DANTII UMADA LOO QABAN LAHAA WAXA INAGA MASHQUULIYAY WAX AAN SAKAARO KA BIIQSAN( bal hada qormadan ila eeg ujeedada ku jirta)

 

 

Waxa ina mashquuliyay oo waqtigii inaga qaaday rag siyaasiyiin oo ay ka dhexeeyaan loolan iyo cayaarta loo yaqaano [ musaaraca xorah].


Waxa maalin kasta ka muuqada saaxada siyaasada s/land arimo aan waqtigan loo baahnayn in laga hadlo ama waqti layskaga lumiyo.Waxaad moodaa in dalkeeniba ku jiro mishkailad xisbiyo is haysta oo ninba gee s wax u wado dabcan axsaabtu way is qabanayaan waxaanay isku qabanayaa waa danta umada sida ugu haboon ama sida ugu fiican kii wax uga qabanaya ayaa kula doodi kara kuwa kale inuu ka fikrad fiican yah ay.


waxa asxaabtu ka wada doodi karaan inay qabtaan kii baalmara dastuurka iyo sharciga ee u hogaansami waaya dimuquraadiyada iyo nabadgalyada.

Waxaadse moodaa in dantii umada loo qaban lahaa inay meesha ka baxday

1. dalka oo wali raadkii abaaru hu ku sii taagan yihiin ayaa u fiican in umada la taageero. kaliya maaha da wladu inay taageerto ee xataa axsaabta mucaaridka iyo tujaarta iyo wixii wax tari karaa inay wax taraan bay ahayd halka isku haystaan maxaad shirkaa u tagtay iyo waan tagayaa oo danteenaa ku jirta, xamar ayaad u socotaa iyo mayee adaa gees kala socda nida amka somaliwayn.

2. shaqo la,aanta haysata dhalinyarada iyo shacbiga s/land ayay ahayd in wax laga qabto oo loo abuuro shaqooyin , waxa kaliya ee shaqada laguu abuuri karaa waa dawlada iyo shacbigoo si wadajira isu kaasha da oo ku fakira inay ubadkooda taageeraan halka ay waqtiga ku luminayaan xisbi AA ayaa la furayaa iyo xisbi BB ayaa wacdaro muujin doona.

3. Naafada iyo maatada daadsan dibada ayay ahayd in loo dhiso guryo lana siiyo gunooyin ay gaajada isk aga difaacaan oo il naxariis leh lagu eego halka ay hal nin oo siyaasiya oo ka yimi maamulka soomaliya oo asal ahaan kasoo jeeda s/land toban maalmood hilib iyo baruur loo qalaayo ee qawlalada subagu ka da,aa yo qosolna loo raacinaayo.


4. dalku wuxuu u baahan yahay in waxqabadka la gaadhsiiyo tuulooyinka iyo dhulka ka fog magaalooyinka waawayn akhristoow wax qabadkeeni wali wuxuu taagan yahay afarta magaalo ee dalka ugu wayn waxa ad moodaa dhulka inta kale oo ah 70% in aan looga baahnayn dawladaba. dalku maaha kaliya hargaysa, burco, boorame, berbera, laascaanood, ceerigaabo waxa jira dhulka intiisii kale oo shacabka s/land degan yahay oo aan wax horumara la gaadhsiin hawshani maaha mid aan dawlada hada kaliya ku maagayo waa mid dhamaan siyaasiyiintii badnaa iyo hogaamiyayaashii badnaa ee dalka soo maray aanay xil iska saarin.

5. dhismaha wadooyinka, dhamaan dugsiyo laga dhiso dhulka ka baxsan magaalooyinka waawayn malcaa madihii quraanka oo caruurta u ahaa aasaaskii barasha quraanka iyo fahanka diinta islaamka biya ha oo dadka la gaadhsiiyo inkastoo kuwii hargaysa joogayba ku biyo la yihiin waxa ina sugaaya 200 kun oo arim ood oo inaga qabyo ah.


uma baahna inaan caawa oo dhan halkan ku tiriyo ama kusoo bandhigo ninkii ragi waa fahmayaa ujeedada
maanta marxalada dalku taagan yahay waa mid u baahan [ meey rasaaseey mee rageedii].dadku wux uu rabaa in baahida laga saaro malaa ragbaan ogaynba baahida oo iyagu maalintiina badhar jaada xagasha ku sita habeenkiina laba koob oo caano lo,aad qac ka siiya ka dibna khuurasdiisa sekeda kale laga maqlo[ ilayn danyartu ayadu gaajay la seexan waydee].

gabagabadii;- maanta waxa tv.ga iyi idaacadaha iyo jaraa,idka iyo websityda aad ku arkaysaa shacbigii o o ku qaylinaaya xisbiga tamaandhada ayaa la furayaa iyo kii baradhada waxaad moodaa in shacbigaa ku qaylinaya axsaabta badankoodu aanu shaqo haysan ama naftiisuba iska dayacan tahay waa hubaal in aa nay dantooda garanayn waxay tahay.


waxaad arkaysaa siyaasiyiinta oo si qoto dheer u qaadaa dhigaaya wararka xisbiyo la furo , waxase ka haboonayd in idaacadaha iyo jaraa,iidka dadka lagu wacyi galiyo oo looga waramo sida wax loo beerto, sida loo helo shaqo, sida waqtiga roobka biyo loo kaydsado , sida xoolaha loo dhaqdo. IYO WALIBA SHACABKOO DANTOODA LA BARO iwm.



wabilaahi tawfiiq

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen2011@hotmail.co.uk
London,UK