Dalxiise Carbeed oo Warbixin Dheer ka Diyaariyey Waxyaabihii uu Somaliland ku Arkay

 


Dalxiise u dhashay dalka Sucuudiga oo magaciisa ku soo koobay Kabayan, ayaa warbixin dheer oo uu ka diyaariyey dalka Somaliland, kuna baahiyey shabakadaha wararka dalxiisayaasha, waxa uu kaga sheekeeyey arrimo badan oo dhinacyada horumarka dhaqaalaha iyo xaaladda ammaanka.


Mr. Kabayan oo dalxiis uu ku yimi magaalada Hargeysa dhawaan kaga noqday, waxa uu warbixintiisaasi ku sheegay in aanay dadweynaha dunidu wax badan ka aqoon jiritaanka Somaliland, isla markaana u haystaan qayb Soomaaliya ka mid ah oo la isku cunayo, balse qofkii yimaaddaa ogaanayo xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta, isagana ku dhalisay inuu Somaliland tago kadib markii uu tababar kala qaybqaatay macallin ee reer Somaliland ah oo ka dhacay dalka Kanada, kaasoo uga sheekeeyey Somaliland iyo in aanay la mid ahayn Soomaaliya.


“Somaliland waa dal dimuqraadi ah oo ku naaloonaya ammaan iyo deganaansho badan ilaa iminkana aan aqoonsi helin, dawladaha intooda badanina waxay ula dhaqmaan sidii maamul madaxbannaan oo kale, waxa ku yaala xafiisyo diblumaasiyadeed oo u shaqeeya sida safaaradaha oo kale, kuwaas oo ay ka furteen Midowga Yurub, dalalka Koonfur Africa, Itoobiya, Jabuuti iyo dawlado kale, dalka Yemena waxa uu sheegay inuu ka furan doono xafiis diblumaasiyadeed Somaliland dhawaan, taas oo noqonaysa dawlad Carbeed tii u horreysay ee u dhego-nuglaata ahmiyada dalkan carbeed ee islaamka ah (Somaliland),” ayuu warbixin dheer oo uu Mr. Kabayan ku qoray luuqada Afcarabiga ku yidhi.


Dalxiisahani waxa uu aad uga waramay horumarka Somaliland ka gaadhay dhinacyada dhaqaalaha iyo ammaanka, isaga oo tusaaleyaal u soo qaatay ganacsiga xorta ah, dhismayaasha casriga ah iyo kala dambaynta dawladnimo ee ka jirta.


Dhinaca kalena waxa uu isbarbar dhig ku sameeyey xaaladda ammaan ee Somaliland iyo xarunta Soomaaliya ee Muqdisho oo uu iyana tagay, waxaannu ku tilmaamay magaalada Muqdisho ku tilmaamay mid maydku meel kasta daadsan yahay oo haadu ka dheragtay, isla markaana meel kasta joogaan maleeshiyaad aan cidna ka amar qaadan, halka Somaliland kala hagayaan jidadka ciidammada ammaanku.


“Waxaan booqday dalal badan oo Afrikada horumartay ah iyo qaar kale oo ku nool faqiirnimo halkii ugu hoosaysay sida runtu tahay waxa iga yaabiyey waxaan ku soo arkay magaalada Hargeysa, inkasta oo dadka intooda badani ku nool yihiin dhismayaal aan sidaa u sii wanaagsanayn, haddana waxay ka wanaagsan yihiin caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa dhinac dhismaha. Dhinaca kale shaqo la’aanta ayaa ku badan dadka magaalada ku nool waxaanay sugaan biilal dibada looga soo diro oo ay ku bixiyaan meelo aan munaasib ahayn sida qaad cunida,” ayuu yidhi Dalxiisuhu.


Dalxiisahan Sucuudiga ahi waxa uu sheegay in Somaliland ammaan buuxa haysato, isla markaana aanay cid wax dhacdaa jirin, isaga oo tusaale u soo qaatay suuqa sarrifka lacagaha oo uu ku tilmaamay meel adduun badani iska yaalo oo aan cidina dhacayn, “Lacagta faraha badan ee hortaal nimanka sarriflayaasha ah waxay ku qaataan gaadhi-gacmeedka (Kaaryoonayaasha) iyaga oo aan la kulmayn wax dhac iyo boob toona ah.,


Waxa kale oo dalxiisuhu ka warramay astaamaha magaalada Hargeysa caanka ku tahay oo aad u soo jiitay, waxaanu yidhi; “Badhtanka magaalada Hargeysa waxaad ku arkaysaa diyaarad nooceedu yahay miig dhab ah oo la soo riday waqtigii dagaalka, taas oo duqaynaysay magaalada Hargeysa intay ka soo kacdo madaarkeeda, waxaana laga taagay goobta loo yaqaan ‘Garoonka Xorriyadda,’ (Khayrida). Waxa sidoo kale astaamo caan u ah magaalada Hargeysa labada buureed ee Naasahablood iyo gacan kor u haysta maabka Somaliland.”


Dalxiisahan carbeed waxa uu magaalada Hargeysa ka qaaday sawiro aad u tiro badan oo ka mid ah meelaha aadka u soo jiitay iyo goobaha aataarta qadiimiga ah, kuwaas oo uu ku faafiyey shabakadaha lagu baahiyo wararka dalxiiska.


Geesta kale, waxa uu dalxiisuhu iftiimiyey dhibaatooyinka Somaliland haysta oo ay ka mid yihiin waddo xumo.



 



Jamhuuriya Online