DARAJADA shacabka s/land -- gobanimadii MAJEERTEENKA iyo GUUSHA madaxwayne axnmed siiraanyo

 


Hadii shalay aad koob shaaha ka wayday soomaliya markii dhibaatadu ku haysay qaxootigana aad ku ahayd dalka ethoobiya, waliba laguugu daray dil badan iyo dhac oo shacab masaakiina lagu xasuuqay xeebta jaziiraoo kii xamar yimaada ee dagaalada waqooyi ka socday kasoo carara loo bixiyay XABADI KEENTAY.
adiguna maanta aad garatay inaad caawimo siiso shacabka soomaaliyeed waa darajo aad u wayn.

Sadaqada loo guray dadka soomaaliya waa mid sumcad badan u keeni karta shacabka somalila nd waa guul wayn oo shabaka soomaliland uu gaadhay.
waa guul wayn oo madaxwaynaha soomaliland alxaag axmed maxamuud siiraanyo diiwaanka ugalaysa. waa darajo wayn oo usoo korodhay shacabka somaliland iyo jamhuuriyada somaliland.

Waxaan jecelay inaan ku xasuusiyo in shacabka soomaliya aanu wada ahayn kuwa shalay ku wada gabay
waxaan hayaa qiso aan aad ula dhacay oo beesha majeerteen gobonimo muujiyeen
ilaa 100 gaadhi oo ay saaran yihiin shacab somalilandera oo ka soo qaxay xamar ayaa soo qaaday
jidka dheer ee xamar iyo hargaysa isku xidha.
waxay dadkaasi soo galeen safar aad u dheer waxaanay la kulmeen dhac fara badan oo ay kala kulmeen
intii ay marayeen gobolada dhexe.
waxa jira laba gaadhi oo tikniko ah oo general caydiid ku amray in dadka la sii galbiyo waxaanay gawaadhidaasi
dadka sii galbiyeen markii xamar laga baxaayay.
hase yeeshee isla degaanada ay gawaadhidaasi ka tirsanaayeen waa kuwii lagu boobay shacabkaa wadada maraayay

Akhristoow markii shacabka ka soo qaxay xamar ay yimaadeen cariga majeerteenku dego waxay ii sheegeen in filayeen
dhac iyo tacadi kuwii hore ka wayn inay la kulmi doonaan.
waxayse xaqiiqdu noqotay in taasi aanay dhicin waxaanay beesha majeerteen siiyeen cunti iyo biyo dadkii
degaankooda soo martiyay ee rabay inay usii gudbaan burco ilaa hargaysa.
Ninka qisada iiga waramay oo ahaa ni ku jiray dadka xamar kasoo safray wuxuu ii sheegay in ay si nabada kaga baxeen
carigii beesha majeerteen ayadoon wax dhiba iyo wax hadala mid loo gaysan.
Taasi waxay ku tusaysaa in ay jiraan soomaliyaba shacab goba oo xataa hadii wax idin dhex maraan mararka
qaarkood wax xeeriya oo ka raaca gobonimada.
waana caalamadaha lagu sifeeyo dadka nasabka ah ee damiirka leh runtiina la odhan karo waxay leeyihiin mahadnaqeeda

Maanta hadii somaliland garatay wanaag iyo walaalnimo waxay iila eegtahay mid wax wayn ka dawayndoonta dhibaatooyinka
soo kala dhex maray umada soomaliya iyo kuwa somaliland ee badankeeda ay abuureen dad aan umada u danaynayn.
Waxa ay horseedi kartaa in soomaliya ay garato in shacabka somaliland uu yahay astaan u taagan nabad iyo walaanimo
wax wada qabsi is qadarin iyo waliba kalgacal.
waxay tani wax wayn ka badalaysaa in markale wiilal is qarxiya oo nacaybsho u haya somaliland aanay jiri doonin
maxaa yeelay hadiiba shacabkii sidan isu caawinaayo waxa ila fiican in wixii lakala tirsanayana wanaag lagu dhameeyo.
soamlialnd waxay muujisay talaabo hormooda oo ah in nabad iyo is caawin wax lagu dhameeyo
arinkana waa mid xataa khuseeya gudaha somaliland oo wixii nabad lagu dhamayn karo aan xabad laga dooran
sidoo kalana waa mid soomaaliya khuseeya oo ah in nabada laga horaysiiyo colaada iyo dagaalka


wabilaahi tawfiiq

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
london guusha