka wax iska bedeleen iyo inkale.

Run ahaantii daawadayaashii barnaamijka ee soo wactami jirey tiradoodii aad ayay hoos ugu dhac day islamarkaana waa teelteel; oo sidii beryo qaarkood isdaba joog ma ah. Taasi waxay muujinays aa in dawadayaashii ka hadheen barnaamijkii yaboohda iyo ducadii hawda la isku marinayey ee kun faya kunta ahayd, inkasta oo sobobta keentay aan ilaa hadda badhitaan lagu samayn. Waxaase la ga yaabaa in ay jimcaha malaha kherka badan, la sugayaan dalabkooda iyo deeqdooda.

Saacadaha barnaamijka dalabaadka ducadu ka socde sedex TV ee kala ah Royal TV, Somali Chann el, iyo Somalisat, waxaa barbar socde laba filim oo af-somali lagu tarjumey oo laga daawanayey Un iversal TV iyo Horncable TV, qaar kalana waxaa ka socdey dabaaldeggii maalinta 18 Meey ee Soma liland, oo daawadayaal badani xiiseynayeen. Waxaan is idhi malaha taas ayaa ugu wacan “waxsan alla” iyo “Magan alla” ay daawadayaashu ku muujiyey aamusnaanta iyo juuq iyo jabaq la’aanta.

Markaan muddo saacada hadba shaashad ku leexanayey; sedexdii sheekh ee daadihnayey barnaa mijka ee midba TV gaar ah fadhiyey, barbaro ayay noqdeen oo midkoodna lama soo wicin oo looma soo juuqin, waxkasta oo ay dudubiyeen. Inkasta oo ay laba codleeyeen oo cadaabta iyo jannada mid mar dabaalsiiyeen d aawadayaasha, inkasta oo ayaadaha iyo axaadiith-ta ku aroorta fadliga sadaqadu leedahay ku celceliyeen; waxba alla kama tarin oo midna afar iyo shan qof kamuu bads an. Waxay aad ugu celceliyeen “Aaway muslimiintii kheyrka badnayd”..Haddana weli, soo wicitaan ku teelteel buu ahaa, aad u kala fog oo cajis gelinaya daawadaha iyo culimadaba.

Markaan sidaa in ay tahay yaqiinsaday, tuhunbaa I galay in daawadayaashii ay ku maqan yihiin fiir sashada labada musasal ee jacaylka ah ee ka socda Universal iyo Horncable. Haweenku barnaamij ka dalabaadka ducada way xiiseeyaan, musasalaka jacaylkana iyagaa ayaa ugu badan dadka xiise eye musasalkana, sidaa daraadeed waxaan go’aansaday in aan sii daawado oo bal ka gungaadho in tirade soo wacaysaa ay korodho, markay musasaladu dhammaadaan.

Welow ay labadii musasalba dhammaadeen, daafaha dunideednada meelo badan laga soo jeedo, h addana wacitaankii iyo dalabaadkii ducadu wuu isa soo tari waayey. Aniga iyo shuyuukhda daal baanu dareenay oo cidla ciirsi la’ ayaa moodney in aanu yuururo.

Markii juuq iyo jaaq la maqli waayey ee nuh iyo nah la soo odhan waayey, wadaadadii, waxay sameeyeen qiimo dhimis.

Barmaaijkaa markuu bilaabmay sedexda wadaadba waxay ku dhawaajiyeen qiimo sare. Markii daha bleydii la waayey, 5 kun leydii la waayey, kun leedii la waayey, boqolaal leydii la waayey, boqoleydii la waayey; waxay iskugu soo biyo shubatay maafishtaba keen iyo aakhira sixirkii oo noqday $50 oo keliya, Saajadadiina waa la kala badh. Taasaani waxay noqotay xeelada keliya ee soo jiidatey dhawr hooyooyin oo ka werwersan barbaarinta carruurtooda iyo caafimaadkooda.

Haddaba midka mid ah culumadii barnaamijka daadihineysey ayaa hadhi waayey, oo isaga barnaam ijkiisu, ku sinnaa ilaa 2.00 am, waqtiga London’ ayaa goor aan goor ahayn oo la xabeebsaday gaba dhi khadka u soo gashay. Aniga iyo isgu mar baanu ku wada dhawaaqnay maashaa allaa, tabaara ka laaha. Sheekhii dhalowdii u horeyseyba madaxii telefoonka, ayuu dhabsiiyey oo ku hubsaday dh e gtiisa, Isaga oo dhoola cadaynaya, wuxuu yidhi: “ Salaama calaykum, Magacaaga iyo meeshaad ka soo hadalaysoo noo sheeg, muuminadaay, ma boqolka sidaa mise……”.

Waxay ku jawaabtey, iyada oo muusoonaysa: “waxba ma sido, ee waxaan kuu soo wacay in aan kuu duceeyo oo dadaalkaa badan daraadii lagula soo hadlo, dadkana aan ku idhaa ha amusinee soo hadla.’

Sheekh wuu u mahad naqay, waxaanu u sheegay in kelmada wanaagsan lafteedu tahay sadaqad.

Hasayeeshee anigoo ah daawadihii oo muddo dheer sugayey cid sheekha ka farxisa oo soo hadas ha, ayaan idhi: ““Bal cod wanaagsanideeda iyo faramadhnaanteeda eega.” sidii sheekhii wanka we yn ee galaalan calmaday ee kii adhiga lahaa soo qabtay mid yar oo – bal habaar qabe isaguna gala alan, kadibna markuu arkay, isaga oo saluugsan yidhi: “Bal intuu le’eeg yahay uu galaalan yahay eega.”

Muddo markaanu dhursugeyney, sheekhuna ducadii iyo codkiiba laba jibaarey, cabashana ku dara y, oo uu raadinayo ruuxii khatinka, ayay hablo kale ka soo yeedheen Sucuudi Arabiya, kuwaas iya guna sheegay in ay duco sheekha u soo walwaaleen oo ilaahay uga baryayaan in daawadayaashu la soo hadlaan, Waxaanay ku cudur daarteen in ay baagamuuda yihiin oo aanay wax kale awoodi Karin.

Waxba yaanan ku daadalin hadale, habankan wuxuu barnaamijku u muuqdey darandooriyaaba naa snaasi oo haweenkii kheyr qabayaasha way ka seexdeen ee kontolow, jannaa dagatay oo ducaa dagatay, intaad musasalka daawaneysey. Aniga Ilaaahay baa I waafajiyey iyo ducadii wadaada in aan daawado barnaamijka, oo sedexdaba intaan gacamaha sare u taago, aan aaminta xoojiyo.

Haddaba waxaa isweydiin leh ma ummadii ayaa kheyrkii ka hadhay, mise culamada mashruuc aan dhammaad lahayn la timid? Anigu sidaan qabo labadaba wax kaga dar.

 

 

 

Haamud Duale