Dalladda SSNL Holland oo doortay
Hoggan Cusub




Holland (TNN):-Dalladda Somaliland Society in the Netherlands oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan SS NL ayaa kullan ay ku yeesheen magaalada Hardenberg ee Dalka Holland si rasmi ah ugu doorteen hog gaan cusub oo beddelay hoggaankii hore ee ku meel-gaadh ka ahaa oo haatan noqday guddida ictira af raadinta ee Holland.


fadhigan oo ay ka soo qeyb galeen ururada ku midoobay Dalladda SSNL ee Daryeel, Ogaal, midnimo, m aandeeq iyo ergooyin ka kala socda gobolada (provinces) dalka Holland a yaa lagu doortay guddida fulinta oo hayn doona xilka muddo sannad ah, kuwaas oo kala ah:


1. Guddoomiyaha Dalladda SSNL Ahmed Aadan

2. Xoghaynta Guud Ugbaad Xassan Nuux

3. Maaliyadda Mawliid Maxamed

4. Abaabulka iyo Xidhiidhka Gobolada

kowaad Abdirisaaq Maxamed

Labaad Ismaaciil Maxamuud

5. Afhayeenka Guud Cali Aadam (Xaruuri)


Geesta kale wuxuu shirku magacaabay wafdiga Dalladda SSNL uga qeyb geli doona Shir weynaha Da lladda Guud ee Somaliland Soceity in Europe (SSE) oo lagu wado inuu bisha April 8-9 2016 ka dhici do ono caasimada dalka Sweden ee Stockholm (Stockholm Conf erence 2016‏ ).


Kullanku wuxu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay midnimada iyo wadajirka, taas oo uu tilmaam ay in lagu gaadhi karo horumar isla markaana lagaga gudbi karo wax ka sta oo caqabad ah.


Ugu dambeyn wuxu shirku baaq u dhiray dhallinyarada iyo aqoonyahanka reer Somalila nd ee ku nool dalka Holland inay qeyb libaax ka qaadtaan hoggaaminta Dalladda iyo hor umarka Dalka, waxayna SS NL soo dhaweynaysaa cidkasta oo haysa fikrad hourmar ah oo Dallad iyo dalkaba wax tari karta.


Kullandka oo ay marigeliyeen ururka Ogaal waxaa isla goobta fadhigu ka dhacay lagu qabtay xaflad qado oo heer sare ah oo lagu soo gunaadaday shirka